gabay cusub:ciirtu way lulane
curiye:bilaal axmed wali
1.abtoow laanka gabay waayadan laac ismalahayne
2.laabtayda waataan ka jaray leebka gabaygiiye
3.maansooyinkaygii ladnaa laabayoo dhigaye
4.amuuruhu markay liicsameen boorna kor u laalmay
5.ooy laan sareetiyo koreen taag lagu lumaayo
6.xaajadu kolkii layrku tagay luuq xunaan galaye
7.mana libiqsan suugaantii aan layliyayn jiraye
8.aduunyada lafaha wayn leh waa laysku liin bixiye
9.qolo waliba lodkii ay lahayd liis kalaa galaye
10.waa lab iyo dumarkii waxaa laysla low dhigaye
11.laalays libaaxbaa dhurwaa lagu lifaaqaaye
12.lug maroodi iyo dawacadaa laysku laymiyaye
13.fulay laabtu gubanayso iyo geesi lula qoorta
14.waa labo bareeja ah la yiri layna soo wariye
15.lix iyo toban jir qaan gaara iyo oday lixdiin dhaafay
16.oo siyaasad ku lagdamahayoo loolmayaa yimide
17.shisheeyaha ninkii lacag ka helay laamigana iibshay
18.laaluush nin qaatiyo wadani luula baa simane
19.qaranimada ninkii lumin hayee laad ku kicinaaya
20.iyo kii lingixinaayay bay doqon lamaanayne
21.leegada ninkii kamid ahaa luuliyana keenay
22.oo libinta noo curiyayee qaranka liishaamay
23.iyo labac haddeer gadanayaa saaran laash qura e
24.oo lag iyo dhiig wada ah iyo ul iyo laantiiye
25.maandeeq ninkii lugaha jaray laafyahana gooyay
26.iyo kii u loogaa haddeer laylo qura saaran
27.ninkii calanka wayn soo lagdaye lumiyay muuqiisa
28.iyo kii intuu baantay ligay laaskana ka qaaday
29.oo gabay u luuqaynayay labo simaayaane
30.lugooyada ninkii qaranka biday laadar iyo tuug xun
31.iyo kii lilaahiya haddeer waa lagdamayaane
32.inshalaahu luquntaa la jari maata laayaha e
33.mar dhow baa lixaad xoog leh iyo laacib noo kiciye
34.lughayiyo ilaa jilib mar dhow laanbad baa qabane
35.liidnimo ninkii doonayaa waa libdhahayaaye
36.loox iyo waxbarashaa badali liifadii qoriye
37.xeebta liido baa nabad mar dhow lagu ladaayaaye
38.qaraxiyo lugooyadu mar dhow bay laashinoow harine
39.liiq liiqu waa baxahayaa leexashada taale
40.lugaheeda bay mar labaad ladan ku laafyoone
41.waa labiyo dhawr jeer intay guushu low dhigane
42.lubiga hays jabin awgayoow ciirtu way lulane
dhamaad.
No comments:
Post a Comment