Tuesday, August 22, 2017

Gabay: isku duubni

Gabaygan (isku duubni) waa Gabay ka hadlayaa Muhiimada Midnimadu leedahay iyo is ku duubnida umadda soomaaliyeed o ay noqoto mid qura anigoo la hadlaya dhammaan umadda soomaaliyeed:

Ka bogasho wcn:

1.Nimanyahow dubaaxdiisa gabay daar ismalahayne
2.Ka dawaafay maansooyinkan daahir ku ahaaye
3.Hayeeshe kolkii laysku dago ama la doodaayo
4.Duub iyo abwaan iyo kolkay xaajo dacal waydo
5.Darajada asluubtiyo wanaag laga dawaareeyo
6.Dabka oo la qaatiyo midnimo qoloba diidayso
7.Anaa doora anaa deeq leh daabad aniga leh
8.Dowladnimo anigaa haystiyo calan la duubaayo
9.Gobol waliba dooqiis kolku samaha diidaayo
10.Dalka oo la caayiyo dhamaan doodu marrin waydo
11.Dibnahayga kolkii aan furtee gabayga daaduunsho 12.Dareenkayga maansada kolbaa lagu dareeraaye
13.Nimanyahow darees baa nihiyo duul walaala ahe.
14.Diirkiyo dubaaxdiyo dhamaan suuradiyo diinta.
15.Deegaanada dhulkeeniyo hadaan doorkan wada naalno
16.Dad xigis le magac duuba iyo darajo loo aayo
17.Daahiroow rasuulkiyo quraan daayim garanayno
18.Duriyadii xabiibkiyo hadaan deeqda wada naalno
19.Daqar hore wixii so bur buray amase duugoobay
20.Dirir iyo colaad iyo waxan daabad guranaynay
21.Dagaalki sokeeyaha waxaan dumarka laynaynay
22.Iga durug kanbaa soo dagiyo dagalka naafoobay
23.Daba laab dhashiikiyo waxaan aake duhur qaatay
24.Dakar dhexe arooryaha waxaan dhiigag dabanaayey
25.Ducufkiyo miskiimaha waxaan jidad dawaafaynay
26.Dalka sare hargaysiyo ilaa daarta xamar wayne
27.Dukub daakum wixi ruux noqdiyo dababka qiiqaayey
28.Door hore wixi soo dhex maray dayrkan wada yaala
29.Dareesiinta maankiyo inaan laabta daginaaba
30.Duhur iyo alayl iyo inaan subaxba dood sheegno
31.Danaheena inaan daayacnoo dababka maanshayno
32.Doraad galab wixi dhacay inan dib uga faaloono
33.Miyaa lagu dawoobaa walaal dabinkan qoolaysan.?

34.Afartaas sidii daad rogmaday daabac ma u sheegay
35.Ma daleeyay maansada ragbaa daadahayn jiraye
36.Diiwaankeeda ruuxii bartaa gabayga dayrkiisa
37.Deelqaafka waa laga ba’shaa laga daryeelaaye
38.Ma dubaaxshay maansada anaa daahir ku ahaaye
39.isku duubni baa lagu helaa nabad la dayraaye
40.Waa waxaa danteeniyo midnimo lagu daryeelaaye
41.Waa waxaan dagaal iyo colaad dabina qoolayne
42.Dowladaha shisheeyaha dhamaan dagalka meeshooda 43.Waa waxaas dirkaas meera iyo dayaxa gaarsiiyey
44.Isku duuma soomaaliyeey duq iyo waayeelba
45.U dag daga culuumtiyo dhamaan khayr la daba raaco

Gabay : wax u qabtaa dhaama

Gabay:Wax u qabtaa dhaama

Wareeg badanta tii lagu yaqaan wiig kastiyo maalin
oo aan walaaliyo maqlayn waarid iyo hooyo
suuqyada middaan laga wadayn aadd u wabashlaysa
waqtigii yimaadaba ninyahow wiilal la ciyaarta
waynaheed midii kaba baqdoo wacadsataa dhaanta

aduunyadan wareer baa ka jira laga walaacaaye
wakiil dowlo ruuxii rabee wadar ku faanaaya
wanaaguu ku dhaartaa mar qura wacadna qaadaaye
ruuxii ka weecdoo ninyahow waayiradow gooyya
oo xumaha meeshuu u wado waasac uba sheega
wadaadkii samaha toosiyoo wax u qabtaa dhaama

wadankiisa ruuxii nacee dibadahow waashay
waadiyaasha ruuxaan arkayn waadaxiyo khayrka
walaahidaba ruuxii maree yurub wanaag mooda
waayeel dalkiisii ninyahow wax u qabtaa dhaama

wa'da gabayga ruuxaan aqoon wiiqna kaga siiya
walbahaarka ruuxii murtida wahan ku beeraaya
waxaan jirinba ruuxii dhahee warar ku faanaaya
wabsite yada ruuxii ninyahow wax u qabtaa dhaama

aflagaado ruuxi waddee waranka tuuraaya
wuxuushkii samaha duudsiyee wadar ku faanaaya
walaalahaba ruuxii nacee dariska wiiqaaya
wadnihiisa ruuxay cuqdadi waadax u abaartay
wanaagaba ruuxii ninyahow wax u qabtaa dhaama

Gabay: masayr

Tixdii: masayr

aduunyadan masayr baa ka jira muran la'aaneede
madaxwayne hadaad noqoto oo maamul lagu siiyo
iyo haday majaacadu ninyahaw milicdo guudkaaga
martabadaad kol joogtaba ragbaa ku makeekiyine
malahoodu wuxu doonayoo maanku laba jeexo
waa inay maryaha kaa dhigaan maalin galinkeede
mabda' ay ku taamaan waqood wa mucaarado e
kama mahadnaqaan maalintaad guusha muhataaye
adaa mudan madiixay wadaan waa macno la'aane
murugiyo dhibaatay intaas kula maraayaane
mashaqiyo xumaan bay waqood kuu miliiliciye
masas iyo abees weeya iyo moodhar iyo tuuge
madfaciyo dagaalkaaga bay maandhow so hagiye
midabkiyo afkaagay wataan muuq walaalnimo e
musuq maasuq cay bay wadaan maagid iyo hiife
maaligoow ilaah iyo wuxu muxamed no sheegay
axaadiista wada daba mareen madasha khayraade

magaalada kolkii lagu jiree meel lawada joogo
oo aad maqaaxida kuba jirtaan miis lawada shaahay
muran iyo dagaal bay intaas kula dhex meeraane
sidii naag maryaha xoortayoo madaxu waynaaday
oo mudanaheedii mid kale mahad allee raacay
maskaxdoodu waxay guuxaysaa wa masayrnimo e
majnuun falan sidiisay waqood muran la xiiqaane
macno badan wixii aan lahayn miidda lagu raaco
masraxay ka qaylinahayaan maalin iyo layle
muusigiyo ciyaar bay kitaab kaga mashquulaane
mushkilay ka qaadaan kolkaad maahir noqotaaye
murugiyo xanuun baa ku kaca mayd siduu yahay e
alahayoow adaa maaligee qawmka naga meeri
oo sunaha inay milicsadaan mahad alle raaci

by:bilaal axmed wali

Gabay: seega camalkooda

GABAYGI

Seega camalkooda

Ca'da gabayga anigaa curshoo caarif ku ahaaye
carabkayga waataan ka xiray camal dhigiisiiye
cilad iyo kolku caabuq iyo cududo been yeeshay
codadkiisa wataan jar jaray caawa iyo layle
aan cadeeyo maantoon kalaan caamir ku ahaaye

cajab madala cayb iyo wax seeg lagu ciqaamaayo
cudur haliska caamada fur fura culimo diidaaya
alahaa casiiskiyo kuwi caasay nabigeena scw
reer yurub suntay noo cugsheen caamo nimadeena
ciso iyo hadaan sharaf lahayn ciiryay waa hora e'
waxay dhaheen cad ceed iyo dharaar caawo iyo maalin
cindigood salaad iyo war soon seega camalkooda

ciso iyo wanaag iyo waxsheeg seega camalkooda
hablahoo cadaadiyo diyaan cilad xun mooyaane
cafiskoo la qaatiyo xijaab seega camalkooda

cuqdad sare xanaaq lo cudmiyo carab dil mooyaane
casharkoo la baartiyo sammaan seega camaalkooda
cawo madala cayaar loo tumtiyo camal la' mooyaane
cilmigoo la qaatiyo war guul seega camalkooda

cirka sare culuum baa tagtiyo cabasho mooyaane
cadud iyo duruustiyo qoraal seega camalkooda

codka hadalka cay loo xamiyo cilado mooyaane
caaqil iyo abwaan iyo gabyaa seega camalkooda
cabaad madala cay cayn warma ah col iyo dulaan leh
caruurtoo la laayiyo haween cirib tir mooyaane
caways gola ah nabad loo camiro seega camalkooda

carfo sare dalkeeniyo wanaag cidaha meesheena
carmo iyo nugaal iyo goldogob cawska xamar wayne
cayn iyo togdheer iyo ilaa taniyo ceergaabo
cilad inaan u qaadniyo socdaal cugasho mooyaane
curdan inad u keentiyo war guul seega camalkooda
caddar baxay dhirtoon cayn rogniyo carro tir mooyaane
casuus mira ah ubax loo curshiyo caaddo iyo waano
calamkoon habayniyo waxsheeg seega camalkooda
caadil badaha wow no siimoo camal gal weeyaane
caqli gaabka maydkoo camira cudduro mooyaane
cayshkoo la qaatiyo kaluun seega camalkooda

cantar baqashka waa lagu yaqaan kii calool xuma e'
curdanki hargaysiyo togdheer tan iyo ceel buure
cows baxay caways lo hagiyo cirar nugaaleedka
caasimada dalkeeniyo muqdisho caanka xamar wayne
cuqdad madala cayn cayn la go'o cutubo mooyaane
calankoo la qaatiyo midnimo seega camalkooda

afartas ca'di aan bartiyo curasho waayeel dheh
codadki amxaariyo tikree caanka reer yurub dheh
camalada shisheeyaha walee cabashadoodi dheh
cududay lahaayeen kufrigu caarif loo helay dheh
caaqil iyo abwaan iyo gabyaa curashadiisi dheh
afkalana caynkiyo murtida ducada caamkeed dheh

alahayoow casiis baa tahiyo caadil khayr badane
adigaa aduunyada cad dhigay cir iyo insaane
adigaa cawayskiyo raxmada noogu caafiyaye
curdan wiila caamiyo haween odayo caataysan
adigaa caruur iyo dhalaan caanahow qoraye
cirifkaa aduunyiyo wixii caadka sare meera
carradaan dhulkeeniyo wixi caabud iyo gaal leh
cindul badaha wixi jooga iyo wabiyo ciiraaya
camalkooda adigaa arkiyo cayn kastooy tahaye
alahayoow cibaadiyo wanaag nagu sug caamkeenba
oo carafti rasuulkiyo sunaha caadil nagu toosi

by: bilaal axmed wali
9/mrch/2015

Monday, August 21, 2017

Gabaygi: obama markuu yimid kenya

''Aayadaha ninki beenshay ee eyga qalanaayay''
''islaamkaba ninkii dabar jartee dilay awowgayga''
''arladaan lahaa iyo ninkii ubadka laynaayay''
''xaawalayda uurka leh ninkii urugta qaadsiiyay''
''ilwaadeey haweenkaba ninkii asayda saaraayay ''
''argagaxa ninkii igu ridee awday nabadayda''
''adoonsiga ninkaa ila rabee ii arxami waayay''
''olol dhaca aakiyo luglayr ama awood khaasa''
''afrikaanka oo idil ninkii ugu itaal sheegtay''
''raggu inays aroosaan ninkaa maanta ololeeyey''
''anshaxumada ninkaa ila damciyo ama afkaarktiisa''
''afku wuxuusan qabanayn ninkaas wada amaanaaya''
''# ameerika ninkii ila rabiyo eyda yurub joogta''
''is abaabul xoog badan ninkii aag kastaba baahshay''
''islaamkaba ninkaa isu suree aaad u kala faagay''
''israa'iil ninkaas garab galee dunida aafeeyey''
''anbiyada ninkii caayayeen ka ashtakoonaynay''
''alahii abuurtaba ninkaas
wada aqoon waayay''
''ololaha masiixiga ninkaas
# ururka gaarsiiyay''
''afkrikadan madaw iyo haduu aaga yimid maanta''
''eeryada haduu noogu yimid sow ibtilo maaha''.
Ururka:caalamka

curiye:bilaal axmed wali

Gabaygii: qabyaalada ninkii doonayoow

Silsilada:qaranimo
Gabaygii:qabyaalad
aminta:8/6/2015

curiye:bilaal axmed wali

1.nageeyoow qa'di gabay
baryahan qaad ismalahayne
2.quruxdeeda maansada
ninyahow waan ka quusamaye
3.kolkii ay qaraabtaan murtida
qaabadayn nacaye
4.inkastoo abwaaniin qoriyo
joogo qalin yaalo
5.inkastoo qilaafadu jirtoo
qawlku wada liicin
6.qarar bay ka tuureen rag
badan qaabka maansada e
7.qasadkeeda nimanbaa diloo
quutay waa hora e
8.an qorsheeyo maantoon kalaan
qodobka taabshaaye

9.soomaalidu qolayn kama
koraan qab iyo reere
10.qatli iyo colaad bay wadaan
tan iyo qaabiile
11.quraankii ilaah iyo sharciga
maba qiraayaane
12.qawlki rasuulkiyo wuxuu
qaadir na amraayo
13.qori bay ka doortaan
ninyahow lays qisaasado e
14.qisasyadi horeetoo dhiciyo
qawmki nabi muuse
15.qarni hore kuwii quusay bay
daba qamleeyaane
16.abti ruux qafaashiyo midkii
qori lasoo taagan
17.qaadkuu cunaayiyo midkii
qalinka diidaaya
18.qabyaalada ninkii doonayoow
qurun xun weeyaane

19.qarankeena kolkaan
duminayee qoriga aan doonay
20.qolo qolo kolki loo saftee
qaxarku waynaaday
21.qab qabluhu kolku wada
baxee qowm waliba doortay
22.qaladkii dhacaayaba kolkaan
qarash ku taageernay
23.aduunyada kolkaan
qayshanee yurubta qaar gaaray
24.quluubteenu kolkay wada
didee kala qaloonaynay
25.anagoo qaraabiyo walaal ehel
ku qaabaysan
26.nin waliba kolku qaybsadee
dagalku qiiqaayay
27.qorshaheenu kolkuu baa'ba
een qasad la'aan liicnay
28.wixi qiray wixi soo qoriyo
qalad wixi baahshay
29.wixi qubay wixi qiil heliyo
qori wixi keenay
30.soomaalida qurbaha joogta
ee qaaradaha yaacsan
31.dalalkooda wixi qixiyayee
qaxarka beeraayay
32.alaylehe qilaaf weeya iyo qolo
qolayn jaane
33.qabyaalada ninki doonayoow
qurun xun weeyaane

34.qasriyada aduunyada jiree
duul waliba qaatay
35.qoraxday kol aaddaan raggaa
qalabyadaw suubshay
36.dowladnimo raggaa quutayee
qaran ku faanaaya
37.qori suugle qaraxloow luglayr
qiiqle iyo aake
38.qamadiga raggaa shiita ee
badarka no qaybsha
39.qalin bay ku gaareen halkaa
buug lasoo qoray e
40.ayagoon qolaynayn dadkay
wada qancaayaane
41.qabyaalada ninki doonayoow
qurun xun weeyaane

42.wax dhaaxay abwaanadu
qoreen qaafka maansada e
43.qayrkay amraayeen in badan
qaabka loo tago e
44.xumahay ka qaylsheen
ninyahow taniyo qaabiile
45.quruxday ku taameen
waxbadan wadar qiraayeene
46.hayeeshe quruumaa jirroo
aad u qaafila e
47.quful bay ka saaraan mar
qura qaladna sheegaane
48.qamrigiyo xashiishkay cunaan
qaabka haybta ahe
49. Qabyaalada ninki doonayoow
qurun xun weeyaane

50.quwad xoogle ninkii sheegta
ee quruxna moodaaya
51.qolo qolo ninki faanayee
duulal kala qaybsha
52.mar unbuu ka qaylshaa
ninyahow qaabka uu yahaye
53.qabyaalada ninki doonayoow
qurun xun weeyaane

54.waxba yaanan qaafkiyo
murtida qeexid sii wadine
55.qasadkeeda maansada
ninyahow waan qadimayaaye
56.soomaalida alahayoow quwee
qaadir baa tahaye
57.quluubtooda eeboow ka saar
qaladkan buux buuxa

curiye:bilaal axmed wali

Gabaygii: BAAQ

Gabaygii(BAAQ)

Gabaygan waxa u ka sheekaynaya abaalka ay noo soo galeen dadka reer yemen kolkay dagaaladu jireen waxa uuna ugu baaqaya umada soomaalida ah meelkasta ay joogaan inay caawiyaan walaalahooda so qaxay e yementa iyo somalida isku jira inta karaankooda ah wa kan
ka bogosho wcn:

1.Ba'da gabayga waayadan dadoow waan ka baaqsadaye
2.ma bidhaamin maansoonyinkaan soo binayn jiraye
3.biladiisa nimankii yaqiin amase baydkiisa
4.bushimahooda kolkii ay xidheen waanka baashiraye
5.barbaaradu kolkii ay tirsheen aamus beegsadaye
6.aan bayaansho caawoo kaluu ii banaan yahaye

7.afartaas bartii aan aqiin baalka maansada dheh
8.wabi buuxa hilaac soo big yiri bililicdiisi dheh
9.barwaaqada dalkaygiyo xareed baladka taalaa dheh
10.abwaanki murtida boodin jiray soo biyeysaday dheh
11.baryo badan wixi aan maqnaa haatan beegsaday dheh
12.afarkalana balantaan lahaa baaqa hadalkay dheh

13)burburkii kolkii u dhacee qaranku baasoobay
14.bumbadiyo kolkii laysla dhacay beebihiyo liishka
15.beel beel kolkii loo saftee baladu qiiqaabtay
16.barqadii timaadaba kolkii dumarku booyaayay
17.baroomada kolkii lagu kacee baladku naafoobay
18.ubad baahan waayeel baqtiyey boorka lagu laaday
19.balaayadu kolkii ay dhacdee meelkastaba baahday
20.bidix iyo kolkay midig tagtee qaraxu beegaayey
21.abti ruux bireeyiyo kolkay xaajo fara beeshay
22.biri ma gaydada kolkii laba diliyo hooyo barakaysan
23.odayaasha beeshana la jaray beerka laga laaday
24)bari iyo kolkay koonfur sare bayd kastaba gaadhay
25.guryaheenu kolkay baa'ba een hoygu barafoobay
26.inkastooy balaayiin jiraan dalalka buux dhaafay
27.bulshadana kol caawinahayoo badarka siinaayey

28.burji bay lahaayeen reer
# sancaad baahay duunyada e
29.bilyan bay kol quudsheen ninyahow so banaan baxaye
30.dhaaxay na biirsheen waxbadan baawar iyo xooge
31.waatay bariiskiyo qumbaha baastadiyo mooska
32.boqolaal qaxootiya ninyahow soo bayaaniyaye
33.guryahooda waatay baxsheen bil iyo dheeraade
34.bilyan tiro ah waatay hayeen baariyoow shalay e

35.imankana bartiibay tagtoo xaalku kala bayrye
36.baaruud qarxaysaa ninyahow soo bayaan timide
37.bumbadiyo rasaas bay hayaan buuxa meelaha e
38.barakac shisheeyiyo dabbaa aad u beegsadaye
39.badahay kusoo qaxahayaan baladkan soomaale
40.boqolaal dadkeeniyo raggbaa so bidhaamsamaye
41.boosaasiyo woqooyay mar qura wada balaadheene
42.puntlandbay kusoo xiranayaan haatan buuxsamiye
43.bulshadayda soomaaliyeey waan babanayaaye
44.xabad baahday beebaha qarxiyo ba'ayda yeeraysa

45.soomalida bumbadu gaadhayee meelkastaba baahsan
46.yementaa bartii lagu arkaba badiba gaajaysan
47.muslimiinta soo barakacdiyo muu'min wada baahan
48.bini aadankaba wixii sheegtayee baladu khaas yeeshay
49.idinkoo burdaha kaashanahayiyo bariyo yaasiinka
50.u ban baxa inaad caawidaan waa wax baashiriye

curiye:bilaal axmed wali

Gabay: degmadii galdogob

Degmadii goldogob baanu nimid daain idankiiye.
deegaan weeye hodanoo nafluhu wada dal xisaaye.
daganaanta waa meel lagu yaqaan nabada door wayne.
digtoor iyo waxaa laga helaa duul wadaada ahe.
isku duubni waa waxay filkood uga durkaayaane.
diintiyo waxay garab galaan daacadnimo khayre.
daliilkiyo quraankay bartaan kuna dadaalaane.
duruusaha culuumtay wadaan daayin abidkoode.

maamul doora ayagoonan helin dawladina caawin.
dadaalkay galeenbaa nafluhu buug ka daabacaye.
waligoodba dacwda way wadeen kamana daalayne.
dad is jecel daris aan xumayn diir isugu yaalo.
diricnimada waa waxay firkood kaga danbeeyeene.
dayaxuba intuu sara maree dunida guud joogo.
aduunyada intaasbay durkeen daacad iyo hawle.

dulmigiyo xumaantay qabtaan kana ducaystaane.
alaylehe damiirkay qabaan wa da' wayn yahaye.
abidkoodba meeshay dagaan waa mid daahira e.

alahayoow adaan daaimoow ka dalbanayaaye.
nabadooda eeboow u daa daainbaa tahaye
amaankooda eeboow daryeel wan dalbanayaaye.
dhulkoo doogle daruurtoo curatay daaqna wada yaacay.
dalkoo nabadle dalagoo bixiyo dagalka oo baad leh.
daarusalaaamle eeboow ka yeel daainbaa tahaye

by:bilaal axmed wali

Geeraar: gal albaabada naarta

Geeraar(gal albaabada naarta)
------------------------------------------------
1)Wax dhaaxaad amar gaaliyo
2)Ajaaniib mad madow iyo
3)U adeegtay amxaaroo
4)Ibtilooyin hor seedaye
5)Ilaahay gabroow maanta
6)Aafo naara ku saaryoo
7)Waxna aad arki waydoo
8)Indhahaa sare beel
9)Abris uu ku qaniino
10)Afku uu ku daboolmoo
11)Erey aad kari waydo
12)Addin taagma la waayoo
13)Aad istaagga ka duusho

14)Aduunka waxa joogga
15)Islaam gaaliyo faasiq
16)Ruux kastoo ku arkaaba
17Kuu imaan kari waayoo
18)Amkagaag la dilaacoo
19)Anfariir la walaaco

20)Wax dhaxaad ikhtilaaf iyo
21)Umadii kala gaysoo
22)Midba meel u af duubtaye
23)intaad iilka aad gaarin
24)Ama aan lagu oofsan
25)Xanuun aan la aqoon iyo
26)Cudur aan la ogaanin
27)Aids aad u dhamaatoo
28)Ku asiibto balaayo
29)Qaaxo aad la ilmaysoo
30)Nabar uurka ku gooyo
31))Ubucdaadana shiilo
32)Dhiigu uu eber gaaroo
33)Ku istaagtay calooshu
34)Abur aad sanka keento
35)Aafo baasi ku qaaday
36)Ilaahoow maxay keenay
37)Ku alaalado maalmoo
38)Ashtakooto ayaamo
39Ixtiraam ruux ku siiyoo
40)Ku imaado la waayo
41))Kaa ordaan ehelkaagu
42)Ifka naar ku mutayso
43))Kolkaad iilka aad jiiftoo
44)Aduunkaan ka dhamaatana
45)Kuu adkaatay suaashu
46)Godku kuuma iftiimoo
47)Abeesooyin ku qaate
48)Masas eebo ku saaryay
49)kuuma waasaco iilku
50ururaan darbiyaashu
51)Ku abaado cadaabtoo
52)Gal albaabada naarta

so baxday: 8/4/2016
curiye:bilaal axmed wali

Gabay:kiinyaanka soo galay dalkoow

Kiinyaanka soo galay dalkoow waydun kibirteene
Hadaydaan kismaayiyo ka bixin kaamka balad xaawo
Kaymaha hadaydaan banayn kaamil xeradayda
Ooydaan kalaamkayga maqal waydun kaafiyiye
Nayroobi kabahaan la mari oon ku kaadiniye
Karayaal manbaasaan ku tagi saan ku keenaba e
Kumanaan masiixaan ku layn maalin kaamila e
karbaash baan la dhici reer tolkiin kiristan weeyaane
Kimistaad ku dhuuqdaan xeryaha waad ku kibidheene
Kaalmaha bariiskaad heshaan waan kiraysaniye
Kaar iyo xanuun bay dun qabin kuman guyaaloode
Adinko kulayl daran qabaad kabashlin doontaane
Kaneeciyo yaxaas bay din dilin kooxo ciidana e
Kontan sano waxaan dooni baad kaalay leedahaye
Nimankii amxaarada karshee boor ka kicinaayay
Kurka sare libaaxii jaraad kayn usoo galiye
Haddii aan kalaamkayga xiro amase aan koobo
Ama aan kitaab baaqa iyo kool yar uba sheego
Kufaar taa dalkaygii ba shee koomahay galiyay
Kiinyaanka soo galahayoow yaa kudhaha kaadso

Gabay: wixii aad gabroow eex gashee

Wixii aad gabroow eex gashee  kaa gaaray
Gumaad xoog le waxaad nagu wadiyo goor allaba maagis
Galdalooladeenii intaad gun iyo baar faagtay
Gumaysiga intaad nala rabtiyo ama guruubaysi
Oo aad gobolkii kastaba gooni ula shawrtay
Gudoonkiyo madaxdaan lahayn gini barkood siisay
Garyaqaan intii aad dishood nagu dul geeraartay
Gaalada madaw iyo cadaan garabka siinaysay
Godka lagu cadaabyoow intaad geeri ila doontay
Garaadkayga kama aysan bixin godobtii dheerayde
Mar unbaan garbaha kaala dhicin gumucyo waa wayne
Amlay gaaban gamuun daab leh iyo waran gariiraaya
Galowdaas dalooshaan mar uun kaaga galin xooge
Iska gama"a gogol wayna dhigo lacagna goob goobo
Mar unbaan waxaad gaysatiyo godobta kaa aarin

Sunday, August 20, 2017

Gabay:waa ayaamul khayrkii

Gabay .(ayaamul khayr)..

1.ayaamaha ilaahay hadeer kala ayaan roone
2.albaqriyo bishay soo dageen aayadaha diinta
3.anfacada bishii laga haree oonku badanaayay
4.arkaantaba bishii lagu daree axadku noo sheegay
5.amarkii ilaahay bishuu oofi noqonaayay
6.akhlaaqdoo hagaagtiyo bishii edebtu toosaysay
7.inkastoo iblays yadu jiraan wax aflagaadeeya
8.ansha xumadu bishay naga hadhee la is amaanaayay
9.waa ayaamul khayrkii dadoow lagu aflaaxaayay

10.ashahaadada ruuxii qiriyo wixii islaamoo dhan
11.ehlul khayr aduunyada jiriyo awliyada raacda
12.idilkood waxay sugahayeen axadna noo sheegay
13.waa ayaamul khayrkii dadoow lagu aflaaxaayay

14.insiyada xumaadiyo dhamaan wixii iblisoo dhan
15.olol naar bishii lagu xiree koonka laga ooday
16.istiqfaartu bishay badatayooy lagu ishaaraayay
17.idankii ilaahay bishii la is ajiibaayay
18.albaabadu bishay wada furmeen xumuhu aasmaayay
19.waa ayaamul khayrki dadoow lagu aflaaxaayay

20.istiqaam bishii lagu yaqiin duco la oogaayay
21.alqadriga bishay kuba jirtee aayad lagu sheegay
22.al cimraan bishay so dagtiyo idil quraanoo dhan
23.islaamkuba bishuu wada farxiyo awliyada miiran
24.waa ayaamul khayrki dadoow lagu aflaaxaayay

25.marwo uur leh aramina fidiyo ubadka qaan gaarin
26.urugada xanuunkuu qabiyo odayga taahaaya
27.axad waalan ruuxaan ahayn insiyada liita
28.anfacada bishii laga jaree la imtixaanaayay
29.amarkii ilaahay bishii la ogalaanaayay
30.waa ayaamul khayrkii dadoow lagu aflaaxaayay

31.ictikaaf bishii lagu yaqiin jiifka laga aagay
32.al xamdulilaahi bishaan wada niree awliyadu qaaday
33.axad maal leh eberkaan wax hayn ama agoontooba
34.idilkood bishay wada simeen wixii islaamoo dhan
35.waa ayaamul khayrki dadoow lagu aflaaxaayay

36.afartaas abwaan soo kiciyo ereyo waa wayn dheh
37.ragbaa gabayga aaa kaga haree ararta maansaad dheh
38.ayaan khayr inay maanta tahay waan ogsoonahaye
39.axkaamtoon tilmaamiyo hadeer ololahaygii dheh
40.alaahu akbar adkaartoo fidiyo amase iimaan dheh
41.afar kalana ujeedada danbiyo ducada aamiin dheh

42.alahayoow aduunyadan jirtiyo uunka wixii jooga
43.arladiyo albaabada sariyo idil cirkaasoo dhan
44.ilwaad dumar odayada jiriyo ama ugaybkoo dhan
45.axad wiila axmaqaan xishoon anbiyada toosan
46.idilkoodba adigaa raboow uumay kaligaaye
47.adigaa arsaaqdana baxshoo adigu waynoowe
48.amarkaaga adigaan raboow la indha saabayne
49.adigaa ijaabana qabtoo eeboow soo yiriye
50.axkaamtaad na saartaan raboow aan ogsoonahaye
51.istiqaamka khayrkaan wadniyo oofintiyo soonka
52.aqbal noo dheh eeboow adaa aaminoo jira e

curiye:bilaal axmed wali

Gabay:Urugo sow maaha

Alif gabayga ninki aan aqoon ama itaal haynin
ayaantii timaadana ninkii aafo kala daala
abwaanimo inuu sheegtaa urugo sow maaha

axdigi rasuulkiyo ninkaan faralka oogaynin
salaadaha ninkii agga maree oofi laga waayay
islaanimo inuu sheegtaa urugo sow maaha

afar saniyo dheeraad midaad caashaq la abuurtay
ilwaadeey midaad ula baxdeed kuna amaanaysay
amar hadii la siiyoo nin kale aqal loo geeyo
aroos kale hadii ay gashaa urugo sow maaha

xornimada kolkaan lagu ogayn idilba soomaali
arladeena oo idil kolkii cadawgu aagg joogay
awal hore kolkii lays jeclaa oolin kala maarmid
istiqlaalka markii aan heliniyo waliba iimaanka
iminkana inaan kala tagnaa urugo sow maaha

anagoo ilaah iyo naqaan axadka qawlkiisa
aayadaha anagoo helniyo ama axaadiista
ololaha siyaasigu wadiyo wixi ibliisoo dhan
dastuur kale inaan idam sanaa urugo sow maaha

aduunyada culuumtaa jirtee lagu arooraayo
aqoontoo la qaatiyo cilmiga aag kastaba gaaray
alaylehe intaan aggamaroo waliba aan eegin
aakayaal inaan iibsadaa urugo sow maaha

arladaada hadaad wada nacdiyo ama azxaaptaada
ibtilooyin hadii aad martood kuna agoontowdo
orobada hadii aad gashaa urugo sow maaha

aqoon laawe hadii aad tahood ehel ku faanayso
awood xoogle hadaad sheegatood kibirna aafawdo
ajashaada hadii ay gashaa urugo sow maaha

asluublayda dumarkii ahaa ubaxa maankeena
hablii akhlaaqdiyo lahaa edebta loo aayo
ajaaniibta nimankii ahaa aag waliba joogay
unugyada haday wada tuseen urugo sow maaha

ehlul khayr hadii aad tahoo faralka oogaaya
al cimraan hadii aad taqaan ama idaajaaba
inamada lasoo xaday raggaa aabe kaga dhaartay
alaylehe inaad meherisaa urugo sow maaha

curiye:bilaal axmed wali

Gabay: maanta iyo xaal

GABAY(maanta iyo xaal)

1.aduunyadan macsidu way jirtaa maalin iyo layle
2.madal iyo dagaalbaa intaa lagu murmaayaaye
3.nin waliba wuxuu maagaayaa kii laso midige
4.mawlaheen waxaw nagu yiree suuradaha muuqda
5.axaadiisna lagu meershayee muxamad no sheegay scw

6.azxaaptuba waxay muujiisaa laga majiirtaaye
7.madaxwayne waxaw noo dhigoo maamul qarameeyey
8.ama yurubtu maal galisayeey aad u malabaysay
9.munaafiqiin cadaan iyo wuxuu madawna dhoodhoobay
10.muslimkuba wuxuu diidayaa loo mashxaradaaye
11.inkastoo caqligu mawdyahoo maanku qalafoobay
12.muuminiintu way dhiiranyihiin maalin iyo layle

13.mabda'ii islaamkay hayaan oo macbuudnimo e
14.maaidiyo alxaaqay waqood aad u mariyaane
15.gaaladu waxay nagu murmaan maagid iyo hiifba
16.dhaqankooda waxay muujiyaan keenu maraxoobo
17.mar unbaan ka maamuli dhulkoon soo miliiliciye
18.mar unbaan maraykaanka qaban mawsar iyo ciile
19.midawgooda reer yurub kolbaan meel u kala gayne

20..mar unbaan macsida ay hayaan khayr ku midabayne
21. Mar unbaa marwada ay qabaan marada saarayne
22.mar unbay malaayiin jisya ah maalin bixiyaane
23.mar unbaa arlada ay maraan mu'adin joogaaye
24.mashriq iyo kol unbaan galbeed meel isugu gayne
25.midnimada islaamkoo fidiyo muxamed qawlkiisa
26.mar unbaa aduunyada ku marin mudasho haybeede
27.madashaan imaadaba kolbaan la is masuugayne
28.mar unbaa masuul no bixiyo maahir soo kicine
29.afartas intaan meel ka dayay mudane mow sheegay
30.mirihii qamaan iyo sidi raage ma u meershay
31.ma macneeyay maansada ragbaa mool kasii rida e

32.afarkalana mowjadahan qarxiyo maanta iyo xaal dheh
33.aduunyadan masiixigu qabtee kala masruufaayo
34.muslimiinta waataa dhex dhigay miino xoog badane
35.madaxdii islaamkuu mar qura aad u maamulaye
36.masar iyo sucuudiga sariyo carabta meegaaran
37.madashii lubnaan iyo sanciyo dimishiq meesheeda
38.murankeeda soomaalidee meel kastaba gaaray
39.mabda' iisa waakaa ka dhigay meel ukala geeye
40.muuminiinta waataa dhex dhigay mowsar iyo ciile
41.malyuumaad waxaw nagu baxshoo nagu maqiiqaaba
42.muslimiinta waxay kala diloo meel u kala cayrsho
43.mar unbaan milgaha aan lahayn soo maroorsamiye
44.mar unbaa mahdigu show iman oo na maamuliye
45.mudankaan lahayn iyo kolbaan gaarin meel sara e
46.muslimiinta eeboow quwee maalig baa tahaye

DHAMAAD

curiye:bilaal axmed wali

Saar : soomaalidu waa dilaal

Saar cusub (soomaalidu)

1.soomaalidu waa dilaal
2.sixir bay wada qabaan
3.intaa silic iyo dagaal
4.saxriir bay raadiyaan
6. Samaantay diidayaan
7.qabiil kay saanyadaan
8.dadkay kala soocayaan
9.siyaasada hooga badan
10.siyaadada doonayaan

11.sa'dii kale waxaan lahaa

12.soomaalidu waa dhagool
13.si xun bay wax u fahmaan
14.siriqyada aan xishoon
15.siyaasiga dabada wayn
16.ninkaa sararaha cayilan
17.wuxu sheegay sugaan
18.hareeraha soconayaan
19.nabada way suuliyaan
20.walaalkoodbay siraan
21.u diidaan seexashada

22.sa'dii kale waxaan lahaa

23.soomaalidu waa wax moog
24.cadawgooday saxayn
25.saaxiibana moodayaan
26.intuu sabab iyo colaad
27.dhexdooda ku beero salal
28.midkii soconaayo dilo
29.dhulkoodana uu sal dhigo
30.wax soo saarkiyo shidaal
31.macdanta uu suuliyoo
32.badaha uu sun ku daro
33.ayay seexana hayaan
34.salaamo u haadiyaan

35sa'di kale waxaan lahaa

36.soomaalidu waa dan seeg
37.ilaa sabi iyo caruur
38.sarayn bay doonayaan
39.madaxdooday solaan
40.dacaayad ku sayriyaan
41.midkay sinji garanayaan
42.sacabo u taagayaan
44.ku sooraan hadalo wacan
45.runtii soo dhawaynta badan

46.sa'dii kale waxaan lahaa

47.soomaalidu waa wax siran
48.nimcada ayagoo ku sugan
49.dhulkoodana samo fadhido
50.sareediyo yaalo khayr
51.ilaa sool iyo nugaal
52.sanaag iyo reer goldogob
53.salal iyo meesha bari
54.salkaa koonfuriyo muqdisho
55.ilaa saylac iyo bakool
56.barwaaqada saaka taal
57.ayay indho saabayaan
58.maraykanka saabka wayn
59.soortiisa ku faanayaan
60.sucuudiga tuugayaan
61.yurubta salaamayaan
62.saqiirada aadayaan
63.salool guban doonayaan

64.sa'di kale waxaan lahaa

65.soomaalidu waa wax si ah.
66.sareeyoow alahayoow
67.samada kii uumay iyo
68.salaaday garanayaan
69.saliga way qaadayaan
70.dhabtii suuradaha quraan
71.ilaa sabixiyo waduur
72.saxiixayn fiiriyaan
73.hadana suugiyo khilaaf
74.dhiigay subax daadiyaan
75.saacado is laynayaan
76.asay dumar saarayaan
77.nabada ay suuliyaan

78.sa'dii kale waxaan lahaa

79.soomaalidu waa sal gadis
80.sugaanta wixi curshiyo
81.wixii saar tirinayiyo
82.wixi maansada kol sida
83.abwaanada saabka adag
84.sabaankiyo maanta jira
85.siday u badanyihiin
86.nabada way seexiyaan
87.colaaday sara kacshaan
88.sabab bay beerayaan
89.sinji bay qaarkood dayaan
90.dadkay kala soocayaan
91.anaa kaa sara mariyo
92.saqiir hadal bay wadaan
93.samaantana qaar kol daya
94.saciid muslimaana badan

95.sa'di kale waxaan laha

96.soomaalidu waa hayaan
97.dalkooday seegayaan
98.south afrikay aadayaan
99.intaa subax iyo dharaar
100.soofaha lagu laynayaa
101.hooyooyinka uurka sida
102.sidi raga loo dilaa
103.seeftana lagu jeexayaa
104.ilaa sabi loo naxayn
105.qaarkood badahay socdaan
106.tahriib bay silic maraan
107.gaajana ay la suuxayaan
108.sidii ruux soomka xiran
109.suuqyada qaarbaa fadhiya
110.sacabada hoos u dhiga
111.gaalada sidi u suga

sa'di kale waxaan lahaa

113.soomaalida alahayoow
114.sareeyoow maanta taal
115.gacmaha isi saaratoo
116.siyaasigu uu ka baxo
117.sidii dhaqankeenu yahay
118.samana eeboow u daa
119.quluubtoo saafiyiyo
120.aloow sal fudayd ka qabo
sa'dii kale waxan lahaa
122.soomaalida alahayoow
123.subxaanoow maanta taal
124.gacmaha isi saaratoo
125.dhamaan suuradaha quraan
126.saxiixaynkiyo xadiis
127.masuul aan seegi hayn
128.siduu rabigeenu yiri
129.cadaalada aad u suga
130.aqoon sinji iyo qabiil
131.dadkana kala sooci hayn
132.ilaa saqiir iyo kabiir
133.saraynta aloow u dhiib
134.samoow madax wayne qaran
135.saakana eeboow ka yeel

curiye:bilaal axmed wali

Gabaygii: guul wade

Nimanyahaw gantaal baan ahiyo geesi dirir wayne
gumuc iyo garnayl baan ahiyo gaade xoog badane
good iyo abees baan ahiyo aar gariira lehe
abwaan murtida soo gaabinoo gacala sheegaaya
gabayada nin soo curin hayoo gudub u tuuraaya
hal abuur gudboon baan ahiyo maahir gada wayne
garta odayga loo dhiibinoo geedka laga sheegin
garaad badane khayr baan ahoo guusha loo tabo e
ma gil gilo galaafkiyo warmaha jeer lasoo gana e
guluf iyo colaadana ma diro galase yeelkiise

garta nabada guul iyo waxdheef laysla gacan qaado
garashiyo wanaag baan waqay gaar is leeyahaye
gudcurkiyo madawgaan lahaa geesta uga bayre
gacalada heshiiyaan lahaa goor alliyo wiige
gubashada ka dhowr baan lahaa waano garansiiye
gafka iyo xumaantaan lahaa gudub u tuuryey e
gabanada caruurtaan lahaa guudka ku xanbaar e
guxush iyo ayeeyiyo wixii gaari iyo wiil ah
gobonimada qaataan lahaa diida gaalada e
gayigiina dhawrtaan lahaa waa gudboonyahaye
dhaqamada ka guuraan lahaa xoog kusoo galay e
gunimada ka soocdaan lahaa gaara meel sara e
gaajiyo haraad baan lahaa gooya wa cudure
galaydiyo haruurkaan lahaa gabi ha beerteene
garoowiyo hargaysaan lahaa godob ha daayeene
gaalkacyiyo cadaadaan lahaa guluf ha baajeene
gobolada shabeelaan lahaa nabad ha gaareene
gaarisiyo togdheer baan lahaa gacal ha qaateene
goobaha jabuutaan lahaa garab ha raaceene
galbeedkiyo wuqooyaan lahaa goob isugu keene
gurigii sanaag baan lahaa gole ha oodeene
caasimada ka gaar baan lahaa way gudboontahaye
goday iyo baraawaan lahaa geed isugu heede
gogoshii kismaayaan lahaa gadaf ha daayeene
guud ahaan islaamkaaan lahaa how gudoonsado e

geeliyo gamaankaan lahaa guluf ku heensay e
gaxashkiyo kaluunkaan lahaa gabi ilaalay e
gaalada ka saar baan lahaaa guran wixii nool e
gumucyada ku lay baan lahaa goor aliyo wiige
gocoshada xanuun baan lahaa haatan garansiiye
geerida u beeg baan lahaa gayiga wow doore
gaaridiyo haweenkaan lahaa goob isugu keene
gasiinkiyo xareedaan lahaa how gudboon dhigo e
garashiyo tacliin baan lahaa gaara meel sara e
garnaylada sameeyaan lahaa wax ha gumaadeene
afrikaanka guurshaan lahaa loo gabood falaye
gardarada shisheeyaan lahaa guluf ku tuuyay e
gacmihiyo lixaadkaan lahaa garab ha yeesheene
barwaaqada u guurbaan lahaa way gudboontahaye

afartaas gariirkaan aqiin gogol dhigaygii dheh
gobonimada meeshaan la rabo soo gudoon iri dheh
garashada hankaygiyo waxaaan gaar u tabayaa dheh
gole nabada gartoo loo xir xiray lagu gorfeeyaa dheh
gacalada is wada dooxayoo midiba gees aaday
gobolada hashiiskooda iyo geedkii nabadeed dheh
guluf iyo colaad iyo waxaan guuto boqolaala
gayigayga inaan daafacdiyo geeri tabideed dheh
gaxashkiyo kaluunkoon la baxo gurasho khayraad dheh
gumuc iyo rasaas iyo intii qoriyo gaagaaban
gantaalaha samayntooda iyo guluf laxaadkii dheh
gobo" nabada gaar iyo waxdheef duunyo garab joogta
gogoshii barwaaqoon dagiyo hami gadaashiis dheh
afar kalana wixii aan gartiyo garasho waayeel dheh

soomaalidu gabood kama baxaan haybta gada wayne
gardariyo xumaan bay waqood gaar la hurudaaye
gawrac iyo dagaalkay intaas gole ka sheegaane
gafafkay ku buunbuuniyaan gabayo qaarkiise
odayaal gabooboo ciradu gaanka wada saaqday
gafuur buurayaal baa ninyahow soo gadaal kacay e
siyaasiyiin gudoontaa arlada guluf ka heensayn e
gaalada cadaatay waqood garab la joogaane
gayigay ku daadinahayaan godobo waawayne
gobolada dhulkeenay waqood dacal ka goostaaane
geesta bari nugaal iyo ilaa gaarisiyo Kenya
gogoshii hargaysiyo togdheer garabka reer fiiqle
gumaystuhu intuu naga dagiyo gacan jabuuteedka
gocoshada xanuun bay rabaan kala gudoonaaye
guluf iyo colaad bay rabaan gaysh lasoo diro e
gabanada ku laynay rabaan gumucyo waawayne
gad gadoon khilaaf bay rabaan geedka loo tagoe
guushiyo barwaaqay rabaan gudub u tuuryayn e
gadaal noqosho xiim bay rabaan gaarin meel sara e
garashiyo tacliin bay rabaan inaan ka guurnaaye
gabdhihiyo sareedoy rabaan gaal u dhiibano e
dhaqankoon ka guurnay rabaan gun iyo baarkiise
gabbi soo cidloon bay rabaan inay na geeyaane

afartaas gariiirkaan aqiin gogol dhigaygii dheh
gabay hawle gamuutiyo qamaan garashadoodi dheh
godadkii ismaaciil miriyo raage gadihiis dheh
sayidkii murtida goobi jiray guluf yadiisii dheh
cali dhuux gantaalaha warmaha gaar usoo riday dheh
geeridu ragay dabar jartoo haatan garanaayo
geeraarshayaashii horiyo gole abwaaneed dheh
afar kalana wixii aan gartiyo duco gudoonkeed dheh

alahayoow galiilyiyo xumaan gabi na saamaysay
alahayoow gumaad iyo xasuuq guul dariyo hoogba
alahayoow giriifkaan qabniyo gaajo nagu raagtay
talo guracan guurtida dawakhan kala gudoomawga
gardarada hagaagtiyo aloow guusha laga yaacay
garabyada is wada dooxayee gabiba meel ootay
alahayoow guruubyada qarxiyo goonidiyo tookha
gobolada dhulkeeniyo raboow gayiga soomaali
gumuciyo rasaas iyo waxaa guuto lagu daadshay
alahayoow gunuuskiyo khilaaf guuxa iyo reenka
gurya hayska xaajada tagtiyo gacal is waydaaran
alahayooow guhaadkiyo colaad meel kastaba gaaray
gamba tuurka dumarkoo gablama gocosho oygooda
alahayoow garaadkoo dhimiyo gubashadan baahday
alahayoow gantaalahan dhiciyo qorigan guuxaaya
gayi nabada gugoo soo da"iyo guusha lagu faano
odayada gaboobiyo intii guud cadiyo maahir
gaaridii haweenkiyo hablaha wiilal garab jooga
ayagoo guntiinada xirtoo gabi barwaaqoobay
alahayoow inay garab helaan gacalkan eedoobay
galadaada eeboow nimcada guusha wada raaci

Curiye; abwaan bilaal axmed wali
DHamaad.

Gabay: wowga aamusaye

Gabaygaan waxaan uu hal abuurku curiyay kadib markii in badan uu ka baxay badii suugaanta oo uu ka AF gaabsaday inuu maanso curiyay waxaan Ku faalaynaa sababihii uu uga aamusay maansadii 

Waakan akhris wacan:

Gabay: wowga aamusaye
---------------------------------------------
---------------------------------------------------------
alif gabayga waataad waxbadan igu ogaydeene
waataan afkaygaba xirroo aamus door bidaye
ujeedadu halkay taalo baan ugu ekeeyaaye
iskama abuuroo runtaaan wada indheeyaaye

afar iyo toban hal baa jirtoo wowga aamusaye
nimankii murtida aaddin jiray lagu aflaaxaayay
abtirkeeda nimankii yaqiin ama abuuraayay
mar haday ka awdmeen waxbadan aayar iyo xoogba
kol haday abwaanadu dideen wowga aamusaye

afmaalkii murtida daadin jiray alif samaynaayay
odaygii qamaan iyo afliyo ereyadii raage
sayidkii murtida eegan jiray amase ogaayay
kol haday ku aasmeeen dhulkooy urug na qaadayso
gabaygoo kol iishana ninyahow wowga aamusaye

aramida ku haysaa murtida lagu ishaaraaye
araxdiyo jirkaagiyo dhamaan idil hanaankaaga
unugyada wixii dooriyaa lagu asleeyaaye
mar haddii afmaalkii dhintoo layska ololeeyo
kol haddii ujeedadii luntoo urugi waynaatay
arji qoran wixii aan lahayn wowga aamusaye

erey leexsan ruuxii tirshoo aafo dhalinaaya
axmaqii murtida gaabiyee awna garanaynin
kol hadduu abwaan sheegtayoo ku ashtakoonaayo
alayl iyo dharaartaba hadduu aad u gubanaayo
arimaha dhacaayana ninyahow wowga aamusaye

alif maanso ruuxii curshee jiifto ololeeya
awalkiisa geeraar midkiii aad u garanaaya
ereyada jacaylkana tirshee heesta alifeeya
aqoon laawe ruuxii murtida wada ilaynaynin
kol hadduu amuurana dhigoo layska arin sheego
odaygii heeloodaba haddii gabayga loo aadsho
anfariirka maansada ku dhacay wowga aamusaye

afku duubsi kolkii ay timee erey la xoogaayo
alifkaad kol sheegtaba haddii la il xumaynaayo
amaankoo daciifana ninyahow wowga aamusaye

kolkii aad abuurtoo murtida awalna gaarsiiso
anshaxiyo asluubtiyo kolkaad edebna aad siiso
amarkii ilaah iyo kolkaad idilba khayr sheegto
mar haday ka oodmaan xaqooy urugi qaadayso
ummalkiyo xanuunkay galaan wowga aamusaye

aduunyada wixii joogga waad la anfariirtaaye
oraahdaad tiraahdaba haddii la arimaynaayo
ammaraad smayn iyo haddii eedd lagugu sheego
aragtida siyaasigu wadana wowga aamusaye

erey maanso ruuxaad dhahdood u ololaynayso
aayadaha quraankiyo xadiis ama idaajaaba
arimaha samaantana qofaad idilba aad siiso
kol haduu amuurana dhigoo isir qabiil sheego
awawgaa shanaad iyo haddii oday la gaarsiiyo
aragtida takoorkana ninyahow wowga aamusaye

af xumadu haday badatayooy eyy kastaba qaylsho
aflagaado aan jirin hadduu iminka faanaayo
aw shiikha oday iyo cuqaal ama abwaanoo dhan
ilwaad qurux haweenkana hadduu erey ka sheegaayo
akhlaaqdoo xumaatana ninyahow wowga aamusaye

aslaxay ku dhaantaa murtidu ololka qaarkiiye
kol haddii ilxaad lagu waddoo dirir la oogaayo
aftahanimo dagaal iyo haddii ururna aad raacdo
dad islaam ah haddii aad gubtood alif ku laynayso
alaylehe amuurtaa jirtana wowga aamusaye

kol hadii aqoontii luntoo erey jacayl baahay
abwaan iyo fanaan badan haduu olole qaabeeyey
istixyood xishoodkuna dhacee dumarku ooyaayo
afka oo xumaadiyo dhamaan dhaqanku aafoobay
ila arag xumaatada ninyahow wowga aamusaye

ixtiraamka maansadu lahayd laga agoontoowye
kol haddii af taagii batoo oday la maagaayo
aabayaal sareeriyo haddii isir la caayaayo
asalkeedba ceebtaa jirtana wowga aamusaye

aduunyada wixii khayra baa lagu aflaaxaaye
amuurahan dhacaayana ninyahow waa af kala qaade
umadeena soomaaliyeed eegga wada joogta
abti iyo awoow bay yihiin aabbe iyo reere
ereyada raggaa tirin hayee kala aguugaaya
alayl iyo dharaar taba raggaa ahhanka beeraaya
insigaa xumaadana ninyahow wowga aamusaye

ararteeda maansada haddeer waan af jarayaaye
urugada xanuunkaan qabee unugyaday saaqday
oo aan afkaygaba xidhee aamus igu beegay
idankii ilaahay dadoow wada ogsoonaada

DHamaad

Gabay: ammar dhacay silsiladii awaal tiris

Silsiladaan awaal tiris waxaa ka qayb qaatay hal abuur badan oo kala jooga daafaha caalamka waxaan bilaabay nin LA yiraahdo farxaan bawkax waxaanay Ku saabsanayd dumarkii hore iyo kuwa haatan kuwa wanaagsan waxaana uu uga qayb qaatay hal abuurku gabaygaan asagoo LA saftay dhaqankii hore iyo dumarkii hore gabaygaan dheer ayuu kaga qayb qaatay
Akhris wacan;

gabay(ammar dhacay)

Dadku waa awow iyo walaal ehel wadaagtaahe
gabaygana abb baan uga dhaxlaa odayo waawayne
isirkeedba maansadu ninyahow waa abwaanimo e
alif qura midki aan aqoon muran la aafaysan
istixyood xishoodkana ka tagay waa akhlaaq xuma e

afartaas asluubtaan aqiin ololahaygii dheh
onkod yeeray iftiin soo bixiyo aalad gooniya dheh
awalkeedba maansada jirtiyo ila xirkaygii dheh
abwaankii murtida tiirin jiray ereyadiisiii dheh
afka lumay dhaqankoo ambaday aafad iyo hoog dheh
ashqaraar yaabkiyo xishood la anfariirtaa dheh
awaal tiris ragii soo curshee midaba meel aaday
mid ambaday midkii soo ag yiri iyo midkaan aadin
idilkood amuurtoon hagiyo aragtidaydii dheh
afar kalana ujeedkaan lahaa soo awaariyay dheh

oori dumar midi loo baxshee lagu ishaaraayay
anshaxiyo asluubtiyo lahayd idil hanaanoo dhan
afka hadalka ilays soo bixiyo idil wanaageeda
akhlaaqdooy hadaysiyo middii edebta dhawraysay
arkaantiyo shahaadana taqiin ama islaamkoo dhan
axaadiista khayrkiyo wanaag u ishtihaadaysay
ardaayada midaan lagu ogayn aagga dibadeeda
ixtiraam xijaabkana taqiin u ololaynaysay
ubadkooy kol haysiyo caruur aad u garanaysay
asal hadala murti soo iftiyo gabayo oodaysan
idilkeedba maansada middii u istiqaamaysay
axmar faras ah awrtiyo war geel aqal hagaagaysan
arbaciin halaad laga baxshee lagu aroosaayay
aduunyada dhamaanteed ilaa aasiyiyo Kenya
orobada shishaysiyo ilaa yurub albaabkeeda
afrikadan hurdaysiyo ilaa taniyo iiraanba
idilkood haweenkaba middii laga amaanaayay
ilwaad qurux midi loo baxshee lagu aflaaxaayay
amar tagay afkoo soo xirmiyo aafad lala yaabo
aakhiro sabaankaan dhiciyo ololkan qiiqaaya
nimanyahow amuuraa jiroo agga maraysaane

Hablihii eedaabtiyo lahaa dhaqanka loo aayo
hablahaan in badan soo taxee arar ku faaleeyay
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
inkastoo arkaantaba hayaan ama axaadiista
alaylehe il duuf baa jiroo la an fariirtaaye
idilkood haween kuba haddeer waa alow sahal e
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadiyo muuqa?

albaqriyo watiin iyo sidii aayad lagu sheegay
arkaantiyo shareecadu siday nagu amaanayso
aqalkay ku dhaamaan habluhu suuq la aamino e
iblayskay ku daadina hayaan aafad iyo ciile
insigii xumaaday waqood urug ku beeraane
hablihiii edaabtiyo lahaa dhaqanka loo aayo
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
nimanyahow amuuraa jiroo agga maraysaane
alayl dhexe salaadaha kolkuu uunku wada jiifo
aswaaqday wareegaan waqood daba ordaayaane
ixtiraam wanaag iyo wuxuu axadku noo sheegay
akhlaaqday ka bayreen haddeer malaha iimaane
adeer iyo ayeeyiyo wixii aabo lagu faano
idilkood walaaliyo nacaan hooyo aamina e
indhihiyo maxaa lays ku tiri egmadiyo muuqa?

alihii na uuntiyo siduu axadku noo sheegay
anshaxay ku dhaamaan habluhu edeb xumaataaye
asalkii xijaabkay waqood ku aflaxaayaane
aragtida wanaagay ninyahow ku asilaayaane
axkaamtii ilaah iyo sharciga aayadiyo diinta
ixtijaab samaantay waqood ku ilbaxaayaane
hablihii eedaabtiyo lahaa dhaqanka loo aayo
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
nimanyahow amuuraa jiroo agga maraysaane
ila aragta goonada kolkay ku istireexayso
oogada jirkeediyo dhamaan idil hanaankeeda
afka midaba eebada dhexdiyo ama ilxaadkeeda
anshaxay xumaysiyo waxay edebta sii dayso
arkaantii islaamkiyo sunaha wada ogsoonaanin
abwaanada gaboobiyo wixii odayahoo jooga
aayaha danbeetay ninyahow soo ilaysamiye
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadiyo muuqa?

internet siduu noogu yimid aalad talinaysa
inkastoo axsaan laga heloo malaha aayo
inkastoo arkaantiyo sharciga lagaba eegaayo
inkastoo ilayskoo bixiyo yahay iftiin khaasa
hadana waa iblays iyo ninyahow aalad baadiya e
aqalkuu ka saaraa hablaha ubadka laayaaye
iligyada xishoodkuu mar qura wada abaarshaaye
oogta hore kolkii ay kacdoo agabyo qaadayso
ama ay alayl dhexe hurdada uunku wada jiifo
internet siday uga kacdaa waa alow sahal e
aqalkay ka guurtaa mar qura wada amaahdaaye
ubadkay ku beertaa afxumo lagu asqoobaaye
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
amarkii ilaahbay mar qura wada ilxaadaane
abwaanada gaboobiyo wixii odayahoo jooga
aayaha danbeetay ninyahow soo ilaysamiye
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadidiyo muuqa?

aduunyada amuurbaa jirtoo la anfariirtaaye
oogtii timaadaba waxbaad aragti maagtaaye
waaggii iftiimaba ninyahow waa af kala qaadde
odayadii horeeetiyo sidii aayad lagu sheegay
ubaxbay ahaayeen habluhu aalad gooniya e
aroosyow kolkii aad tahoo inann danaynayso
axmar faras ah aqalkood dhigtiyo ayro lagu faano
dhaqan lagu aloosmaa jiroo ciddi iloobayne
iminkana amuurbaa timoo la ashqaraartaaye
axkaamtaba waxaan laga helayn aayadaha diinta
nimanyahow il duuf baa yimoo la anfariirtaaye
inann boobka odayada la siray ayda lala meeray
ayadoon adeer iyo walaal ciddi ogsoonaanin
ogol bay tiraahdaa kolkaas malaha eedaabe
oori dhaqan kolkii ay tahoo ubad ku faanayso
ama ay ayaamaha la furay la il xumaanayso
urugada xanuunkay kolkaas wada ishaartaaye
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
abwaanada gaboobiyo wixii odayahoo jooga
aayaha danbeetay ninyahow soo ilaysamiye
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadiyo muuqa?

waxba yaanan gabaygoo ordiyo sii oraah dirine
ujeedkayga maansada haddeer waan afjarayaaye
u istaaga asluubtoo fidiyo edebta oo baahda
u istaaga akhlaaqdoo hagtiyo idil wanaagoo dhan
u istaaga arkaantiyo xadiis meel kastaba oota
u istaaga ilayskoo bixiyo ama iftiimoo dhan
allaa wayn amuurbaa jirtee wada ogsoonaada

Geeraar roob doon ah(dhulka noogu qabooji)

Geeraarkii (dhulka noogu qabooji)

Aloow aadmi dhamaantii
Waxay quud ka dhigtaan iyo
Waxa dhuuni la qaato
Adiguu dhanka kaagiyo
Dhinacaaga ag yaaloo
Kaa dhamaanina hayne
Abaar baa na dhamaysoo
Dhimashay dadkii maanta
Ay ku dhawba yihiin
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Midka jooga dharkiinlay
Mid wuqooyi dhex taagan
Barigaaa mid dhawaaqi
Dhankastoonu ag naalno
Dhibaataa nagu haysoo
Waxaan dheel u samayniyo
Waa waxan ku dhaqaaqnoo
Dunuub weeye dhankeena ah
Eeboow noo danbi dhaafoo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Xoolahaan dhaqanayniyo
Dhawaaquu diri diinku
Dhurwaagaa cabanaaya
Daanyeer dhiigu yaraaday
Haraadnow dhimanaaya
Doofaar dhuubtay abaar
Gacmuhuu dhiganaayo
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji
Dhagaxuuntiyo ciidiyo
Dhirta roobka u baahan
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhabta duulka ku jiifiyo
Intii sii ah dhalaanoon
Dhabarkooda la saarin
Qalin dheer iyo buug
Qaladkay ku dhacaana
Dhabtii looba qoranaynin
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Saq dhexaadka habeenkii
Kolkii aad halkaan dhaw
Usoo dhaadhici hoos ood
Yaa dhawaaq i faraaya
Danbigiisa u dhaafi
Dhawrsadaayo ajiiba
Kolkii aad na dhahayso
Ilaahoow dhulka dooji
Kuwa kuugu dhawaaqi
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhawrsanoow nabigeena
Dhaxalkiisiyo diinta
Kuwa dhiigiyo maalka
U huraaya mar dhuuxa
Dheehda oo na baraaya
Dheeg kitaabka u saartay
Shuyuukhdeena dhamaantood
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Adoonkaaga dhibtaysanoo
Dhacay oo baqtinaaya
Ay abaartu dhamaysay
Sacab kuu dhiganaayo
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji

Gabay:sakaraatul mawdka

gabaygan soo socda waxaa curiyay bilaal axmed wali wuxuuna soo baxay
9_8_2017 waxaan uuna ka hadlayaa oo ku saabsanyahay xanuunka geerida
iyo sakaaradka waana gabay wacdi,waan iyo ducaba isugu jira
waana kan

akhris wacan:

1.Kalxamada kolkay ruuxdu tagi, waa kadeed ba'ane.
2.Kaar baad dareentaa xanuun, lagu karbaashaaye.
3.Dhidid baa kashiyo laabta iyo, qoyn kuleetiga e.
4.Kulayl iyo waxaad qabatintaa, kaankaroow xumade.
5.Maqalkiyo waxaad kari aqoon, hadalkii koobnaaye.
6.Kor kor bay indhuhu aadayaan, Waana kacayaane.
7.Kun u tufa yaasiinku waa, kaamil daawa ahe.
8.Ehelkiyo sidaasay Ku dhihi, kii ag joogaba e.
9.Wax kalooy sameeyaan ma jiro, kuuna tarayaane.
10.Markay ruuxdu kaa soo baxdood, geerinow kadiso.
11.Hablihiyo intii kaa ag dhow, waa kufahayaane.
12.Si kastood kaabiyo u tahay, wiil kabtiis calashey.
13.Ama aad kornayl iyo u tahay, kaafi madax wayne.
14.Ama aad kabiir iyo u tahay,shiikh LA karameeyo.
15.Waa kuu baroortaan in yara, kumana daystaane.
16.Kafan iyo waxay kugu xiraan, kaaki Mara wayne.
17.iilkay intay kuu qodaan, kugu kaxeeyaane.
18.Kayntiyo godkay kaaga tagi, waana kaligaaye
19.Hooyadii kusoo korisay way, kaaga tagaysaaye.
20.Kalgacaylka aabihii Ku baray,kaynta kugu dhaafye.
21.Kool koolida walaalkii badnaa, kaaga uu cararye.
22.Kaafiyeey walaashaana way, kaaga tagaysaaye.
23.Reer hebelna kii kula ahaa,koobna tari waaye.
24.Kitaabkaaga aad haysatiyo,nabiga kaa raacday.
25.Rabigaagu waa kuma markuu, malag Ku waydiiyo.
26.Kaafir iyo mid unbaad Islam, kowwa(1) noqotaaye.
27.Karkabada cadaab iyo janada,lagu kifaaxaayo.
28.Labadaas kanaal baad mid uun, kiisa soctaaye
30.Alahayow kariim baa tihiyo,kaamil xoog badane.
31.Adaa koonkan uumiyo khalqiga,
Jooga kuligiiye.
32.Kabiiroow qafaaroow Allow,naga koryeel naarta.
33.Oo kaah fardowsiyo janada, nagu karaamayso.

mahadsanidiiiiin.

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar