Alif gabayga ninki aan aqoon ama itaal haynin
ayaantii timaadana ninkii aafo kala daala
abwaanimo inuu sheegtaa urugo sow maaha
axdigi rasuulkiyo ninkaan faralka oogaynin
salaadaha ninkii agga maree oofi laga waayay
islaanimo inuu sheegtaa urugo sow maaha
afar saniyo dheeraad midaad caashaq la abuurtay
ilwaadeey midaad ula baxdeed kuna amaanaysay
amar hadii la siiyoo nin kale aqal loo geeyo
aroos kale hadii ay gashaa urugo sow maaha
xornimada kolkaan lagu ogayn idilba soomaali
arladeena oo idil kolkii cadawgu aagg joogay
awal hore kolkii lays jeclaa oolin kala maarmid
istiqlaalka markii aan heliniyo waliba iimaanka
iminkana inaan kala tagnaa urugo sow maaha
anagoo ilaah iyo naqaan axadka qawlkiisa
aayadaha anagoo helniyo ama axaadiista
ololaha siyaasigu wadiyo wixi ibliisoo dhan
dastuur kale inaan idam sanaa urugo sow maaha
aduunyada culuumtaa jirtee lagu arooraayo
aqoontoo la qaatiyo cilmiga aag kastaba gaaray
alaylehe intaan aggamaroo waliba aan eegin
aakayaal inaan iibsadaa urugo sow maaha
arladaada hadaad wada nacdiyo ama azxaaptaada
ibtilooyin hadii aad martood kuna agoontowdo
orobada hadii aad gashaa urugo sow maaha
aqoon laawe hadii aad tahood ehel ku faanayso
awood xoogle hadaad sheegatood kibirna aafawdo
ajashaada hadii ay gashaa urugo sow maaha
asluublayda dumarkii ahaa ubaxa maankeena
hablii akhlaaqdiyo lahaa edebta loo aayo
ajaaniibta nimankii ahaa aag waliba joogay
unugyada haday wada tuseen urugo sow maaha
ehlul khayr hadii aad tahoo faralka oogaaya
al cimraan hadii aad taqaan ama idaajaaba
inamada lasoo xaday raggaa aabe kaga dhaartay
alaylehe inaad meherisaa urugo sow maaha
curiye:bilaal axmed wali
No comments:
Post a Comment