Wednesday, December 27, 2017

Maansadii galdogob school

Maansadaan waxa u hal abuurku kajeediyay daabuurka iskuulka ay maansadu amaanayso galdogob school waxayna si guud uga waramaysaa cilmiga iyo aqoonta taala


Iskuul weeyaan goldogob
Tacliinta u gaara oo
Culuumta gubaabsha oo
Iskuulada gayiga kale
U galay kaalmaha sarsare

Iskuul weeyaan goldogob 
Ilaa gaaliyo islaam
Garoowiyo gaarka xamar
Ilaa godey  iyo wardheer
Dhabtii gobolada puntland
Gidigood goobaha tacliin
Guul wayn kasoo hoyiyay
Iskuulada gayiga kale 
U galay kaalmaha sar sare

Garaadoow maamuliyo 
Gudoon sare macalimiin
Ragii noo soo gurmaday
Waxay gaareen dantood 
Dadaalbay noo galeen
Ilaa galab iyo habeen
Gargaar bay noo wadeen
Gacanteenay hayeen
Aloow garabkooda noqo

Siduu guuluhu na yiri
Cilmiga ruuxa gartiyo
Midkaan garaneen aqoon
Miyay garab noqonayaan
Miyay gogol wada dhigtaan
Garaadkooduna simaa?
Ardada goobtaan fadhida
Gidigood buugaagta sida
Culuumtana goobayaa
Akhlaaqduna gaar u tahay
Kuwii suuqyada gabaran
Gafuurada wada madow
Tacliin garaneen aqoon
Sidii dumarkii guryaha
Ilaa galabkii fadhiya
Shaqaale gudboon ahayn
Salaadaha aan gudayn
Miyay garab noqonayaan
Miyay gogol wada dhigtaan
Garaadkooduna simaa
Aloow garabkooda qabo?

Mirihii guntiga ku jira
Intaad gadisood firdhido
Kuwii geed saaran dheer
Miyaa loo gacan dhigtaa?
Iskuulkeenaan goldogob
Aradada gayigaan ku nool
Akhlaaqduna gaar u tahay
Gacan qabtoo hadana
Garabkoodana noqdoo
Ilaa galin aan xirnayn
Intaan gacaloow ka tago
Intaa gabigiisba naco
Miyaan gayi kale tagaa?
Miyaa goobaa tacliin?
Gaalkacyiyo gobolka bari
Miyaa garawoow baxaa?

Hadaan gabaygayga xiro
Gunaanadka aan u tago
Aloow guuloow raboow
Gargaaroow macalinkiyo
Gudoonkeeniyo ardada
Intii goobtaan fadhida
Intii goysee maq maqan
Gidigeen garabkeena noqo
Nagu guule alahayoow




Saturday, December 23, 2017

Maansadii : Calaf baalal leh(qaybti labaad)

Maansadii calaf baalal leh

Qaybtii labaad:

209.Ileen ruux jacayl badan
210.Ugu haysid beerkiyo
211.Barta uu wadnuhu yaal
212.Kama bogatid eegmada

213.Yarkii farax bilow daran
214.Kala baday halyeygii
215.Ku baah caashaqii helay
216.Xogaana wuu baqay
217.Xiray boocu hadalkii
218.Juuqna beeri kari waa
219.Wax badalay dareenkii
220.Bamkii caashaqaa qarax
221.Iyo balal xanuun badan
222.Ka bilaabay feedhaha

223.Iyadooy bartaa mari
224.Xaalkuna bastii yahay
225.Yay bilantii hadal tiri
226.Is bariidin dabadeed
227.Boowe soo gal bay tiri
228.Kuraas loo banaan dhigay
229.Iyadoonan face book
230.Beribeeri uu jirin
231.Layska bogayay sheekada
232.Qof walbaba banaan keen
233.Soo bandhigayay caashaqa
234.Dareenkiisa soo bixi
235.Sirtii beerku qarin jiray
236.iyo bogga la faalee
237.Xogo baaray baa dhashay
238.Saacado la baashaaal
239.Kaftan laysku tuur badan
240.Laysku barayay aragtida
241.Markalana lawada balan

242.Booqashadu ma kala harin
243.Sii bislaayay caashaqu
244.Xididaysay buurnaa
245.Baawarkiisu sii koror
246.Laysasii hadyado bilan
247.Laba sano bil iyo dhawr
248.Muddo badan gaadaasheed
249.Booyeey maxaa dhacay

250.Barashadu muhiim lehe
251.Isagoo bidhaanloow
252.Imtixaan biroo kale
253.Loo balamay diyaariyi
254.Barkintiisa telkii
255.Bulshayahay kor saarnaa
256.Soo dhac baaqa wicitaan
257.Deg deg baarigii eeg
258.Baabacada ku soo qabay
259.Mise bilantii weeyaan
260..Dhagta saar ma baajee
261.Bureeqaay salaan sare
262.Durbadii la soo bood
263.Is bariidin dabadeed
264.Iyo ereyo beer raqa
265.Waxay tiri bilkhayroow
266.Mar dhaw waan baxaayaa
267.Inaan balano weeyaan
268.Banjar caashaqana diid
269.iyo baaba'a waajaha

270.Wuxuu yiri bureeqaay
271.Ma boondheere baa tagi
272.Ma boosaaso ladan iyo
273.Booramaad ku jeedaa
274.Bishee baanad soo noqon

275.Yartii aamus badan kadib
276.iyadoon aan kala baqin
277.Boqoroow waxay tiri
278.Galbeedbow baxaayaa
279.Halka beeso laydaa

280.Waxa dhacay pressurkii
281.Baga buu u naxay kali
282.Murug bararisaa heshay
283.Siduu waligii hadal baran
284.Ku dhag ereyna bixi waa

285.Bawaar li'i telkaa dhacay
286.Sidii baas xun waajahay
287.Ama bahal sun uu duray
288.Ama uu xanuun buko
289.Ama Ruuxuu baga garan
290.Lagu duugay boorkiyo
291.Dhoobada biyaha qoyan
292.Durba buuq xun buu galay
293.Iyo fakar biirsaday

294.Waa muraayad beerkuye
295.Qalbigaa buroo jabay
296.Qarsanwaa bi'ii helay
297.Baal ka dag magaalada
298.Cidladuu maciin biday
299.Firfircoonidii budhey
298.Buufis qaadyay kalinimo

299.Kaftankii barbaartiyo
300.Asxaabtii banooniga
301.Ama kuwii waxa barashada
302.Bulshawantii uma dhawa

303.Muruguu la bihinbihay
304.Bariisiyo kolay tahay
305.Baasataba ka dheeraa
306.Baahi seexay laylkii
307.Barakadii awoodana
308.Waxa buriyay xoog yari

309.kol faleenbo lagu bujo
310.Kolay buuri loo qaso
311.Lagu baaro geedaha
312.Bartamaha calooshiyo
313.Kol dab looga buufiyo
314.Boga meeshu kaga yaal
315.Wax xanuunka bootiya
316.Burhaan daawo loo waa
317.Beesha caalamkoo idil

318.Waxa suaalo badanoo
319.Aan jawaabo boog dhaya
320.U Ban dhigay aan loo hayn
321.Uurkoo baaqyo soo diray
322.Bahdil caashaqii helay
323.Bool ka dhig jacaylkii
324.Ninkii baaluqa ahaa

325.Waxa bilo gadaasheed
326.Baanjeero raacoo
327.Barqo safar u baxay dheer
328.xaga bogox u socod tagay
329.iyo barnaamij dhoofeed
330.Bilantii uu caashaqay

331.Maxay ereyo bilic wacan
332.Iyo boowe ii tari
333.Mar hadaad banaysoo
334.Baalahaygu maranyahay

335.Buulkuu mar hore dhisay
336.Baydkii xagaa dumi
337.Jawi boor leh buu galay
338.Ceel biira leh buu galay
339.Booraan ka duul dheer
340.Xarxariiq banaanada
341.Ban cidla ahna  ku habow
342.La bariiqday taladii
343.Baaskii ku sii koror
344.Noqoy biisi Ruux maqan

345.Qays iyo bareejee
346.Boodhari sidisii
347.Baajin waa dareenki
348.Bareegiina waa goay
349.Bismalaahi buu yiri
350.Caashaq biimo kululaa
351.mar danbaan bahdiis noqon

Dhamaad.

Maanso cusub: Calaf baalal leh(qaybti kowaad)

Maanso cusub: calaf baalala leh

Ku saabsan: qiso jacayl oo dhaba oo  ku dhacday lamaane soomaaliyeed waana sababta ay u dheertahay

Curiye:bilaal Axmed wali

Ka bogosho wacan:

1.Ma bogsoonin waayuhu
2.Badankaygu Muu ladin
3.Boogbaa wadnaha taal
4.Wali waxaan dhex boodaa
5.Baxrigii jacaylkoo
6.Jeel baan u bariyaa

7.Inkastoo biliyo sanad
8.Iyo baryaan LA koobayn
9.bilan joogin dhinacay
10.Barbarkay ka maqantahay
11.Qalbigayga Kama bixin
12.Beerkaygu wuu tabi
13.Maankaygu wow bogi
14.Niyadayda buuga leh
15.Waxay soon bandhigaysaa
16.Xasuusteeda boholyow
17.Iyo barashadeenii
18.Waayaheenii Bari hore

19.Baladkay ku nooshahay
20.Baska kiisa xiimiyo
21.Baabuur hadduu tago
22.Mirir Kama aan baaqdeen

23.Haday buur sareetiyo
24.Bohol lagu jabaayiyo
25.Baar sare ay dagantahy
26.si kastoon u badan jabo
27.Lafahaygu bololaan
28.Aan u ba'o haraad badan
29.Bilicdiyo dharkaan qabo
30.Si kastooy u boormaan
31.Buurqadaan caguhu dhiig
32.Hadii aan bureeqaay
33.Bilaneey dib ku heli
34.Walee kaama baaqdeen

35.Bohol Kuma habaabeen
36.Hadba markaan bugsoobaba
37.Boogtu may dilaacdeen
38.Intaan baxo Ma salaleen
39.Kaligay Ma buuqeen
40.Ma busaaradoobeen

41.Bini aadankuba ciid
42.Iyo boqorku dhoobaduu
43.Ka sameeyay Bari hore
44.Iyo boorki buu noqon

45.Wiil soo barbaaraba
46.Baawar soon siyaadiyo
47.Si kastuu u helo badar
48.Mar un buu bukaan socod
49.tarbaryari Bastii noqon

50.Jacaylkeenii bilowgii
51.Qadka uun ka beermee
52.Maqnaanshaha ku badan jiray 
53.Dib u noqoy bartiisii
54.Waqtiga boodayaa helay
55.Calaf baalalaa yimid
56.Boqnuhuu ku jaray seef
57.Iyo labada bawdyood
58.Baxnaana Ma uu helin

59.Baroor wuxuu kA tiriyaa
60.Maansooyin Fara badan
61.Murugana LA booyaa
62.Meelaan bad iyo bari
63.Cidnah beeg u garanayn
64.Biyooy buu ku qaylshaa
65.Xanuun buu bogooy yiri

66.Miyaan dunida beer naxa
67.Iyo baaqi ku ahayn
68.Digtoor barafasoor ihi

69.Yaa bud iyo tooray
70.Naxariistii baaruud
71.Iyo la dhacay banbaanada
72.Una qoday god bohol dheer
73.Ciidna baabah uga dhigay

74.Casharadii horoo baxay
75.Boodhari wixii helay
76.Miyaan barasho laga helin
78.LA baraarugayn wali

79.Nabsi inuusan bayrayn
80.Miyaan buuga lagu qoran

81.Bulshadii maxaa helay
82.Miyay Baal marayaan
83.Suugaanta buuxa ah
84.Xidida hal bawlaha
85.Dhiig kazoo baxaayiyo
86.Xinjir booda Lagu dhigay

87.Miyaan loo bandhigin wali
88.Boostada waraaqaha
89.Ubax Bara leh waxa yaal

90.Haddii Ruux Bareer jaro
91.nafaan lo bananayn dilo
92.Qisaas Lagu bireeyiyo
93.Haddii uu Mag bixiyaba
94.Waa bayaan Lawada garan

95.Hadiise uu jacayl badan
96.Kugu beero Ruux fiid
97.Beerkiyo qalbiga galo
98.Wadnahaaga beegsado
99.Dareenkaaga buuxsamo
100.Hadhowna uu bur buriyoo
101.Kaaga baxo si fudud galab
102.Balantiina Sabab li'i
103.Uu ku daro Baskaa dhaca
104.Bayaankiisu waa maxay
105.Xukunkiisa baandhee
106.Soo sin boogta dhaawacan

107.Doodyay bilan jacaylkii
108.Tixo badan Soo tiri
109.Iyo Buraanbur qiiro leh
110.Taariikh horiyo bayd
111.Wuxuu biimo soo maray
112.Iyo baaska qimee
113.Ogaysiisna Noo bixi

114.Internerku waa balo
115.Adoo Meel barwaaqa ah
116.Jooga balad nabdoonoo
117.Bashaalayoo dagan
118.Buu baxar ku galiyaa
119.Barafaan dhaqaaq jirin
120.Iyo badaan dabaal jirin
121.Dabar aadan ka baxayn

122.Waxa taa bayaan ku ah
123.Qisadaane kaga bogo

124.Waa Ruux buruuj wacan
125.Waa halyeey Mar baariya
126.Runta baafiyoo jecel
127.Beenta waa uu necebyahay
128.Waa boqor akhlaaq ladan
129.Ma dabeecad buufsana
130.Waa farxaan bulshaawiya
131.Kama bixin qadkii xalay
132.Waxay is barteen gabar
133.Balad kale ku nooloo
134.Ay xiriir bineeyeen
135.Geeraaro badan iyo
136.Balan Wada wadaageen

137.La sheekaysay buuq yari
138.Jacayl laysku boga qaad
139.Hasaawe Lagu bari
140.Saq bandhkii Markay tahay
141.Dadku badiba seexdeen
142.Laysku bixi fariimaha
143.Beribeer dhamaad MA leh

144.Barbarkayga goormaad
145.Ku imaanin baabuur
146.isbahaysanaynaa

147.Hadaan baalal helikaro
148.Hadaan buubi karayoo
149.Meeshaan u baahdaba
150.IL biriqsi  tagi karo
151.Walee kaaama baaqdeen

152.Ereyada qalbiga bila
153.Oo dareenka badin kara
154.La wadaag BIL iyo labo

155.Mudo badan gadaasheed

156.Yarkii xirayay boorsada
157.Uu bax safar halkuu rabay
158.Bartay joogtay qaalidu
159.Barkuu soo dhawaadaba
160.Dareenkaa kusii badan
161Baqdin caashaqbaa gali
162.Wadnaha bamlayn orod
163.Dhaxan buu Bastii noqon
164.Waa maqane baddan joog
165.Niyadiisu way bixi
166.Wuxuu soo bashleeyaba
167.Imay baladkii uu rabay

168.La bood boodyay farax jeer
169.Ma biniininaayee
170.Wacyay bilantii facebook
171.Waa bishaaro bay tiri
172.boowe waan kulmaynaa
173.Mar dhow boqorka idankii

174.BIL khayr buu mcn yiri
175.Waa boontii noo dana

176.Kulan laysla Wada balan
178.Hal saac iyo badh fiidkii
179.Hoyga beerta caashaqa
180.Ma hilaaca baxaayuu
181.Bartankiisa saarnaa
182.Biriq Miyuu dhex koray
183.Yarku boodda dheeraa
184.Goormuu bartaba yimid
185.Ba e caashaq baa yiri

186.Isagoo baraad yari
187.Marba gees bidhaansani
188.Taleefoonkii soo bixi
189.Wacyay baariduu rabay
190.Tiri bidixda soo eeg

191.Mise  waa bil iyo nuur
192.Waa gabar bureeqa ah
193.Waa Gabar bidhaan wacan
194.Quruxlay buruujloo
195.Loo bogayo weeyaan

196.Balaar Malaha foolxumo
197.Iyo buurni Lagu duro
198.Caato badana Ma ay laha
199.Socodkeedu waa beeg
200.Gaabni Malaha laga baqo
201.Balac dheerna MA ay laha
202.Waa normal loo bogo

203.Bushmaheedu waa madow
204.Waxay baari leedahay
205.ILko dabarku buufiyay
206.Meel banaana Lagu arag
207.Dhabankeedu waa bayd
208.Bar tush baana kaga taal

Laso qaybta labaad.

Maansadii : garaad

Maansadan waxa uu hal abuurku ka jeediya daabuurka iskuulka waxa uuna uga hadlaya  cilmiga iyo faaidooyinka uu u leeyaha bulshada 

Waatan maansadii garaad iyo abwaan bilal axmed wali

 
Golihiina jaarkiyo
Gidigiin akhyaartaay
Inta joogta goobtee
Guuxayga maqashiyo
Gaadhay maansadayde
Salaan  guud ahaaneed
Maankayga gaarkiyo
Ka soo guuxday laabtaan
Gidigiin hor dhigayaa

Mida kale garaadkiyo
Nimankii gashaanke a
Giiray aayaheene
Guntigeena xirayoo
Na  garwaaqsa cilmigaan
Salaan gaar ahaaneed
Geeloow hor dhigayaa

Mida kale garaadoow
Nimankii gadaan iyo
Goobay maansadaydoo
Garaadoow farxaan iyo
Ragii keenay geedkaan
Salaan gaar ahaaneed
Geeloow hor dhigayaaa

Mida kale garaadoow
Waxa gaar aduun yada
Guuxaaya bira oo
Gantaalaha lugleyrkiyo
Gidigood habaasaha
Lagu gaaray samir oo
Loo goodaadshay madaxee

Hadad giiran cilmigo
Gamaankii aqoontiyo
Mirahaaga guranoo
Wainad gashaanoow
Guntigaaga xiratoo
Samirkaaga gaarka ah
Gowsahaaga xajisee

Mida kale garaadoow
Nimankaa guhaadkiyo
Garaac aan  arkayniyo
Qalbigeena gubayee
Galbeed iyo ragiisiyo
Gurigaa baarisiyo
Gobalkaa niyu yook
Inay samada guud iyo

Dayaxba gur guurteen
Ayagaa garaadoow
Caqligeena galiyee
Anagana gadaa iyo
Inan gaarno dayaxaa
Maankooda guud iyo
Inay galab xareeyaan
Waa timo gadaa iyo
Sacabada ka guuxee

Mida kale garaadoow
Gacaloow aduunyadu
Gabal weeye hara oo
Hadba gees u xiimaa
Hadad galabta fiid iyo
Caawaba gadoodaa
Inad guuxa waabari
Maankaaga galisaa
Galaf iyo xumaan iyo
Gudcur naara weeyaan

Guuloow alahayoow
Gargaaraha na uuntoo
Gabigeed aduunyada
Mar un wada gudoonshoo
Irsaaqdiisa gaarshoow

Guuloow alahoow
Gar gaaraha na uuntoow
Gacalaha dalkeeniyo
Mudug goonyaheediyo
Garoowiyo sanaagiyo
Golihii togdheeriyo
Gedo iyo  shabeeliyo
Gacankii baraawiyo
Gayigeena soomaal
Nabad lagu gargaariyo
Aloow guule  noo dhali

Maansadii bilic ee silsiladii baadidoon


Maansadan bilic waxa uu hal abuurku uga qayb qaatay silsiladii baadidoon silsiladaas oo ay ka qayb qaateen hal abuuro iyo abwaano badan oo tiradoodu tahay 17 hal abuur oo kala  jooga meelo kala duwan oo caalamka ah
silsiladaas oo bilaabay hal abuur nageeya oo jooga magalada burco casimda gobolka togdheer  kana socotay qol kamda qololka kulmiya hal abuurada ee dhinaca internetka
silsiladaan oo ahayd oo ahayd silsilad sarbeebaa oo gabadha loola jeeday gobonimadada iyo nabada oo ay hal abuuradu afkaartooda kuso ban dhigayeen  meesha ay u baqooshay gobonimadu
waatan maansdiii bilic ee silsiladdii baadidoon iyo abwaan bilal axmed wali:

bisin iyo aqoon baa
hadal lagu birqeeyaa
lagu baafaa maansada

marka hore bariidiyo
salaan baariyoo wacan
baxasanoow nageeyoow
iga hoo barteediyo
bilicdeeda suugaan

sowtaan bulaaloow
baxsanoow nageeyow
inan baadi doonkeed
bartankii alleykii
biya dhaamis man galin

sowtaan bir iyo leeb
barxadkiisa caanood
beegiyo khudaar dalag
sahay baadi doonkeed
baxsanowba maan galin

sowtaan bulaalow
bari iyo galbeed iyo
dhanka xiga baraawiyo
booramiyo hargeysiyo
barxadii garoowiyo
mudug baaleheediiyo
barbariyo nugaal iyo
burco sagag alleyliyo
beerihii sabiixiyo
bilicdeeda maan tagin

sowtaan ba iyo wow
waxa baaha sheegaa
maan weyn baraaraha

sowtaan bulaaloow
hidihii barteeniyo
bilicdii qorxoonayd
baliyada arooriyo
baadiyaba maan tagin

sowtaan bil khayreey
baxsanow nageeyow
hadiyoooy bishaaroooy
qaylo baaba maan oran

sowtaan baraaraha
bilantii qorxoonayd
suaal baaha maan oran

maxaad baaqa foofiyo
bilicdeeda suugaan
baxsankii nageeyiyo
uga baaqday waayaha?

waxay tiri bulaaloow
baxsanoow hal yeeyow
waxan baaqa foofiyo
barbarkii nageeyiyo
dhulka bari sanaagiyo
badhan iyo hargeysiyo
baladweyne iyo luuq
uga baaqday waayaha
biro weeye xaajoo
baaqeeda sheegayn
wabilaahi towfiiiq

Dhamaad.
2015

Gabaygii (ADEER)

Gabaygan waxa uu hal abuurku uga hadlaya ama curiya kadib markii nin adeeerkiis oo uu aad  u jecelaa ka codsaday in gabayga uu joojiyo ama gabayada badan uuiska daayo oo wax barashada ku mashquulo kadib waxa uu tiriya gabaygan oo  uu ku qeexayo in maansada curinteeda dayn Karin
sidda aad ku arkayso gabayga waxa warka soo gaarsiiyey adeer oo yiri ninki waa ka mshquula waxbarashadii ragg kale oo uu  ku sheegayo  gabayga waxa uu yiri

adeerkaan jeclaayoow hadaan erey yar kuu sheego
ibtiloobe nimankaad lahayd way igu afuufeene
akhbaartaad heshana waa la yaab il iyo baarkeede
afku wuxuu yiraahduu qalbigu soo amrahayaaye
I dhagayso eegana warbaan kuu afjarayaaye

awow iyo awow iyo waxaan oday kazoo gaaray
alif maanso uugaamo gabay ararta geereerka
uumiyaha dhamaantood ilaa xaawo iyo aadan
waa wuxuu ilaahay baxshoo aalad loo heline
qaarbaa murtida oodayoo lacag aruurshaaye
aroosyada intay tagahayaan waa ibtilo wayne
allaa wayn awoodana rabbaa isagu yeeshaaye

astaamaha hankaygiyo waxaan ku andacooonaayo
xaqqa inaan istaaagiyo inaan xumaha oodaayo
labaddaa wixii aan ahayn aniga way hooge
mar hadaad adeeroow na tiri aamus daba raaji
adeec noqoyey arinkaad i tiri waan aqbalayaaye

aqoontuna iftiin weeya oo lagu arooraaye
ilays iyo misbaax bay tihiyo aalad gooniyahe
maxaan kuba iloobaa haddeer waa ardaalnimo e
cilmigoon adkeeyiyo inaan gabay af saaraaayo
labaduba ammaan bay yihiin aalad ii surane
maxaan kuba iloobaa haddeer waa ardaalnimo e
edebtoo xumaatiyo kolkay xaajjo olalayso
urugadu kolkay kugu baxdoo aad u sugi waydo
waa lagu addkeeyaa samaha  laggu ilaashaaye
maxaan kuba iloobaa haddeer waa ardaalnimo e
barafasoor cilmiga ooddayoo laggu arooraayo
adduunyada dhamaanteed middkii laga ammaanaayo
insha alaahu waa noqon adeer eegga dabadeede

Gabaygii : koonfur Afrika ee soo baxay 2015

Gabaygan waxa aan kaga hadlaya dhibaatada naf iyo moodka ah ee dadka reer koonfur afrika ku wadaan bulshada soomaaliyeed iyo muslimka oodhan waxa aana kusoo qaadanayaa sidii aan dadkas u garab istaagay markii ay ku jireen gumaysigii isticmaarka iyo waxa ay iigu abaaal gudeen waanakan gabaygii

madax wayne ayagoon lahayn maamul iyo dowlo
ayagoo mushaarada ku nool ama majaacaadka
madawgoo ku saaqiyo darxumo mahadho saamaysay
midab sooca dhulkoo laga manhiyey  madalka ciidooda
madfaciyo gumaystuhu kolkuu muran ku beeraayey
maydkooda ayagoon dhaqayn murugtu saaqawday
masagada shisheeyaha dalbada ama maraykaanka
marwo iyo ninkeedii kolkii lays kuwada miiqmay
maxadkiyo aqoonay bartaan mahadho loo diiday
masraciyo dhulkooday fashaan laga mamnuucaayey
maalin iyo dharaarteed kolkii madaxu waynaaday
muddo badan kolkii lagu hurdee laga macaashaayey
midigtooda ayagoon lahayn cid u maciinaysa
qaramada midoobiyo intii magaca laatiina
ayagoon midkoodaba helayn meel cid la ah jiifa

waataan muftaaxiyo u furay mararna laaluushe
muruqooda waataan ag dhigay maalka lagu faano
mooskoon u keeniyo khudaar lagu macaashaayo
marwo iyo haween iyo intii magaca soomaala
abaalkooda waataan marshoon maxasta qiimaynay
madfaciyo rasaas miigan iyo miino qalalowda
malyuumaadka waataan u diray ciidan iyo moode
halgankooda wataan u maray mowsar iyo qiiqe
calankooda waataan mudnooon mahadna geeraarnay
aduunyadaba waatay muteen labada meeloode

afartaas mada iyo wowga iyo marinadaydii dheh
afrikaanka mudankaan u galay lagu maleeyaa dheh
madashaan ka qaadniyo darxumo mililcdoodii dheh
abwaan miigle halyeeyaan murmayn mara kaciisii dheh
afarkalana waxa aan mutiyo mudanka qaybtay dheh

malaaq iyo cuqaal iyo intii maamul iyo dow ah
masuulada dhulkoodiyo intaan lagaba maarmaynin
waakaa dukaanada marroo mahadho boobaaya
ubadkayga waakaa marshoo qaxarka moodsiiyey
mowsarkiyo dagaalkiyo colaad muranka yeeraaya
maalkayga waataaa ka dhigay mudan la qaybtaaye
makhluuqay gubaayaaan dhamaan maalin iyo laylba
waataa aduunyada martiyo mid iyo qaaraade
mid wax dila middaan ka celin kuwow maciinaaya
masalkooda waakaa ka dhigay muruq la tuujaaye
alahayoow adaa maaligoo maamul taliyaaye
adigaa aduunyada madd dhigay laga macaashaaye
adigaa musiibiyo wanaag mowlahoow haga e
muslimiinta duulkaa ka qabo magane laynaaya

Gabaygii : mahadho

Tixdaan waxa u hal abuurku curiyay 2015 waxa ayna kA hadlaysaa midnimada dhibaatada dhirts la gooyo iyo arimo kale

ma'da gabayga nimanbaa yaqaan looga dhigay moode
murti tookhle hadal  miid leh iyo maanso iyo weero
malyan hodana maah maah baxdiyo maada iyo khayrle
mudac iyo yo mudeec iyo waxsheeg mahadho loo reebo
nimanbaa mowlaheen bar baray maalin iyo layle
masalkeeeda anigaa aqaan lay muftaax furaye
aan masleeyo maantoo kalaa lagu maqsuudaaye

ma ogtaha madluumaha dhiciyo mowsarkiyo qiiqa
murug halisa maankoo rogmiyo meelo gubanaaya
maydkii walaalkaa kolkaad madaxa qaar eegto
miyirkiyo jirkaagiyo dhamaan madasha aad joogto
maskaxdaada inay doorantoo maqalka aad waydo
mugdi sare inaad oog gashiyo amase mool raacdo
oo aad magaalkiyo mushaax mararka qaar dayso
masalkeeda anagoo naqaan dirir la maansheeyo
maxaan kaga mashquulnaa runtii mahadho weeyaane?

ma ogataha madkaad leedihiyo meesha gurigaaga
masraxiyo magaalkiyo dhamaan muuqa iyo raaxo
mirihii jamaamiyo muqdisho madasha buuhoodle
marka iyo caluuliyo goldogob moodka xarar dheere
mudug iyo nugaal iyo togdheer maxasta laascaano
midigtii hargaysiyo sanaag marinka ceergaabo
madaarkaas kismaayiyo dhamaan madalkan soomaali
macdantiyo barwaaqiyo anoo miraha geed haysta
majaacada shisheeyaha inaa marada qaar hoorto
maxaan kaga mashquulaa runtii mahadho weeyaane?

midabkiyo dhextaalkiyo dhamaan suuradiyo muuqa
murti sare maah maah sug sugan miraha luuqdeena
muniiroow rasuulkiyo quraan mowle garanayna
maxastiyo xigaalkiyo dhamaan midabkan soomaali
magac qura anagoo ah iyo duul aan kala maarmin
muran iyo dagaal iyo canaan amase maag maagid
maxaan kaga mashquulnaa runtii mahadho weeyaane?

maqal sare afkeeniyo dhamaan miimka iyo wowga
madka shaqalka maansiyo dhextaal miraha luuqdeena
maalka hibo mood iyo waxdheef lagu maqsuudaaba
mahad weeye eebe haddaan marinka luuq hayno
middo kale inaan soo bartiyo afaf la meer meeray
maxaan kaga mashquulaa runtii mahadho weeyaane?

ma ogtaha magoolkiyo xareed mayeygu uu keeno
miro dahaba ubax soo mugliyo muuqa iyo qaabka
marinkiisa goortuu baxee meela sare gaaro
malka arigga mood iyo caruur mid iyo waayelba
manfac sare meeqaam buu yihiyo amase maamuuse
maqaskiyo hangool kiyo inaan maalmo badan goyno
maxaan kaga mashquulnaa runtii mahadho weeyaane

Dhamaad.

Gabaygii: DHEEC

Gabaygan waxu soo baxay 2015 bilowgiisii wuxuu hal abuurku uga hadlaya dhaqan xumada iyo dhalanteedka ku yimid dhaqankeena soomaaliyeed iyo dhalan roga ku yimi dhalinyarada soomaaliyeed waqtiga aan joogmo waan kan gabaygii

Cawiloow dhadii gabay ka tagay dhihida maansaade
Ma dheel maadin maansoonyinkaan dhaabadayn jiraye
Dhinacayga wataan ka xiray aamus daba dheere
Dhihid iyo aqoon baan galiyo dheehid iyo guule
Dhaqdhaqaaq tacliin baan galiyo dhawrsan farawayne
Dhalan dhool  iskuul baan galiyo dheesha iyo maadba
Marna way dhex saaqoo jacayl dhiiran bay galaye
Dharbaaxiyo kulayl buu noqdiyo dhaawac iyo booge
Dhoolka sare quluubtuu galiyo dhinaca aashayda
Dhawaaqiyo halhays buu noqdiyo maadis daba dheere

Afartaas dhadii aan bartiyo dhugasho waayeel dheh
Ragbaaa gabayga dheel dheeliyee dhaabad ma u sheegay
Dhiiranoow qamaan iyo sidii raage ma u dhuuxshey

Dhaqan xumada dheel iyo wax seeg dhilal najaaseedka
Dhalintiyo haweenkii hadii lays dhex galinaayo
Dhafar madala dhawr iyo war koox dheesha tumanaysa
Dhimir li sideedii haddii lays dhol dholinaayo
Dhaqan sare dalkeeniyo inta hidaha dhoob dhoobta
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe

Qalbi dhoofka dhuuqshaha qabee dhaamis tumanaaya
Dhexda suunka dhaabadahayee dhoolka marinaaya
Surweelkoo dhacaayiyo hadduu shaarku dhalanteedo
Dhiig midab sidiisii hadduu timaha dhooq dhooqo
Dhaqankiisa guud iyo kolkuu diinta dhinac meero
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe


Socod dhererka bawdyaha kolkuu suuqa dhalan dhoolo
Dhurwaa jabay sidiisii kolkuu orodka dheeraysto
Dhinacyada jirkiisiyo kolkuu garabka dheelmaadsho
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe

Dhabta hadalka dheel iyo kolkuu dhihida maag maago
Anaa dhawrsan qayliyo kolkuu yarahe dhaar dhaarto
Dhimir li sideedii kolkuu gacan dharbaaxaysto
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawaac iyo ceebe

Dhinacuu fariistiyo kolkuu nasasho dheeraysto
Dhabar qolofa bowdyaha kolkuu suunku marro dhaafo
Dhalanteed sidiisii kolkuu diirku dhinac muuqdo
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe

Afartaas dhadii aan bartiyo dhugasho waayeel dheh
Ragbaa gabayga dheel dheeliye dhaabad ma u sheegay
Dhiiranoow qamaan iyo sidii raage ma u dhuuxshey

Dhawaaq sare salaadiyo kolkuu dhinaca khayr muuqdo
Saqda dhexe alaylkii kolkii muumin wada dhaarto
Dhaga kaadshe shaydaan kuwuu wada dhiraynaayo
Dhaqan xumada joog iyo hadad dhafar badnayd waayo
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe

Dhajis mara ah dhawr iyo sarwaal dhaafsan jilibkeeda
Dhaqankoo gadoomiyo kolkay madaxa dheerayso
Dhabaqloow  kareem iyo kolkay diirka wada dhooqdo
Saqde dhexe habeenkii kolkay wiil la dhalan dhoosho
Dhimirkoo halaabiyo kolkey xumaha  dhoob dhoobto
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe

Dhaanto madalka dheel iyo cayaar dhaamis iyo heesba
Dhabta sare korkiisiyo kolkay wiil la dhalaqlayso
Dhiggid iyo xishoodkii kolkay samaha sii dhaafto
Dharwsanoow rasuulkiyo kolkay diinta baddi dheehan
Dheec iyo fadeex baa gashiyo dhaawac iyo ceebe

Dhimir li sideedii kolkay hooyyo dhalanteedo
Dhuuxiyo walaalkeed kolkay cay u dhalakhlayso
Aabaheed dharaar iyo kolkay subax ka dhuudhuuman
Dhiraneey walaasheed kolkay dhabanka feer qaaddo
Dharbaaxiyo dagaal baddan kolkay hoyga dhalanteedo
Dheec iyo fadoox baa gashiyo dhaawac iyo hoogge

Dharaar iyo habeen iyo waxay subax dhakhlaysaaba
Guri dhawrsan  hoygeed waxay aad u taggin dhawrba
Dhaamis iyo haleel badan waxay xuma dhawaaqdaaba
Sharaf dhac waxuush iyo kolkay samaha dhooq dhooqdo
Dheec iyo fadeex baa gashiyo  dhaawac iyo hoogge

Afartaas dhadii aan bartiyo dhugasho waayeel dheh
Ragbaa gabayga dheel dheeliyee dhaabad ma usheegay
Dhiiranoow qamaan iyo sidii raagge ma u dhuuxshey?

Thursday, December 14, 2017

Tix cusub: sun buu qooshtay(maraykanku)

1.Sun buu qooshtay  sixiroolihii kibirku saarnaaye
2.Hadeerbuu salaankii ka dhacay uu sarayn jiraye
3.Seeraan la galin iyo wuxu dhex galay soona Qarax wayne
4.Sacabaduu wuxuu kula dul dhacay dab iyo sayruukhe
5.Wuxuu Godol salaaxanayahaa baliyo suurkiiye
6.Sirqo waalan goortuu xukumey seegyay taladiiye
7.Saacad aan fogayn iyo mardhaw seeftu way heline
8.Inshalaah suug xoog leh iyo salab xanuun wayn leh
9.Subaxaanan dheerayn waxa la tagi siigo iyo boore

10.Saaxiibadu hakugu quudiyeen silinge yaa keenay
11.Sicirbararka kula kacay caryaa seero kula doonay
12.Sumcadiyo car yaa xoogii sharaftii kaa sayrshey
13.Yaa sargaaladii ciidanka iyo qalab kaa suushay
14.Yaa mucaaradkii seexan jidhaye suuxsanaa kiciyay
15.Sabiyada qalaadaaya iyo sodogta yaa jiidhay
16.Mudaharaadka yaa sabab u ah iyo sawdka noo baxaya
17.Yaa sarsaray midnimadoo khilaaf  samir la' kuu keenay
18.Saaxiib li'ida yaa kaa dhigoo suuqii kaa xanimay
19.Waxaad sarara waynayd haddeer sidatan yaa yeelay
20.Awoodaadii samadaas ahayd siigo yaa galiyay
21.Yaa sibirka kuugu qubay biyahoo kaa simbiibixiyay
22.Oo labada sin iyo gacmaha suulka kaa jabiyay
23.Yaa siriqda kuu gashay lugaha oo sirtii bixiyay
24.Sow waxaad samaysoo koriyo saaq aad fashay maaha
25.Salaamaadkii markaad diiday iyó nabadii loo saantay
26.Ood qudus yahuud siisay buu yimid saxriirkaane
27.Sodon sano habaar kaydsanaa saaka soo furaye
28.Caradii saatirkiyo waa guhaan siirigaan baxaye
29.Saf saf u gala naarta waad waxaad samayseene
30.Sax u mara cuquubadu aday tahay sawaabkaaye
31.Adoon safar u galin oon socdaal oogu sahay qaadan
32.Waataa tafaha kuu sudhane kula firaash seexo
33.sokeeyana ka dhigo iyo xigaal kuu sinjiyo reera

Monday, December 11, 2017

Tix yar: sow inaad qadarta aamintaa

Tixdan yar waxay ku timid kadib markii uu iga xumaaday mobile cusub oon markaa soo Gaday ayaan waxaan imid xafada waxaana u sheegay in telkii xumaadey kadib mid adeerkay ah ayaa I canaantay "sidee kaaga xumaadey ader" Wa qadar ayaan Iri suuyeen "haa waxkast waa qadar mobile cusub qadar halagugu gado hadde" aad ayuu I canaantay halkaas Markay marayso arini ayaan kA aamusey. Kadib anoo sii gam'aya ayaan waxaan arkay tixdan yar oo afkaygu ku luuqaynayo

Waxuun kaa qaloocmiyo haddii qalad ku saameeyo
Waxba kuuma qabanayaan qoomamiyo ciile
Sow inaad qadarta aamintaa Kuma qaboobaysid
Sow quraanku tii uu yiriyo qawlka waxyiya maaha
Lix qori ee  iimaanka sow qayb kamida maaha
Sow qalbigu intuu kuugu dago daawo Kama qaadid
Muxuu hiifku kuu qabanayaa quwadu kaa wayne

Haddii qararka buuraha sariyo qoraxdu kuu duusho
Oo dayaxu qayb kula noqdiyo qaar samada jooga
Qaaradaha aduunyada haddii qolo laguu raacsho
Oo ciida qalab lagaaga dhigo hub qiiq xoogan
Marnah maadan qabateen wixii eebahay qoraye
Maxay qaylo kuu tari rabaa qaabiloo dhigaye
Sow inaad qadarta aamintaa mid qasaba maaha
Haddii kale qasaaraha cadaab sow qalan maayo

Curiye:bilal axmed wali

Gabay:ceeryaamo eeboow ka qaad cudurka saameeyay

Alahayow casiis baa tihiyo cudud awood wayne
Adaa calaamkaan uumay iyo caabud waxa noole
Cirka iyo adaa ciida iyo curiyay buur dheere
Cudurada adaa booga dhaya caabuqii darane
Dhakhaartiirtu miday cayriyeen lagana caal waayay
Oo cuslaaday baad caafimaad cudad leh siisaaye
Mirirbuu ciriiriga ka bixi kaad cawimaysaaye
Nimay caguhu barar dhiigsadeen xumadna ciilayso
Oo caailadu Ku ag booyayaan loo calaacalayo
Lana yiri cabdigu daawo ma leh baad cawmisaaye
Cusri baad ka qaadaa ninkii ciiro baas qabo e
Waxaa caawa kaa tuugayaa kaa codsaday eebe
Oo calaacalaha kuu hoos dhigay waan cuslaysnahay

Ina maxamed caaqilkii samaa waa cabanayaaye
Tuubatii cuntada baa xanuun caabuq Wayn helaye
Calaf iyo kamuu dagin la yiri caano Kay tahay
Cabid iyo kolay biya tahaba caadi liqi waayay
Cirbad iyo faleenbaa Ku xiran lagu cadaadshaaye
Dheef shiidkii cilad baa gashiyo cunihii dhuubnaaye
Haduu waayo cudud wayn lahaa caato socon waayay
Caafimaadka adiga hayoon kuu calaacaliye
Ceeryaamo eeboow ka qaad cudurka saameeyay
Oo haygu celin midkii aan kaa codsaday maanta

Curiye:bilaal axmed wali
Octo-5-2017

Friday, November 24, 2017

maansadii : xasuusi naftaada

maansadii: xasuusi naftaada

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xadiiskiyo diinka
xaakimka hadalkiisa

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xanuunkiyo mawdka
xabaashiyo iilka
xisaabta qiyaame

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee xalaytoole
xaafada kula joogtay
maantana xagga hoose
xabaalan oo duugan

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intii xaaji mayday
shuyuush xawda beelay
xaafidna aan la dhaafin
xawaaraha geeri

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee lacag xoog leh
intee xoolo haystay
xirmooyin lahaa dhul
maraakiib xamuula
u gooshaysay xeebta
maruun ka xirnaadeey

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
wasiiro xaq dhawra
xafiis madax wayne
intee xilibaano
intee xilal haysay
xiligu ku dhamaaday
dhoobada lagu xaaqay

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xushoodley haweena
xijaabka aan tuurin
kitaabka xambaarsan
xaqiiqada sheegta
xaquuqda taqaana
sunada ku xirnaatay
maalin la xujeeyay

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee da yar xaad leh
xidig hada kowa
xariif so barbaaray
inuu xaas arooso
inuu xoolo beero
niyadu xogo siisay
xaaladu ku adkaatay
xabaasha la geeyay

xasuusi xasuusi
xasuusi xasuusi
halyeey xeelad wayn leh
aftahan xikmad buuran
abwaan xula caaqil
intee xudun aasmay
ustaad la xurmeeyo

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee geesi xiiran
xamaasad balaaran
xabadu dhagihiisii
xasilin dhawaqeedu
xaniinyo atoor leh
geeridu ay xasuuqday

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee niman xoog leh
xabadkuna waynyay
xanuunka fog daaye
xumadina haynin
caafimaad xarakooda
xaqii ku cadaaday

xasuusi xasuusi
xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xabiib kala aase
xigtada kala gooye
xiriir ma yaqaane
macaan ka xanaaqe
isug ka xumaade
xaasid ma naxaale
farxada ma xurmeeye
xawaare ku dheer leh
inuu xili mawdku
xabaalo ku gaynin

dhamaad.

Thursday, November 23, 2017

tixo lays dhaafsaday : qaraxii naasa-hablood ee dhacay wax yar kadib qaraxii lagu le'day ee soobe

geele maxamed nuux :

Bilaallow aderow
Suaal bilan ayaa tiri
Burburkiyo dhibaatada
balaayada
Dalkeenaan
Baabi'isay gabigii
Maxaa sababay baladaan
Burburkiyo dhibatada
Qarax leysla beegtiyo
Bilis xaawo leydaa
Ba'ayeeyda kor u hayn
Bam baanada qarxaysiyo
Baroorta iyo qiicaan
Maxaa baladka ugu wacan ?

Aduunyadu barwaaqay Ku baraarugtaayoo
Barashiyo badhaadhay
Barqadii kutoosaan
Inagana bambaaniyo
Qaraxleysla beegtaan
Kubaraa rugeynaa
Bixin waayey aniguye
Bari miyaan kadhoofaa
Ma baxnaaniyaa wali
Bilaallow suaashaa
Bal eegoo kafaalood.

bilaal axmed wali :

=boqorki suugaantoow
=abwaankii buruudkoow
=bulshada laashinkeedoow
=bidhaan noo iftiintoow
=adeer baaqa maansada
=lagu beeray gabaygow
=barbaarada hadeer kacay
=hal abuuradan badan
=markii baratan loo dhigay
=kow ninkii ku baxayow

=balaayada xanuun kaleh
=qaraxiyo bambaanada
=boqolaalka iil galay
=baroortiyo tacsida jidha
=bur burkaan inala haray
=wax bineynayaa jira
=dad baraarujaa jira
=gacan buuxisaa jidha
=dalal bixiya laaluush
=oo badan ayaa jira
=buun afuufayaa jira
=biyaa lagu ilaashaa
=lacag baa la bixiyaa
=barqabaana loo qalay
=dabka balalku dheeryahay
=nin basaasa baa riday
=haw darnaado bari dhexe
=dalal buufiyaa jira
=sunta shacabka biimisay

=si aan dawladnimu bilan
=u bukoodo qarankani
=buur dheer u fuushoo
=nabad baad leh loo helin
=tacliin lagu baraariyo
=barashana warkeed haro
=baa buunka loo riday
=loo rakibay banbaanada
=baasuukaan dhacay
=tuugbaana booriyay
=waxan baydka maansada
=boqoroow kuzoo jari
=adoon raacin baabuur
=tahriib aan badow galin
=baladkalana aan tagin
=baraf meel leh iyo yurub
=guushu waa bil iyo labo
=waxa baaqiyoo haray
=ha baynayn dhankaagee
=adeer baariyoow joog

dhamaad.

Saturday, November 18, 2017

gabaygii:maadda naga jooga ee silsiladii mahadho

Sil-siladda:- MAHADHO.
Gabayga:- Maadda naga jooja..
Tirsiga:- 18aad
Ku:- kooxdii ay ka midka ahaayeen Qudus, Kayse…. ee lahaa xilka dumarka u dhiiba.
Curiye:- Abwaan bilaal Axmed Wali
________________________________________________
>> Ma'da gabayga waayadan dadoow, wayska maanacaye.
>> maankayga waataan ka jaray, maansadoo idile.
>> hadba aniga oo mooganbaa, mawjad soo kiciye.
>> maantana midbaa iigu wacan, maratinkeedaase.
>> mahadhada ragii soo tirshee, tixaha soo meershay.
>> meel kastaba ha joogee ragii, mariyay suugaanta.
>> anigoon tilmaan muujinayn, magacna sheegaynin.
>> marka hore salaan muunadloo, muuqle iga hooya.
>> marka xiga waxaan maaganahay, yaan idiin marine.

>> masxafkaba sidii lagu yiree, muxamed noo sheegay. (scw)
>> mutbiciintu siday nagu dhaheen, mawlana cadeeyay.
>> martabad bay habluhu leeyihiin, waanad maqasheene.
>> iyagaa mudnaan sharaf leh iyo, gaaray meel sara e.
>> hanaan muuqle iyagaa leh iyo, hibiyo maamuuse.
>> iyagaa ragaba muujiyoo, magac u yeelaaye.
>> iyagaa midkii seexday iyo, mooge caanbixine.
>> maryaheena iyagaa dhiqiyo, macawisteeniiye.
>> marwa xaasa, maamiyo walaal, maanta nala jooga.
>> midigteena iyagaa ahoon, kalana maarmayne.
>> mashaqadu kolki ay dhacdee, meelo badan gaadhay.
>> macaawimada waatay baxsheen, maalinti shalaye.
>> marxabaynta waatay wadeen, soo dhawayn malabe.
>> alaylehe waxay mudanyihiin, mahadyo khayraade.
>> ha yeeshee midaan qeexi baan, maandhow kuu furiye.

>> makhluuqaba kolkii la askumee, maalin nala keenay.
>> marwa dumar hadii ay tihiyo, mudanahoow wiilka.
>> midkastaba wuxuu muruqsadaa, looga dhigay maabe.
>> hablaheenan muuqaalkalee, maanta nala jooga.
>> madaxnimada iyagoonan helin, ama masuul dawlo.
>> guryahooda inay maamushaan, waa mid waajiba e.
>> mustafoow rasuulkaana yiri, oo marqaatiya e. (scw)
>> daliil muuqda idinkoonan hayn, ama ku maansoonin.
>> bal maxaad ku murantaan ragoow, maluhu wa beene?

>> Afartaas abwaan magacle iyo, maahir caan baxay dheh.
>> hal abuur murtida seegi hayn, maratinkiisii dheh.
>> maanso gabaya, miisaanka luuq ,mad iyo suugaan dheh.
>> madfac dhacay, mindiya dhiigle iyo, mur iyo waabay dheh.
>> afarkale waxaan maaganahay, yaan idiin marine.

>> mid yaroo tusaala ah hadaan, idin ku miisaamo.
>> dayaxoo misbaaxoo habeen, meel kastaba nuurshay..
>> hadi aan waxaan kuu muuqanayn, malaha aad waydo.
>> xidiguhuba inay muujiyaan, waa midaan dhicine.
>> madaxnimo rag kala dishoo, meel xun kala gaysay.
>> mashaqana abuurtiyo dagaal, laysku wada miiqay.
>> inay dumar hadeer maamulaan, layma marinsiiyo.

>> afartaas intaan meel ka dayay, mayska daba miisay.
>> ma macneeyay maansada ragbaa, maamuloo dhiga e.
>> mudanoow qamaan iyo sidii, muxamed maw sheegay. (sayidka)
>> afarkale midaan maaganahay, yaan idiin marine.

>> maansada ragii soo tirshiyo, macalimiintoo dhan.
>> gabayada ragii soo marshoow, maqal afkaartayda.
>> aduunyadan masiixigu qabtee, maal ku bixinaayo.
>> muslimiinta wixi uu la rabo, waa mid waadaxa e.
>> mabda'eeda gaalada wuxuu, dhigay maraykaanku.
>> marwaa talis leh, dumar baa leh madax, maamul iyagaa leh.
>> ragbaa maqan idiinkoonan dhihin, murana aan xiiqin.
>> daliil mudan hadii aad heshaan, waa midaan rabo e.
>> hadii kale malaha daaya oo, maadda naga jooja.

_________________KANAAN DEGEY________________

gabay cusub : baroordiiq

waa geeri xanuun badan oo quluubta gilgishay, lama filaana geeridii ku timaday wlken/sxpken c.kariim duraan alle ha u naxariistee tixdaan waa mid baroordiiqa oo ku saabsan dhacdadas.

hadba dunida waxaad maqasho oo moogtahaa badane
adoo farax la muusoonayaad murug dhaqaaqdaaye
madawbuu iftiin kuu badali maalin galinkeede
mirir baad ku waydaa waxaad haystoo malabe
meel hoos leh adoo jooga baad milicda aadaaye
maskaxdaadu waxay moogtahoo mahadho kuu keena
maqaadiirtu waxay kuu tartaa waxaad malaynayne

la  i yiri waxaa maanta go'ay maahiraan tabaye
cabdi kariim kuwii maydyay yiri way i mariyeene
mooraalkiyo waxay naga jabsheen show muraayada e
madfac baa qalbiga iiga dhacay maqalki koobaade
madaxay wareeriyo niyada maaha iyo haahe
kaftan laysku maagiyo u filay milicsigiisiiye
masegekoodu wuxuu i ahaa mur iyo waabey e
inkastoo ifkaan lays makali maalig qoray geeri
isma lahayn wuxuu mawdku dili maanta garabkaaye
is malahyn haddaad mara kafana qoorta loo marine
is malahayn hadaa lagu masixi ciida maarta lehe
is malahayn hadaad malagu heli moolna loo qodine
hayeeshee waxaa meesha galay tii macbuudbimo e
mudadaas inuu jiro ifkuu maaligay qoraye
waa maamul eebahay dhigiyo lagama maarmaane
suaalaha alow uga maciin midda la waydiiyo
u misbaaxi eeboow qabriga waa masuul sare e
martidaada eeboow ka yeel muxubo loo eego
fardawsiyo alow meesha roon lagu macsuumeeyo
marbaxayn alow lagu gashoo faraxna loo muujo.

by.bilaal axmed wali

Friday, November 10, 2017

maanso wadani ah: (xeerkaygu waa midow)

1.xikmad weeye maansadu
2.waa xoolo qaaliya
3.waa xoox macaan badan
4.waa xil iyo maamuus
5.nimuu xaakim siyoo
6.xaajiyaana tirin kara
7.ereyeada xafidi kara
8.xeerbeegi kara gabay
9.qaafiyad ku xira kara
10.miisaan ku xajin kara
11.xalad luuqna galin kara

xiray ee midaas dhaaf

12.inay xabad beeshoo
13.gashay iil xabaal dheer
14.xisku ninkii u sheegoow
15.soomaali waa xayi
16.waa xukun is maamula
17.xeer iyo dastuurna leh
18.waana ka xor gumaystaha
19.xoogaa haday shalay
20.xumad gaabis ay gashay
21.maanta xoogsataye garo

22.gayigii xagaagiyo
23.jilaalku xaaqaye
24.xaabada lahaa badan
25.xalay baa daruur heshay
26.xagaafkiina doog badal

27.dhirtii boorku xulayee
28.xashka badani hoos yiil
29.xaalufnayd qalaylnayd
30.xakiimkaa nimcow shubay
31.waa xad dhaaf udgoon sare
32.niyadaana ku xasili

33.xayawaanadii iyo
34.dadkiyo xoolohoodii
35.ay abaartu xiiqisay
36.xaga aad xagaa qabo
37.hadba dhan u xamaalnaa
38.xay qabooba baa helay
39.kob xariira buu dagay
40.xero rays leh iyo doog

41.nabadbaa xasuuqiyo
42.xabadiiba doorisay
43.xinjiruhu dhulkuu yaal
44.ee kala xirnaayee
45.ku xarbiyay walaalaha
46.khayr xaasilaa yimi
47.gacalnimo xal baa timi

48.ma dhalayska xili badan
49.xaliimadii ahaydee
50.asaageed xantee jaray
51.xasan laba mataana ah
52.maantay xuseen dhashay
53.xakiimoow ilaahoow
54.xamdigaa ay leedahay

55.doobkii xamaasadu
56.ay xajiintu haysee
57.kaligii xadrayn jiray
58.xaas qaboojisuu helay

60.xidig nuurisaa shiday
61.gudcurkii xumaayee
62.xaafadaha ka dhigay madaw

63.xumadiyo kulaylkii
64.caafimaad xanuunkii
65.lagu badal xaliyi kara

66.tuugii wax xadi jiray
67.waxna kala xasayn jiray
68.lasoo qabay xaloo jeel
69.xabsiyaana loo diray

70.baadilkiyo xasaradii
71.maatada xiqdiyi jiray
72.cadaalad xumayn jiray
73.xaq dooriyaa badal

74.xujadii qofbaa furay
75.abwaan xeer yaqaan yimi
76.rag xuloo lasoo xulay
77.xaajadii ka naqe geed
75.xaglo toosiyaa kacay

xiray ee midaas dhaaf

76.soomaali waa xidid
77.waa xigaal walaal ah
78.waa xiniinyo wada dhashay
79.ninka kala xaraashoo
80.hayb hayb ku kala xira
81.xayndaab ku kala jara
82.isagaa ku xurtoon
83.kuna xoolo beelina
84.xarafkaa haloo diro

85.gobolkaygu waa xamar
86.degmadaydu waa xudur
87.waa xaafuun halkaan dago
88.xingalool iyo caynaba
89.xoolahaygu waa geel
90.xintir baan gurtaa miro
91.waan xamaasanaydsnhy
92.xero kaliya baan naal
93.gaal xabadku waynyhay
94.si kastuu ii kala xiray
95.xeerkaygu waa midow

Thursday, November 2, 2017

tixo lays dhaafsaday xaalada dalka 2015


Qaar kamida tixo ay is dhaafsadeen 2015 hal abuuro dhowr ah o ka hadlaya siyaasada gobolada dhexe ama siyaasada guud e somaliya wakan waxa ugu horeeyey

abwaan Xasan Abubakar :

Gabre iyo warkiisii ayaa galay
dadkeeniiye
gobaleysi Dowlada
noqdaa geedi looyahaye,
garta
yaa uniqi maalinteey gedda
Xuduud joogto?,

Gobolada dhexaa maalmahaan
Geyfanoo rarrane
geediga
halkeebeey kufuran geli
qiyaaskaaga?,

Galgaduud dhex,deedaa gan,iyo
geesihiis geline
gobalkaa
mudduga
ooy maamuladu gaar ukala,jiidan
Gebagebada xaajada qiyaas waa
ged yaab,badane?

Gunta Jowhar xamar iyo illaa
gobolka Hiiraana
ayaguna
gunnuuseey qabaan howl
ugooniyehe
gogoshiyo xaggeey
dhiganayaay Goobti
madaxtioyo?,

Goboleysigaan baahayoo gebbi
nasaameeyay
gunta iyo
ujeedkuna
Uyahay reerwalbiyo gooni
garraadkaa maloo,aayayaa
Guulehey magane?

Gabaygii labaad

abwaan Janno Gale

Gelin dambe ninkii seexdaan
waqii gogol ka tooseyne
Gacalkii is wada gowracay ee
garasho laga waayo
Iney kala guurayaan wuu garan
ninkii weyne
Oo gummuc rasaaseed isu guran
waa gaddeediiye
Ciil gaamuray hadduu midkood
qabaa dabar go' weeyaane
Gar ma qaate hadduu
guddominayana waa guul dariyo
hooge
Tani iney goblan tahaan geesta
ka arkaaye
Garasho intii lahayd dhammaan
waa god aakhiro'e
Garaad laawayaal baa u kacay
gayigan Soomaale
Gambiska reeraha laga dhigtaa
guul iyo reyn reyne
Ganiyaal baaba lagu helaa waxa
aad adigu ka gubaneyso

gabaygi 3

abwaan Xasan Abubakar

jawabti abwn Janno Gale

Guullaa nayiri yaan rejada
gaasir,lagayeel in
Galadaya wanaaguna dhibkeey
goor kuxigayaane,
Rejadeenu yeey gurin mar,uun
guuli wey immane
gulluf iyo
dadaalbeey rabtaa lees
gargaarsado'e.

Gabaygi 4

abwaan Bilaal Axmed Wali

Xasanoow giriifkaan dhiciyo kala
gudoonkaanba
gurxankiyo khilaafkaan dhamaan
meel kastaba gaaray
garta waxaw naqi maalintay gadi
xaduud joogto
af gambiga raggi door bartee
galiya laabtiina

gobaladaan ordaayiyo dhamaan
gacalkan eedoobay
galgaduud cadaadiyo dhamaan
gayiga soomaali
caabud waaq gaday naga xigtiyo
goobta xarardheere
galmudug gadaashaa hobyiyo
gurigan qaabaysan
gurxankiyo hadi ay xiraan guuxa
iyo reenka
garaadada dhulkoodiyo haday
guxushka raacaanba
guluf iyo haddii ay colaad gabiba
diidaanba
inshaalahu gaar bay noqon
maamul gumuc wayne

gobalkaad tilmaamtiyo dhamaan
goohan dami waayey
kala goyska xaajada tagte gabbi
cidloon joogta
siyaasigan giriifane dhamaan
gayiga uun jooga
gumuc iyo dagaalkay wadaan
labada gooroodba
guul iyo barwaaqaa xigta e galiya
laabtiina

xasanoow gardaadaye dhamaan
gayiga soomali
goobaha dhulkeeniyo walaal
gobaladeeno dhan
idilkood gunuus bay wadaan
lagu garqaataaye
gabalkaa shabeeliyo intii daba
guclaynaysa
shirarkooda gaarka ah waxay
gudub u jiraanba
ayaguna gudoonbay rabaan
galiya laabtiina

guulaheen kolku uu dhahoo
gacanta haadayno
midnimada kolki loo guntado
gabi ahaanteenba
hayb haybta gaarka ah kolkaan
gudub u tuuryayno
guxush odaya gabar iyo haween
wiilal garab jooga
gacmaha kolki lays qabtee olole
loo gooyo
siyaasigan aduunyada gubiyo
gocoradi raacay
gaalada dhulkeeniyo dalkaba
wada guduud buuxa
guluf iyo colaad iyo kolki gaardi
lagu saaro
inshaalahu guul bay noqon
mahhadu waw gaare

gabaygi 5

abwaan Xasan Abubakar
jawabti abwn Bilaal Axmed Wali

Af,genbiyo jabhado goosta oo
qaran jab noogeysta horreey
nooguhaad,sheen ninyoow
guuleheey magane,
Magar,waaqsibaa n jirin gefkiyo
qalad groupedka
Gurucan ee dadkii jeerba
kalageeya.

Gabaygi 6
abwaan Bilaal Axmed Wali

Af gambiga waxay doorbidaan
oo daba galayaanba
gantaalaha dhacaayiyo waxay
guluf horaadshaanba
gumuc iyo waxay colaad
hurshaan labada gooroodba
gabanada waxay laynayaan
gawrac iyo dooxba
gardarada sokeeyaha waxay
galab ku taamaanba

kol unbuu garaadoow wacyigu
maalin galayaaye
garacii xumaadoo wax badan
godob ku taamaaya
mar unbuu sidii shiikh guntaday
diintu gaanbiyine
odayaal gaboobiyo sidii guud
cadiyo maahir
mar unbay guntiinada u xiran
nabada gaar raac e'
guud ahaan dalkeenaba kolbay
guushu saaqiyine
haka gaabsan gaarkiyo nimcada
waynu gaaraniye

dhamaad

...

gabaygii : mirna hayga siinina

gabaygaan wuxuu hal abuurku curiyay oo uu soo baxay xiridii qalbi dhagaxa ee akhris haboon

Madaxwayne kii noo noqdaba maagid ma u saarney
Masuulkii la doortaba miyaan Muran dhex qaadsiinay
Malaayiin siyaasi miyaa meel kastaba taagan
Ma maraykan kuwa naga jiraa mooshin kicinaaya
Kuwa yurubta maal Ku leh miyaa balo maleegaaya
Ma midabkeyga kumaanan leh baa mici shisheeyaad leh
Ma magaceyga kumaanaan sitaa moolka ila raadsha
Miyirkooda laaluush miyaa lagu marqaansiiyay
Maxastiyo miyaan loo naxayn ciid iyo moodka
Waxaan shalayto soo maray miyaan dib ugu muusooday
Murugadiyo baa bi ii miyaan maxamadow xiisay
Qab qablihiyo mooryaamihii muusig ma u qaaday
Maamooyin uurliyo caruur odayo meeqaam leh
Sow mashxarada uma aanan tumin qaatilkii mariyay

Maan li'idu soomaali waa meheradoodiiye
Uma mahad naqaan kii LA raba meel qabaw badane
Madfac iyo dagaal waxaan ahayn kuma majiirtaane
Haddaan murugo lagu beerihayn kuma maqlaayaane
Militari ninkii soo dul dhiga hub iyo miig xoogan
Oo madaxa seef kaga qabtaa maamuloo wada e

Siyaad baraba muruq iyo awood Ku uu maquuneeye
Hadii uusan kula macaamili lahayn mirir ma joogeene
Maalin kuma sugnaadeen kursiga waana loo marage
Madaxtooyada qurxoon iyo qasriga madaw ma seexdeene
Intii uu waxqabad muujiyoo laamiyaal mariyo
Oo uu warshado miiran iyo horumar meeleeyo
Mashaariic ma u sameeyeene  way Miran lahaayeene
Way mucaaradi lahaayeen dhakhsaba mooshin xoog badane

Sadexdaa maroor uma dhahee meel maku hagaajay
Maansooyinkaygii cuslaa maw masraxadeeyey
Halna waa midkaan doonayaye maqal oraahdayda

Xaajada marwiyo wiil yar iyo macalin saamaysay
Muqdishiyo hargaysaba warkaa meel kastaba gaaray
ee shacabku mooraal Ku jabay waa mid loo dagaye
Mici dawaco arigii Ku baxay Lana maqaar saaray
Ka mug wayn baroortiinu neef LA mawtiyaye
Shirqoolkuu gumaystuhu malgaad madaxa saarteene
Maahmaahdu sidii ay na tiri kama marnaataane.
shisheeyuhu kuwuu maal gashee moodka ugu deeqay
maqashii cadaawahu dhalaad male ku raacdeene
maandooriyaad wada cabteen qaaday maankaba e
jaajuusku meeshuu rabee idinla maagaayay
maantaad ku socotaan halkii maasada lahayde
u mashraxa waxaad dheefsataan waa mur iyo layne
mirna hayga siinina waxaad ka aad macayshtaane

dhamaad.

gabay: ku dhawaaqe xukunkii sugnaa

gabaygaan wuxuu hal abuur bilaal axmed wali tiriyay kadib markuu dhacay xukunkii jeedalka iyo xariga isugu jiray ee lagu riday dhalinyaradii kufsiga foosha xumaa gaystay magaalada galdogob,
isagoo duco iyo bogaadin u diraya culumada ayuu yiri:

dhanka mudug warkaa nooga yimid dhali farxaan wayne
dhaguhuu u roonaa iyo qalbiga waana uu dhayaye
dhafoorada waxay noo surnayd dhawr bilood garabka
dhooqadii wajiga noo marnayd waana dhaafiyaye
wuxuu dhaqay cambaartii inbadan dhabanka saarnayde

culumadu dhawaaqay diraan waa dhab daawa ahae
shareecadu waxay noo dhigtoo dhaqana weeyaane
dhagar qabe hadduu gabar kufsado ama ku dheel dheelo
oo uusan guur horay u dhigan waala dhabiyayne
jeedal adag intii lagu dhuftaa lana dhaleecayne
gogol dhaafse haddii uu ku kaco dhuumashiyo waali
la dhagaysan maayoo isagu waa god dheer qodo e
dhagaxuun intii lagu dilaa loo dhamaystiriye

iyagoonan dheeliyin gartii looga dhigay tiirka
iyagoon sharcigu waa dhabee dhinac kalow leexan
dhaqan hayba dhiig iyo tolnimo dhaafsan sharaftooda
waaa naga dhaxaysaa caradu ugu dhawaanaynin
dhaxalkii rasuulkiyo kuwii dheehan jiray diinta
ku dhawaaqe xukunkii sugnaa waana uu dhacaye
wixii dhaawac jiriyo boogihii waa dhakhtariyeene
alihii aduunyada dhisee dhererey ee taagay
hawga dhigo abaal marin janada hana dhaqaaleeyo.

dhamaad.

gabaygii: kudulownay boosaaso

maansadaan wuxuu hal abuurku tiriyay kadib markii ay jaamacad u aadeen magaalada boosaso isagiyo ragii asxaabtiisa fasalka intoodii badnayd ayaa waxaa dhacday in ay ka hortimid magaalada oo markaas aad u kululayd cimilo ahaan xogaa markii joogeen ayaa ragii qaar tagay markii ay tageen ayuu gabaygaan ka daba diray :

ku dulownay boosaaso waa meel kulayl darane
deg deg buu ooga baxay jaamac xiin duhur dharaareede
cawil baa diyaarado ka koray daabad xoog badane
galaybaa siduu guri ku dumay danabku haystaaye
diyaa baan kasoo kaban wixii dhaawac daakhilaye
haddeerbuu siduu dawakhsanyahay dibada meeraaye
dakharkii ku dhacay axmed raflaan wali dabiibnayne
cabdisalaan dabkii gaaray baa daaray feedhaha e
waxa diifta baday waa lacag la'aan doonayuun heline
anigiyo intaan daris nahana durugtay hawshiiye
gaajadu kolkay nagu dantee nalagu sii daayo
rooti qalalan intaan doonanaan daanka galinaaye
markaasaan sidaan dibirsanahay daaco badinaaye

waa busaarad dumarkii waxay nagu duraayaane
iyagana dareenkay qabaan waa da wayn yahay

doraad iyo ragii shalay ka yimid dooxadii mudugta
kama dagin baskii fuulay iyo boorkii duugsamaye
duufaantii wali waa sidaa dooxday waa hore e
boogtii dilaacnayd in badan waa damqanaysaaye
waxba yaanan deelay gabay duubid sii wadine
waa af daalis maansadaan haddeer sii durkinayaaye
dabar waxaan kusoo xirahayaa ama kusoo dayray
waa meel ninkii soo dagaa uu dib jirayaaye
boosaaso kii doonayoow dayso socodkaaga.

dhamaad.

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar