Sunday, September 10, 2017

Gabay cusub: sixir bararka ka jira dalka

Hadba waxaa LA baa'bi inayaa baaqigii haraye
Intii soo badbaaday marinayaan beebihii shalaye
Maantana waxay beegsadeen waa kunkii boqore
Bigays kama Cabaan wiilashii boqolkii gaabnaaye
Nimaan doolar beesadii ahyn beec ma goyn karo e
Sixir barar na naafeeyay baa booca noo galaye
Mid bac iibsha mid bur miisa iyo buuri iyo shaahle
Buuq iyo sawaxankii ka jiray suuqyadii badaye
Beel beel markii loo saftay baahi wayn timide
Dantii guud waxaa lagu badalay
Nin iyo beeshiiye
Laga bood dastuurkiyo sharcigii baawarka lahaaye
Kuwa badhidu geedkaa tihiyo booli cune naaxye
Banaanadana maatidii tumnayd looma beer naxo e
Waxba yaan buruuj xoog leh iyo lays awood bidine
Waxba yaanan bilyaneer baanu nahay lay buraanburine
Waxba yaan bayd quruxsan fookh LA ii barine
Nabsigii bulshada waa dhow buu bixitamaayaaye
Waa dhowbuu intuu idin balbalo boor idiin kicine
Ha barooranina waa dhow buu soo banaan bixine

Curiye: bilaal axmed wali

No comments:

Post a Comment

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar