Tuesday, August 22, 2017

Gabay : wax u qabtaa dhaama

Gabay:Wax u qabtaa dhaama

Wareeg badanta tii lagu yaqaan wiig kastiyo maalin
oo aan walaaliyo maqlayn waarid iyo hooyo
suuqyada middaan laga wadayn aadd u wabashlaysa
waqtigii yimaadaba ninyahow wiilal la ciyaarta
waynaheed midii kaba baqdoo wacadsataa dhaanta

aduunyadan wareer baa ka jira laga walaacaaye
wakiil dowlo ruuxii rabee wadar ku faanaaya
wanaaguu ku dhaartaa mar qura wacadna qaadaaye
ruuxii ka weecdoo ninyahow waayiradow gooyya
oo xumaha meeshuu u wado waasac uba sheega
wadaadkii samaha toosiyoo wax u qabtaa dhaama

wadankiisa ruuxii nacee dibadahow waashay
waadiyaasha ruuxaan arkayn waadaxiyo khayrka
walaahidaba ruuxii maree yurub wanaag mooda
waayeel dalkiisii ninyahow wax u qabtaa dhaama

wa'da gabayga ruuxaan aqoon wiiqna kaga siiya
walbahaarka ruuxii murtida wahan ku beeraaya
waxaan jirinba ruuxii dhahee warar ku faanaaya
wabsite yada ruuxii ninyahow wax u qabtaa dhaama

aflagaado ruuxi waddee waranka tuuraaya
wuxuushkii samaha duudsiyee wadar ku faanaaya
walaalahaba ruuxii nacee dariska wiiqaaya
wadnihiisa ruuxay cuqdadi waadax u abaartay
wanaagaba ruuxii ninyahow wax u qabtaa dhaama

No comments:

Post a Comment

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar