Friday, November 24, 2017

maansadii : xasuusi naftaada

maansadii: xasuusi naftaada

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xadiiskiyo diinka
xaakimka hadalkiisa

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xanuunkiyo mawdka
xabaashiyo iilka
xisaabta qiyaame

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee xalaytoole
xaafada kula joogtay
maantana xagga hoose
xabaalan oo duugan

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intii xaaji mayday
shuyuush xawda beelay
xaafidna aan la dhaafin
xawaaraha geeri

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee lacag xoog leh
intee xoolo haystay
xirmooyin lahaa dhul
maraakiib xamuula
u gooshaysay xeebta
maruun ka xirnaadeey

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
wasiiro xaq dhawra
xafiis madax wayne
intee xilibaano
intee xilal haysay
xiligu ku dhamaaday
dhoobada lagu xaaqay

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xushoodley haweena
xijaabka aan tuurin
kitaabka xambaarsan
xaqiiqada sheegta
xaquuqda taqaana
sunada ku xirnaatay
maalin la xujeeyay

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee da yar xaad leh
xidig hada kowa
xariif so barbaaray
inuu xaas arooso
inuu xoolo beero
niyadu xogo siisay
xaaladu ku adkaatay
xabaasha la geeyay

xasuusi xasuusi
xasuusi xasuusi
halyeey xeelad wayn leh
aftahan xikmad buuran
abwaan xula caaqil
intee xudun aasmay
ustaad la xurmeeyo

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee geesi xiiran
xamaasad balaaran
xabadu dhagihiisii
xasilin dhawaqeedu
xaniinyo atoor leh
geeridu ay xasuuqday

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee niman xoog leh
xabadkuna waynyay
xanuunka fog daaye
xumadina haynin
caafimaad xarakooda
xaqii ku cadaaday

xasuusi xasuusi
xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
xabiib kala aase
xigtada kala gooye
xiriir ma yaqaane
macaan ka xanaaqe
isug ka xumaade
xaasid ma naxaale
farxada ma xurmeeye
xawaare ku dheer leh
inuu xili mawdku
xabaalo ku gaynin

dhamaad.

Thursday, November 23, 2017

tixo lays dhaafsaday : qaraxii naasa-hablood ee dhacay wax yar kadib qaraxii lagu le'day ee soobe

geele maxamed nuux :

Bilaallow aderow
Suaal bilan ayaa tiri
Burburkiyo dhibaatada
balaayada
Dalkeenaan
Baabi'isay gabigii
Maxaa sababay baladaan
Burburkiyo dhibatada
Qarax leysla beegtiyo
Bilis xaawo leydaa
Ba'ayeeyda kor u hayn
Bam baanada qarxaysiyo
Baroorta iyo qiicaan
Maxaa baladka ugu wacan ?

Aduunyadu barwaaqay Ku baraarugtaayoo
Barashiyo badhaadhay
Barqadii kutoosaan
Inagana bambaaniyo
Qaraxleysla beegtaan
Kubaraa rugeynaa
Bixin waayey aniguye
Bari miyaan kadhoofaa
Ma baxnaaniyaa wali
Bilaallow suaashaa
Bal eegoo kafaalood.

bilaal axmed wali :

=boqorki suugaantoow
=abwaankii buruudkoow
=bulshada laashinkeedoow
=bidhaan noo iftiintoow
=adeer baaqa maansada
=lagu beeray gabaygow
=barbaarada hadeer kacay
=hal abuuradan badan
=markii baratan loo dhigay
=kow ninkii ku baxayow

=balaayada xanuun kaleh
=qaraxiyo bambaanada
=boqolaalka iil galay
=baroortiyo tacsida jidha
=bur burkaan inala haray
=wax bineynayaa jira
=dad baraarujaa jira
=gacan buuxisaa jidha
=dalal bixiya laaluush
=oo badan ayaa jira
=buun afuufayaa jira
=biyaa lagu ilaashaa
=lacag baa la bixiyaa
=barqabaana loo qalay
=dabka balalku dheeryahay
=nin basaasa baa riday
=haw darnaado bari dhexe
=dalal buufiyaa jira
=sunta shacabka biimisay

=si aan dawladnimu bilan
=u bukoodo qarankani
=buur dheer u fuushoo
=nabad baad leh loo helin
=tacliin lagu baraariyo
=barashana warkeed haro
=baa buunka loo riday
=loo rakibay banbaanada
=baasuukaan dhacay
=tuugbaana booriyay
=waxan baydka maansada
=boqoroow kuzoo jari
=adoon raacin baabuur
=tahriib aan badow galin
=baladkalana aan tagin
=baraf meel leh iyo yurub
=guushu waa bil iyo labo
=waxa baaqiyoo haray
=ha baynayn dhankaagee
=adeer baariyoow joog

dhamaad.

Saturday, November 18, 2017

gabaygii:maadda naga jooga ee silsiladii mahadho

Sil-siladda:- MAHADHO.
Gabayga:- Maadda naga jooja..
Tirsiga:- 18aad
Ku:- kooxdii ay ka midka ahaayeen Qudus, Kayse…. ee lahaa xilka dumarka u dhiiba.
Curiye:- Abwaan bilaal Axmed Wali
________________________________________________
>> Ma'da gabayga waayadan dadoow, wayska maanacaye.
>> maankayga waataan ka jaray, maansadoo idile.
>> hadba aniga oo mooganbaa, mawjad soo kiciye.
>> maantana midbaa iigu wacan, maratinkeedaase.
>> mahadhada ragii soo tirshee, tixaha soo meershay.
>> meel kastaba ha joogee ragii, mariyay suugaanta.
>> anigoon tilmaan muujinayn, magacna sheegaynin.
>> marka hore salaan muunadloo, muuqle iga hooya.
>> marka xiga waxaan maaganahay, yaan idiin marine.

>> masxafkaba sidii lagu yiree, muxamed noo sheegay. (scw)
>> mutbiciintu siday nagu dhaheen, mawlana cadeeyay.
>> martabad bay habluhu leeyihiin, waanad maqasheene.
>> iyagaa mudnaan sharaf leh iyo, gaaray meel sara e.
>> hanaan muuqle iyagaa leh iyo, hibiyo maamuuse.
>> iyagaa ragaba muujiyoo, magac u yeelaaye.
>> iyagaa midkii seexday iyo, mooge caanbixine.
>> maryaheena iyagaa dhiqiyo, macawisteeniiye.
>> marwa xaasa, maamiyo walaal, maanta nala jooga.
>> midigteena iyagaa ahoon, kalana maarmayne.
>> mashaqadu kolki ay dhacdee, meelo badan gaadhay.
>> macaawimada waatay baxsheen, maalinti shalaye.
>> marxabaynta waatay wadeen, soo dhawayn malabe.
>> alaylehe waxay mudanyihiin, mahadyo khayraade.
>> ha yeeshee midaan qeexi baan, maandhow kuu furiye.

>> makhluuqaba kolkii la askumee, maalin nala keenay.
>> marwa dumar hadii ay tihiyo, mudanahoow wiilka.
>> midkastaba wuxuu muruqsadaa, looga dhigay maabe.
>> hablaheenan muuqaalkalee, maanta nala jooga.
>> madaxnimada iyagoonan helin, ama masuul dawlo.
>> guryahooda inay maamushaan, waa mid waajiba e.
>> mustafoow rasuulkaana yiri, oo marqaatiya e. (scw)
>> daliil muuqda idinkoonan hayn, ama ku maansoonin.
>> bal maxaad ku murantaan ragoow, maluhu wa beene?

>> Afartaas abwaan magacle iyo, maahir caan baxay dheh.
>> hal abuur murtida seegi hayn, maratinkiisii dheh.
>> maanso gabaya, miisaanka luuq ,mad iyo suugaan dheh.
>> madfac dhacay, mindiya dhiigle iyo, mur iyo waabay dheh.
>> afarkale waxaan maaganahay, yaan idiin marine.

>> mid yaroo tusaala ah hadaan, idin ku miisaamo.
>> dayaxoo misbaaxoo habeen, meel kastaba nuurshay..
>> hadi aan waxaan kuu muuqanayn, malaha aad waydo.
>> xidiguhuba inay muujiyaan, waa midaan dhicine.
>> madaxnimo rag kala dishoo, meel xun kala gaysay.
>> mashaqana abuurtiyo dagaal, laysku wada miiqay.
>> inay dumar hadeer maamulaan, layma marinsiiyo.

>> afartaas intaan meel ka dayay, mayska daba miisay.
>> ma macneeyay maansada ragbaa, maamuloo dhiga e.
>> mudanoow qamaan iyo sidii, muxamed maw sheegay. (sayidka)
>> afarkale midaan maaganahay, yaan idiin marine.

>> maansada ragii soo tirshiyo, macalimiintoo dhan.
>> gabayada ragii soo marshoow, maqal afkaartayda.
>> aduunyadan masiixigu qabtee, maal ku bixinaayo.
>> muslimiinta wixi uu la rabo, waa mid waadaxa e.
>> mabda'eeda gaalada wuxuu, dhigay maraykaanku.
>> marwaa talis leh, dumar baa leh madax, maamul iyagaa leh.
>> ragbaa maqan idiinkoonan dhihin, murana aan xiiqin.
>> daliil mudan hadii aad heshaan, waa midaan rabo e.
>> hadii kale malaha daaya oo, maadda naga jooja.

_________________KANAAN DEGEY________________

gabay cusub : baroordiiq

waa geeri xanuun badan oo quluubta gilgishay, lama filaana geeridii ku timaday wlken/sxpken c.kariim duraan alle ha u naxariistee tixdaan waa mid baroordiiqa oo ku saabsan dhacdadas.

hadba dunida waxaad maqasho oo moogtahaa badane
adoo farax la muusoonayaad murug dhaqaaqdaaye
madawbuu iftiin kuu badali maalin galinkeede
mirir baad ku waydaa waxaad haystoo malabe
meel hoos leh adoo jooga baad milicda aadaaye
maskaxdaadu waxay moogtahoo mahadho kuu keena
maqaadiirtu waxay kuu tartaa waxaad malaynayne

la  i yiri waxaa maanta go'ay maahiraan tabaye
cabdi kariim kuwii maydyay yiri way i mariyeene
mooraalkiyo waxay naga jabsheen show muraayada e
madfac baa qalbiga iiga dhacay maqalki koobaade
madaxay wareeriyo niyada maaha iyo haahe
kaftan laysku maagiyo u filay milicsigiisiiye
masegekoodu wuxuu i ahaa mur iyo waabey e
inkastoo ifkaan lays makali maalig qoray geeri
isma lahayn wuxuu mawdku dili maanta garabkaaye
is malahyn haddaad mara kafana qoorta loo marine
is malahayn hadaa lagu masixi ciida maarta lehe
is malahayn hadaad malagu heli moolna loo qodine
hayeeshee waxaa meesha galay tii macbuudbimo e
mudadaas inuu jiro ifkuu maaligay qoraye
waa maamul eebahay dhigiyo lagama maarmaane
suaalaha alow uga maciin midda la waydiiyo
u misbaaxi eeboow qabriga waa masuul sare e
martidaada eeboow ka yeel muxubo loo eego
fardawsiyo alow meesha roon lagu macsuumeeyo
marbaxayn alow lagu gashoo faraxna loo muujo.

by.bilaal axmed wali

Friday, November 10, 2017

maanso wadani ah: (xeerkaygu waa midow)

1.xikmad weeye maansadu
2.waa xoolo qaaliya
3.waa xoox macaan badan
4.waa xil iyo maamuus
5.nimuu xaakim siyoo
6.xaajiyaana tirin kara
7.ereyeada xafidi kara
8.xeerbeegi kara gabay
9.qaafiyad ku xira kara
10.miisaan ku xajin kara
11.xalad luuqna galin kara

xiray ee midaas dhaaf

12.inay xabad beeshoo
13.gashay iil xabaal dheer
14.xisku ninkii u sheegoow
15.soomaali waa xayi
16.waa xukun is maamula
17.xeer iyo dastuurna leh
18.waana ka xor gumaystaha
19.xoogaa haday shalay
20.xumad gaabis ay gashay
21.maanta xoogsataye garo

22.gayigii xagaagiyo
23.jilaalku xaaqaye
24.xaabada lahaa badan
25.xalay baa daruur heshay
26.xagaafkiina doog badal

27.dhirtii boorku xulayee
28.xashka badani hoos yiil
29.xaalufnayd qalaylnayd
30.xakiimkaa nimcow shubay
31.waa xad dhaaf udgoon sare
32.niyadaana ku xasili

33.xayawaanadii iyo
34.dadkiyo xoolohoodii
35.ay abaartu xiiqisay
36.xaga aad xagaa qabo
37.hadba dhan u xamaalnaa
38.xay qabooba baa helay
39.kob xariira buu dagay
40.xero rays leh iyo doog

41.nabadbaa xasuuqiyo
42.xabadiiba doorisay
43.xinjiruhu dhulkuu yaal
44.ee kala xirnaayee
45.ku xarbiyay walaalaha
46.khayr xaasilaa yimi
47.gacalnimo xal baa timi

48.ma dhalayska xili badan
49.xaliimadii ahaydee
50.asaageed xantee jaray
51.xasan laba mataana ah
52.maantay xuseen dhashay
53.xakiimoow ilaahoow
54.xamdigaa ay leedahay

55.doobkii xamaasadu
56.ay xajiintu haysee
57.kaligii xadrayn jiray
58.xaas qaboojisuu helay

60.xidig nuurisaa shiday
61.gudcurkii xumaayee
62.xaafadaha ka dhigay madaw

63.xumadiyo kulaylkii
64.caafimaad xanuunkii
65.lagu badal xaliyi kara

66.tuugii wax xadi jiray
67.waxna kala xasayn jiray
68.lasoo qabay xaloo jeel
69.xabsiyaana loo diray

70.baadilkiyo xasaradii
71.maatada xiqdiyi jiray
72.cadaalad xumayn jiray
73.xaq dooriyaa badal

74.xujadii qofbaa furay
75.abwaan xeer yaqaan yimi
76.rag xuloo lasoo xulay
77.xaajadii ka naqe geed
75.xaglo toosiyaa kacay

xiray ee midaas dhaaf

76.soomaali waa xidid
77.waa xigaal walaal ah
78.waa xiniinyo wada dhashay
79.ninka kala xaraashoo
80.hayb hayb ku kala xira
81.xayndaab ku kala jara
82.isagaa ku xurtoon
83.kuna xoolo beelina
84.xarafkaa haloo diro

85.gobolkaygu waa xamar
86.degmadaydu waa xudur
87.waa xaafuun halkaan dago
88.xingalool iyo caynaba
89.xoolahaygu waa geel
90.xintir baan gurtaa miro
91.waan xamaasanaydsnhy
92.xero kaliya baan naal
93.gaal xabadku waynyhay
94.si kastuu ii kala xiray
95.xeerkaygu waa midow

Thursday, November 2, 2017

tixo lays dhaafsaday xaalada dalka 2015


Qaar kamida tixo ay is dhaafsadeen 2015 hal abuuro dhowr ah o ka hadlaya siyaasada gobolada dhexe ama siyaasada guud e somaliya wakan waxa ugu horeeyey

abwaan Xasan Abubakar :

Gabre iyo warkiisii ayaa galay
dadkeeniiye
gobaleysi Dowlada
noqdaa geedi looyahaye,
garta
yaa uniqi maalinteey gedda
Xuduud joogto?,

Gobolada dhexaa maalmahaan
Geyfanoo rarrane
geediga
halkeebeey kufuran geli
qiyaaskaaga?,

Galgaduud dhex,deedaa gan,iyo
geesihiis geline
gobalkaa
mudduga
ooy maamuladu gaar ukala,jiidan
Gebagebada xaajada qiyaas waa
ged yaab,badane?

Gunta Jowhar xamar iyo illaa
gobolka Hiiraana
ayaguna
gunnuuseey qabaan howl
ugooniyehe
gogoshiyo xaggeey
dhiganayaay Goobti
madaxtioyo?,

Goboleysigaan baahayoo gebbi
nasaameeyay
gunta iyo
ujeedkuna
Uyahay reerwalbiyo gooni
garraadkaa maloo,aayayaa
Guulehey magane?

Gabaygii labaad

abwaan Janno Gale

Gelin dambe ninkii seexdaan
waqii gogol ka tooseyne
Gacalkii is wada gowracay ee
garasho laga waayo
Iney kala guurayaan wuu garan
ninkii weyne
Oo gummuc rasaaseed isu guran
waa gaddeediiye
Ciil gaamuray hadduu midkood
qabaa dabar go' weeyaane
Gar ma qaate hadduu
guddominayana waa guul dariyo
hooge
Tani iney goblan tahaan geesta
ka arkaaye
Garasho intii lahayd dhammaan
waa god aakhiro'e
Garaad laawayaal baa u kacay
gayigan Soomaale
Gambiska reeraha laga dhigtaa
guul iyo reyn reyne
Ganiyaal baaba lagu helaa waxa
aad adigu ka gubaneyso

gabaygi 3

abwaan Xasan Abubakar

jawabti abwn Janno Gale

Guullaa nayiri yaan rejada
gaasir,lagayeel in
Galadaya wanaaguna dhibkeey
goor kuxigayaane,
Rejadeenu yeey gurin mar,uun
guuli wey immane
gulluf iyo
dadaalbeey rabtaa lees
gargaarsado'e.

Gabaygi 4

abwaan Bilaal Axmed Wali

Xasanoow giriifkaan dhiciyo kala
gudoonkaanba
gurxankiyo khilaafkaan dhamaan
meel kastaba gaaray
garta waxaw naqi maalintay gadi
xaduud joogto
af gambiga raggi door bartee
galiya laabtiina

gobaladaan ordaayiyo dhamaan
gacalkan eedoobay
galgaduud cadaadiyo dhamaan
gayiga soomaali
caabud waaq gaday naga xigtiyo
goobta xarardheere
galmudug gadaashaa hobyiyo
gurigan qaabaysan
gurxankiyo hadi ay xiraan guuxa
iyo reenka
garaadada dhulkoodiyo haday
guxushka raacaanba
guluf iyo haddii ay colaad gabiba
diidaanba
inshaalahu gaar bay noqon
maamul gumuc wayne

gobalkaad tilmaamtiyo dhamaan
goohan dami waayey
kala goyska xaajada tagte gabbi
cidloon joogta
siyaasigan giriifane dhamaan
gayiga uun jooga
gumuc iyo dagaalkay wadaan
labada gooroodba
guul iyo barwaaqaa xigta e galiya
laabtiina

xasanoow gardaadaye dhamaan
gayiga soomali
goobaha dhulkeeniyo walaal
gobaladeeno dhan
idilkood gunuus bay wadaan
lagu garqaataaye
gabalkaa shabeeliyo intii daba
guclaynaysa
shirarkooda gaarka ah waxay
gudub u jiraanba
ayaguna gudoonbay rabaan
galiya laabtiina

guulaheen kolku uu dhahoo
gacanta haadayno
midnimada kolki loo guntado
gabi ahaanteenba
hayb haybta gaarka ah kolkaan
gudub u tuuryayno
guxush odaya gabar iyo haween
wiilal garab jooga
gacmaha kolki lays qabtee olole
loo gooyo
siyaasigan aduunyada gubiyo
gocoradi raacay
gaalada dhulkeeniyo dalkaba
wada guduud buuxa
guluf iyo colaad iyo kolki gaardi
lagu saaro
inshaalahu guul bay noqon
mahhadu waw gaare

gabaygi 5

abwaan Xasan Abubakar
jawabti abwn Bilaal Axmed Wali

Af,genbiyo jabhado goosta oo
qaran jab noogeysta horreey
nooguhaad,sheen ninyoow
guuleheey magane,
Magar,waaqsibaa n jirin gefkiyo
qalad groupedka
Gurucan ee dadkii jeerba
kalageeya.

Gabaygi 6
abwaan Bilaal Axmed Wali

Af gambiga waxay doorbidaan
oo daba galayaanba
gantaalaha dhacaayiyo waxay
guluf horaadshaanba
gumuc iyo waxay colaad
hurshaan labada gooroodba
gabanada waxay laynayaan
gawrac iyo dooxba
gardarada sokeeyaha waxay
galab ku taamaanba

kol unbuu garaadoow wacyigu
maalin galayaaye
garacii xumaadoo wax badan
godob ku taamaaya
mar unbuu sidii shiikh guntaday
diintu gaanbiyine
odayaal gaboobiyo sidii guud
cadiyo maahir
mar unbay guntiinada u xiran
nabada gaar raac e'
guud ahaan dalkeenaba kolbay
guushu saaqiyine
haka gaabsan gaarkiyo nimcada
waynu gaaraniye

dhamaad

...

gabaygii : mirna hayga siinina

gabaygaan wuxuu hal abuurku curiyay oo uu soo baxay xiridii qalbi dhagaxa ee akhris haboon

Madaxwayne kii noo noqdaba maagid ma u saarney
Masuulkii la doortaba miyaan Muran dhex qaadsiinay
Malaayiin siyaasi miyaa meel kastaba taagan
Ma maraykan kuwa naga jiraa mooshin kicinaaya
Kuwa yurubta maal Ku leh miyaa balo maleegaaya
Ma midabkeyga kumaanan leh baa mici shisheeyaad leh
Ma magaceyga kumaanaan sitaa moolka ila raadsha
Miyirkooda laaluush miyaa lagu marqaansiiyay
Maxastiyo miyaan loo naxayn ciid iyo moodka
Waxaan shalayto soo maray miyaan dib ugu muusooday
Murugadiyo baa bi ii miyaan maxamadow xiisay
Qab qablihiyo mooryaamihii muusig ma u qaaday
Maamooyin uurliyo caruur odayo meeqaam leh
Sow mashxarada uma aanan tumin qaatilkii mariyay

Maan li'idu soomaali waa meheradoodiiye
Uma mahad naqaan kii LA raba meel qabaw badane
Madfac iyo dagaal waxaan ahayn kuma majiirtaane
Haddaan murugo lagu beerihayn kuma maqlaayaane
Militari ninkii soo dul dhiga hub iyo miig xoogan
Oo madaxa seef kaga qabtaa maamuloo wada e

Siyaad baraba muruq iyo awood Ku uu maquuneeye
Hadii uusan kula macaamili lahayn mirir ma joogeene
Maalin kuma sugnaadeen kursiga waana loo marage
Madaxtooyada qurxoon iyo qasriga madaw ma seexdeene
Intii uu waxqabad muujiyoo laamiyaal mariyo
Oo uu warshado miiran iyo horumar meeleeyo
Mashaariic ma u sameeyeene  way Miran lahaayeene
Way mucaaradi lahaayeen dhakhsaba mooshin xoog badane

Sadexdaa maroor uma dhahee meel maku hagaajay
Maansooyinkaygii cuslaa maw masraxadeeyey
Halna waa midkaan doonayaye maqal oraahdayda

Xaajada marwiyo wiil yar iyo macalin saamaysay
Muqdishiyo hargaysaba warkaa meel kastaba gaaray
ee shacabku mooraal Ku jabay waa mid loo dagaye
Mici dawaco arigii Ku baxay Lana maqaar saaray
Ka mug wayn baroortiinu neef LA mawtiyaye
Shirqoolkuu gumaystuhu malgaad madaxa saarteene
Maahmaahdu sidii ay na tiri kama marnaataane.
shisheeyuhu kuwuu maal gashee moodka ugu deeqay
maqashii cadaawahu dhalaad male ku raacdeene
maandooriyaad wada cabteen qaaday maankaba e
jaajuusku meeshuu rabee idinla maagaayay
maantaad ku socotaan halkii maasada lahayde
u mashraxa waxaad dheefsataan waa mur iyo layne
mirna hayga siinina waxaad ka aad macayshtaane

dhamaad.

gabay: ku dhawaaqe xukunkii sugnaa

gabaygaan wuxuu hal abuur bilaal axmed wali tiriyay kadib markuu dhacay xukunkii jeedalka iyo xariga isugu jiray ee lagu riday dhalinyaradii kufsiga foosha xumaa gaystay magaalada galdogob,
isagoo duco iyo bogaadin u diraya culumada ayuu yiri:

dhanka mudug warkaa nooga yimid dhali farxaan wayne
dhaguhuu u roonaa iyo qalbiga waana uu dhayaye
dhafoorada waxay noo surnayd dhawr bilood garabka
dhooqadii wajiga noo marnayd waana dhaafiyaye
wuxuu dhaqay cambaartii inbadan dhabanka saarnayde

culumadu dhawaaqay diraan waa dhab daawa ahae
shareecadu waxay noo dhigtoo dhaqana weeyaane
dhagar qabe hadduu gabar kufsado ama ku dheel dheelo
oo uusan guur horay u dhigan waala dhabiyayne
jeedal adag intii lagu dhuftaa lana dhaleecayne
gogol dhaafse haddii uu ku kaco dhuumashiyo waali
la dhagaysan maayoo isagu waa god dheer qodo e
dhagaxuun intii lagu dilaa loo dhamaystiriye

iyagoonan dheeliyin gartii looga dhigay tiirka
iyagoon sharcigu waa dhabee dhinac kalow leexan
dhaqan hayba dhiig iyo tolnimo dhaafsan sharaftooda
waaa naga dhaxaysaa caradu ugu dhawaanaynin
dhaxalkii rasuulkiyo kuwii dheehan jiray diinta
ku dhawaaqe xukunkii sugnaa waana uu dhacaye
wixii dhaawac jiriyo boogihii waa dhakhtariyeene
alihii aduunyada dhisee dhererey ee taagay
hawga dhigo abaal marin janada hana dhaqaaleeyo.

dhamaad.

gabaygii: kudulownay boosaaso

maansadaan wuxuu hal abuurku tiriyay kadib markii ay jaamacad u aadeen magaalada boosaso isagiyo ragii asxaabtiisa fasalka intoodii badnayd ayaa waxaa dhacday in ay ka hortimid magaalada oo markaas aad u kululayd cimilo ahaan xogaa markii joogeen ayaa ragii qaar tagay markii ay tageen ayuu gabaygaan ka daba diray :

ku dulownay boosaaso waa meel kulayl darane
deg deg buu ooga baxay jaamac xiin duhur dharaareede
cawil baa diyaarado ka koray daabad xoog badane
galaybaa siduu guri ku dumay danabku haystaaye
diyaa baan kasoo kaban wixii dhaawac daakhilaye
haddeerbuu siduu dawakhsanyahay dibada meeraaye
dakharkii ku dhacay axmed raflaan wali dabiibnayne
cabdisalaan dabkii gaaray baa daaray feedhaha e
waxa diifta baday waa lacag la'aan doonayuun heline
anigiyo intaan daris nahana durugtay hawshiiye
gaajadu kolkay nagu dantee nalagu sii daayo
rooti qalalan intaan doonanaan daanka galinaaye
markaasaan sidaan dibirsanahay daaco badinaaye

waa busaarad dumarkii waxay nagu duraayaane
iyagana dareenkay qabaan waa da wayn yahay

doraad iyo ragii shalay ka yimid dooxadii mudugta
kama dagin baskii fuulay iyo boorkii duugsamaye
duufaantii wali waa sidaa dooxday waa hore e
boogtii dilaacnayd in badan waa damqanaysaaye
waxba yaanan deelay gabay duubid sii wadine
waa af daalis maansadaan haddeer sii durkinayaaye
dabar waxaan kusoo xirahayaa ama kusoo dayray
waa meel ninkii soo dagaa uu dib jirayaaye
boosaaso kii doonayoow dayso socodkaaga.

dhamaad.

gabaygii: soo dhawoow

gabaygaan wuxuu hal abuurku ka tiriyay madashii lagu soo dhawaynayay koobkii iskuulada puntland loo dhigay ee ay qaadeen galdogob school waana tix soo dhawayn iyo hambalyo isugu jirta:

dhanka mudug sanaag dhabarkii iyo dhoodidiyo soolka
hoyga dhaqanka qardhiyo sool iyo in dhinac taala
badda dhereren inta teedsan iyo dhuubanoow bariga
garoowiyo koobkii dhexyiil dhahar in loo gaaro
mar haduu dhinacayga yaal madaxu ii dheere
inaan gabay dhawaaqiyo inaan maanso dhidibeeyo
oo aan dha iyo wowgeed tirshoon dhab u luuqeeyo
oo aan dhambaal aan u diro wiilashii dhaliyay
oo aan soo dhaweeyaahi waa waajib ii dhigane

soo dhawoow dartaabaan ku helay sharaf dhamaanteede
soo dhawoow dhulkaad nuurisoo dhaayahaa tahay
soo dhawoow aday dhalin yaradu dhaanto kuu tumine
soo dhawoow mashxaradaa dhici waa dhaqaaq faraxe
soo dhawoow xafladaan adaa gaar laguu dhigaye
soo dhawoow dhaqaalaa ku baxay dhalashadaadiiye
lugahaaga dhaadheer madaxa dheemanta la saaray
dhagahaaga goortaan qabtaan dhaygagaa faraxe
markii aan ku dheehdaba qalbiga dhab u damashaadye
soo dhawoow adaa dhiiga iyo kiciyay dhuuxiiye
soo dhawoow adaan dha iyo gabay kaa dharjinayaaye
hayska dhigin martiye soo dhawoow waa dhulkii muduge

reer galdogob dhamaantooda baad dhaayahood tahay
sida dhibicda roobkaa tihiyo dhado mahiigaane
waxaa tahay bil noo dhalatay iyo guul dhadhaab adage
dharcad gabara waayeel dhaqana iyo wiilal dhinac taagan
macalimiin cilmiga noo dhigiyo maamul lagu dhaato
shicib iyo askari dhuuban iyo madax kaloo dhooban
intaa iyo in dheer baa haddeer soo dhawoow ku lehe
dhabaday caleemaha ka ruxi dhawr kunoo curade
suugaan waxay ku dhiseen laga dhamaanayne
dhagihii maqlaa baan mar kale dheeg kalaan dayine
haweenkii laf dhabartaa ahaa dheesha kuu tuma e
waatay dhakhsaba ku cursheen dhawr buraanbura e
waxba yaan ku dheeraan tixdaan soo dhawaynta ahe
dhiiri galiye baa noo tihiyo taalo noo dhisane
waligaa ha dhicin oo eebahay haku dhaqaaleeyo

dhamaad.

gabaygii: koonfur afrika

Gabaygi (koonfur afrika)

madaxwayne ayagoon lahayn maamul iyo dawlo
ayagoo mushaarada ku nool ama majaacaadka
madawgoo ku saaqiyo darxumo mahadho saamaysay
midab sooca dhulkoo laga manhiyey madalka ciidooda
madfaciyo gumaystuhu kolkuu muran ku beeraayey
maydkooda ayagoon dhaqayn murugtu saaqawday
masagada shisheeyaha dalbada ama maraykaanka
marwo iyo ninkeedi kolkii lays ku wada miiqmay
maxadkiyo aqoonay bartaan mahadho loo diiday
masraciyo dhulkooday fashaan laga mamnuucaayey
maalin iyo dharaarteed kolkii madaxu waynaaday
muddo badan kolkii lagu hurdee laga macaashaayey
midigtooda ayagoon lahayn cid u maciinaysa
qaramada midoobiyo intii magaca laatiina
ayagoon midkoodaba helayn meel cid la ah jiifa

waataan muftaaxiyo u furay mararna laaluushe
muruqooda waataan ag dhigay maalka lagu faano
mooskoon u keeniyo khudaar laga macaashaayo
marwo iyo haween iyo intii magaca soomaala
abaalkooda waataan marshoon maxasta qiimaynay
madfaciyo rasaas miigan iyo miino qalalowda
malyuumaadka waataan u diray ciidaniyo moode
halgankooda waataan u maray mowsar iyo qiiqe
calankooda waataan mudnoon mahadna geeraarnay
aduunyadaba waatay muteen labada meeloode

afartaas ma'da iyo wowga iyo marinadaydi dheh
afrikaanka mudankaan u galay lagu maleeyaa dheh
madashaan ka qaadniyo darxumo mililicdoodi dheh
badarkaan u miisiyo galay mudantadaydi dheh
abwaan miigle halyeeyaan murmayn mara kaciisii dheh
afarkalana waxa aan mutiyo mudanka qaybtay dheh

malaaq iyo cuqaal iyo intii maamul iyo dow ah
masuulada dhulkoodiyo intaan lagaba maarmaynin
waakaa dukaanada maroo mahadho boobaaya
ubadkayga waakaa marshoon qaxarka moodsiiyey
madfaciyo dagaalkiyo colaad muranka yeeraaya
maalkayga waakaa ka dhigay mudan la qaybtaaye
makhluuqay gubaayaan dhamaan maalin iyo laylba
waakaa aduunyada martiyo mid iyo qaaraade
masalkooda waakaa ka dhigay muruq la tuujaaye
alahayoow adaa maaligoo maamul taliyaaye
adigaa aduunyada madd dhigay laga macaashaaye
adigaa musiibiyo wanaag mawlahoow haga e
muslimiinta duulkaa ka qabo magane laynaaya

tarikhda:22/4/2015
curiye:bilaal axmed wali

dhamaad.

maansadii galdogob.

maansadii galdogob

-------------------
magacaygu waa dogob
horay looga daray gal
degmo nabada baan ahay
doog cagaaran iyo rays
dal barwaaqo baan ahay
lo da daaqda iyo ari
deeqsi waxan ku ahay geel

jawi aan kulayl daran
dabayl iyo lahayn qabow
diirimaada baan ahay

dacalkayga waxa yaal
baliyada dur durayaa
daaqiyo nabaad ka leh
waaloo dalxiisaa
indhuhu daali maayaan
haday daawadaaniin

dhismayaasha dabaqa ah
quruxdiyo dareenka leh
wadooyinka is daba yaal
waxa laami daamura
lay saarayoo dadan
dadaal baan ku helay dheer
dad is kaashay weeyaan
waa duco awawgay
ima caawin dawladi

dugsiyada waxbarashada
machad daara iyo loox
ilaa darajo jaamacad
dadaal baan ku helay dheer
dad is kaashay weeyaan
waa duco awowgay
imay caawin dawladi

isbitaal da wayn sanad
digtoor hawl kar badanoo
dabiibaaya maatada
dadaal baan ku helay dheer
dad is kaashay weeyaan
waa duco awowgay
imay caawin dawladi

dahab gaynta suuqiyo
ganacsiga dukaamada
carwo daaran oo shidan
waxa doolar iyo lacag
darafkayga yaal badi
dadaal baan ku helay dheer
dad is kaashay weeyaan
waa duco awoowgay
imay caawin dawladi

diintaan u ahay garab
difaac baan u ahay adag
maan ihi dayuus falan
daba dhilif shaxaada ah
dagal kayga waxa yaal
culu maa u diin badan

anaa layga heli duub
garyaqaano daacada
daaweeya boogaha

dumar kaan u ahay hiil
darbi baan u ahay dhisan
dugsadaan har iyo layl
wow dabacsanaadaa
waxay diidayaaniin
durka baan iraahdaa
dugaagaan ka celiyaa
waan dagaalsanahay kii
damqiyoo xanuujiya

ninka cay daacayada
ku daabacay mareegaha
dareen galiyay shacabkow
doodaydu waa kow
deg deg waw jawaab celin
hana daahsan oo qudha .

gabayo: doorashadii soomaaliya 2017


gabayo : doorashadii soomaaliya 2017

Gabayo Ku Saabsan Doorashadii Soomaaliya.

Doorashadaas Oo Ahayd Mid Taariikh Ah Ayna Kasoo baxdey Jawaab lagu farxay.

Doorashadaas Waxaa Ku Tartamayey Murashaxiin badan Oo Ay Kala Taageer sanyihiin Dawlladaha Dariska Balse Aakhirkii Waxaa Isugu Soo haray Madaxweynihii Hore Ee Dawllada Federalka Soomaaliya Xasan Shiekh maxamuud Iyo Musharax Farmaajo Oo Horey Usoo Noqday Ra'iisul wasaarihii Dawlladii Badbaado Qaran Ee uu madaxweyne Ka Ahaa Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed.

Mudane  Xasan Shiekh maxamuud Ayaa Taageero Ka Haystay Dawlladaha Deriska Iyo Guud Ahaan calaamka,Taas Se Ma ahayn Mid Ay ku faraxsanyihiin Umadda Soomaaliyeed Badankoodu iyagoo kusoo daalay afartii sano oo uu hayay johorada xilka madaxwaynanimo ee dalka oo ay ku dhaliileen musaasuq,wax is daba. marin iyo gaal kalkaal.

afartii sanuu shilin urursi iyo shawr qamaar galaye
sharaftii dalkuu ciida gashay oona shaabadaye
shaki buu dalkii kala dhex dhigay shoog xun oo ba ane
shuluq gaalku diro buu ahaa shar iyo shaydaane
xasan sheekh hadaan loogu shubin waa shukri ilaah dheh.

Farmaajo Ayaa Taageero Ka Haystey Shacab Ka Soomaaliyeed Iyo Kalsooni Aad U ballaaran Nasiib Wanaag way U rumoowday Riyadoodiii raagtay iyagoo aad ugu farxay markii ay maqleen farmaajo inuu kusoo baxay xilka madaxwaynaha qaranka waxa ayna mahad naq iyo bogaadin u direen xilibaanadii wadaninimada muujiyay.

Dhagar diide xilibaanadi dhaladka waynaaye 
dhaartiyo kitaabkii haday kaga dhabeeyeene 
iska roge dhaleecayntii iyo dhaawici jiraye 
xilka waxay u dhiibeen nimaan dhaqan naqanaaye 
dhawrkii bilood buu hantaday dhiig kalsoonimo e 
dheel dheel kumuu helin shacbiga dhalin yartisiiye 
wayeelku uma dhafreen dhaws hadu yahay 
dhabada gaarigi nooga jabay yuu dhaqaajiyaye 
gudcurkuu na dhaafiyay intuu layrar no dhigaye 
naga dhici waraabaha intu dhagax ku tuuryey
dhinacyadana awd geesibaan dhaguhu laabnayne 
noo dhaam amxaarada kuwii so dhawayn jiraye 
dhiiranimada iyo daacaduu dhaafsanayn lacage 
waa nimaan dhexqaad iyo aqoon dhuumashiyo ceebe 
xilkuu dhabarkow riday eebahay haku dhaqaaleeyo

guusha kadib markii uu farmaajo ku guulaysty xilka madaxwanaha waxaa dalka guud ahaan laga dareemay xamaasad wadaninimo iyagoo iskugu soo baxay fagaarayaasha iyo baxdaha magaalooyinka iyagoo u muujiyay dawlada kalsooni soona dhaweeyay

guusha caawa farmaajo
tartankii uu ka gaaray
gudoonoow madax wayne
Geesigeenii halyeeygoow
Garabkaa qabay eebe
Calankaagu ma gaabto
Guntigaagu ma jeexmo
God abeeso ha tiinban
Dhagar gaalo samaysay
Gogoshaada ma laabto
Waligaa na gardaadi
U gurmoo shacabkaaga 
U gargaar dalka hooyo
Gabaygii lagu qaaday

Sacabkii la garaacay
Wax sarkaal gumuc wayn li
Ciidan tuuta galaalan
Gaardiyaan si dareen leh

Waxa qaylo kor guuxda
Gariirkeeda rasaasta
Cirka uu sare gaaro

Wuxu gaari rakaaba
Guradiisa uu yaalo
Garaadoow calankeenu
Hadba gees u socdaaloo
Soomaalaay gam`a wayneey
Goortan toosa la qaado

Gudcurkii naga suulyay
Gayigeenii ilaysbaa
Wada gaaray iftiinshay
Geedigiina dhaqaaqyay
Anaa kaa guda wayn iyo
Gobolaysi dhamaayoo
GABRE qaaday xasiiga.

gun iyo gabagabadii halkaas waxaa ka dhalatay dawlad shacab waxaana ummada soomaaliyeed taageeridoodu muujinaysaaa bisayl iyo rabitaan qaran mideeya.

suugaanta Abwaan :Bilaal Axmed Cismaan 
W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

gabay cusub: dawlad goboleed

Gabay cusub: dawlad goboleed
-----------------------------------

1.Qaranimada waxa diidanee gaal u daba dhoona
2.Oo aan dawladnimiyo rabin wadar jir loo doodo
3.Isku duubnina ka  hor jeestay ee doolar Ku qaraabta
4.Dad is jecelna kala ootay iyo diir kuwo wadaaga
5.oo daba laabka isugu dhiibay iyo dab iyo aakayga
6.Waa dastuurka Kuwa qaadaciyo dawlad goboleede

7.Waa niman duliya oo amxaar daba ka riixaaye
8.Waa niman durbaanka u wada ducuf maraykaane
9.Imaraatku kuwuu soo diriyo waa dabayl carabe
10.Waa duufaan sucuudigu wadoo lala dayoobaaye
11.Dawarsiga waxay ugu jiraan waa daciifnimo e
12.Dakadaha waxay uga gateen diricya wayn maal leh
13.Ooy daynta ugu iibsadeen waa damiir xumo e
14.Waa daab AF leh iyo baag Ku dili oo xanuun darane
15.Waa niman dantoodiyo yaqaan tooda daakhiliye
16.Oo aanan dayin midii guud deeq allaa badane
17.Waa niman damiin ka ah qalbiga darajadiisiiye
18.Waa niman dalkiyo ciida iyo diinta caasiyaye
19.Oo shacabka dawladnimada raba dookh qabiil gashaye
20.Wixii gudaha danab qiiqayay dibada keeneene
21.Qarsan waayo dabar goyntii ay nala dayaayeene
22.Dadow arag kismaayay haddeer dirin ka ooteene
23.Inay naga danshaan ooy duntoo dawakhdo ooy liicdo
24.Diinaar Ku qaatiyo lacago doolar xoog badane
25.Doc kaliya waxay uga safmeen dooda hadda taagan
26.Ooy xulufada ugu wada darmeen daahir baa garane
27.Doqon iyo ninkii garasho yar iyo dacas xun mooyaane
29.Ninkii doora wuu fahansanyahay waxay u doorteene

30.Alow yaa Ku daalnaye ka xira duuda iyo lowga
31.Dur dur iyo alow yaa Ku rida meel aan LA dabaalan
32.Daruur kicisa onkod danab sitiyo yaa dul Ku halawsha
33.Intii horay dagtiyo Kuwa haddeer yaa aan kala daahin
34.Oo dibirta cagaha ugu suga qaar hawada duula

35.Anoon dawlad gaariyo lahayn calan LA ii dooro
36.Oo doog LA moodyoow baluug dahable qaadaaya
37.Oo deegaan kanaa ila ah iyo  dir iyo reer oolin
38.Degmadii af madaw iyo ilaa dooxa xarardheere
39.Dusha ayl Iyo ilaa gibiley iyo dacaladii saylac
40.Alow yaa dawaaf maalin Mara una dalxiiseeya.
41.oo nabadu waa noo dugsiye maanta darajeeya

Curiye: bilaal axmed wali

gabay cusub : ciirtu way lulane

gabay cusub:ciirtu way lulane
curiye:bilaal axmed wali

1.abtoow laanka gabay waayadan laac ismalahayne
2.laabtayda waataan ka jaray leebka gabaygiiye
3.maansooyinkaygii ladnaa laabayoo dhigaye
4.amuuruhu markay liicsameen boorna kor u laalmay
5.ooy laan sareetiyo koreen taag lagu lumaayo
6.xaajadu kolkii layrku tagay luuq xunaan galaye
7.mana libiqsan suugaantii aan layliyayn jiraye

8.aduunyada lafaha wayn leh waa laysku liin bixiye
9.qolo waliba lodkii ay lahayd liis kalaa galaye
10.waa lab iyo dumarkii waxaa laysla low dhigaye
11.laalays libaaxbaa dhurwaa lagu lifaaqaaye
12.lug maroodi iyo dawacadaa laysku laymiyaye

13.fulay laabtu gubanayso iyo geesi lula qoorta
14.waa labo bareeja ah la yiri layna soo wariye

15.lix iyo toban jir qaan gaara iyo oday lixdiin dhaafay
16.oo siyaasad ku lagdamahayoo loolmayaa yimide

17.shisheeyaha ninkii lacag ka helay laamigana iibshay
18.laaluush nin qaatiyo wadani luula baa simane

19.qaranimada ninkii lumin hayee laad ku kicinaaya
20.iyo kii lingixinaayay bay doqon lamaanayne

21.leegada ninkii kamid ahaa luuliyana keenay
22.oo libinta noo curiyayee qaranka liishaamay
23.iyo labac haddeer gadanayaa saaran laash qura e
24.oo lag iyo dhiig wada ah iyo ul iyo laantiiye

25.maandeeq ninkii lugaha jaray laafyahana gooyay
26.iyo kii u loogaa haddeer laylo qura saaran
27.ninkii calanka wayn soo lagdaye lumiyay muuqiisa
28.iyo kii intuu baantay ligay laaskana ka qaaday
29.oo gabay u luuqaynayay labo simaayaane

30.lugooyada ninkii qaranka biday laadar iyo tuug xun
31.iyo kii lilaahiya haddeer waa lagdamayaane
32.inshalaahu luquntaa la jari maata laayaha e
33.mar dhow baa lixaad xoog leh iyo laacib noo kiciye
34.lughayiyo ilaa jilib mar dhow laanbad baa qabane
35.liidnimo ninkii doonayaa waa libdhahayaaye
36.loox iyo waxbarashaa badali liifadii qoriye
37.xeebta liido baa nabad mar dhow lagu ladaayaaye
38.qaraxiyo lugooyadu mar dhow bay laashinoow harine
39.liiq liiqu waa baxahayaa leexashada taale
40.lugaheeda bay mar labaad ladan ku laafyoone
41.waa labiyo dhawr jeer intay guushu low dhigane
42.lubiga hays jabin awgayoow ciirtu way lulane

dhamaad.

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar