Maanso:murugo
curiye:bilaal axmed wali
1.Waa maalin madaw badan
2.Wa Maalin murug badan
3.Waa maalin nagu wayn
4.Waa masiibo qaran tani
5.Iyo lama maleeyaan
6.Lama maqal waxaan iri
7.Maxaa macalin shiikhiyo
8.Mid musaafiriyo wiil
9.Waayeel muqaawira
10.Arday maraysa jaamacad
11.Ama muunad ubaxoo
12.Mudo aan fogayn gabi
13.Qalinjabisay medicine
14.Suganaysay maamuus
15.Hambalyiyo mashxarad farax
16.Maareeye ganacsade
17.Hooyo Meel ciriiriya
18.Moos iyo ku gada liin
19.Mushaar siisa ubadkeed
20.Ninkeediina mawd helay
21.Dan yar iyo masaakiin
22.Maxas iyo caruur badan
23.Iyo lagama maarmaan
24.Madal qura LA Wada dhigay
LA xasuuqay maatida
25.Bal eeg mawdka yaal tiri
26.Madaxiyo lugaha guban
27.Laamiga maxaa maran
28.Miinada dadkaa heshay
29.Moolkana ku riday dheer
30.Magacaa ba'a moogooy
31.Muslimiinta goortaad
32.Malaayiin ka Dabar jari
33.Maad Kuwa maraykaan
34.Burma Kuwa margiga jaray
35.Iyo maxasta suuriya
36.Madfacaa ku Laba rido
37.Curyaan mooto saarani
38.Muxuu galabsadoo dhimay
39.Caruurtiisa lagu muday
40.Madal qura lawada dhigay
41.Magna aan LA siinayn
42.Maxaa hooyo muruxsani
43.Maariin dhalaalkii
44.Inta uu madaw galay
45.Maqaarkiina ka cararay
46.Hadal aan mid iyo laba
47.Mid mid aan ku beegayn
48.Laga duubay muuqaal
49.Iyadoo musiibada
50.Gaadhay Moog Waxay tiri
51.Gabadhaydii maariya
52.Madaxaa bir kaga dhacay
53.Mayd bayna taalaa
54.Maxaa maamo waynoo
55.Totobaatan Mira dheer
56.Ubadkeedii miinada
57.Iyo qarax Lagu miray
58.Iyadoon Ka murugoon
59.Muslimoow Kac soomaal
60.Meeye wiilasheenii
61.Masas miyaa boqnaha jaray
62.Miidhiyaha lasoo gashay
63.Maxaa will halyeeyoo
64.Magac kuleh bulshada dhami
66.Markii uu aroos galay
67.Mehersaday farxiyo luul
68.Isagoon macaansanin
69.Maalintuna dhamaan wali
70.Mawsar uu LA xiimoo
71.Madfac uu wadnaha jaray
72.Afar labo mataanood
73.Ma huraan walaala ah
74.Mirir Wada calool Galay
75.Maxay miino qaadoo
76.Mid kaliyi ka uu haray
78.Maddi yahay hadeertaan
79.Miyirkiisu maqanyahay
80.Muruq haatan noo kacay
81.Mirro haatan noo baxay
82.Ilays noo misbaaxiyo
83.Dhalinyaro macruufa ah
84.Maxaa maanta na tagay
85.Lagu miisay dhoobada
86.Dad is Jecel maxaa shalay
87.Kala lumay magaalada
88.Garabkoodu maranyahay
89.Midigtoodu go'antahay
90.Midabkood badalanyahay
91.La maansooday waayaha
92.Mashaqada bal eeg taal
93.Mashquulkiyo tacsida badan
94.Masuul buu ahaa wayn
95.Marwo fiican iil gashay
96.Maahir baa inaga go'ay
97.Maamuluu ku dumay guri
98.Master buu ka sitay buug
99.Madashaad istaagtaba
100.Murugada baroor taleh
101.Bal eeg muuqa soobiyo
102.Meheradihii qurxoonaa
103.Mahiigaan siduu helay
104.Xinjiriha magaalada
105.Iyo suuqa Wada mara
106.Meel walbaba hilbaha yaal
107.Dadkaygoow midnimo qaran
108.Magac baa na deeqee
109.Hayb haybtu Maxay tari
110.Mudug iyo hargaysaay
111.Marka iyo kismaayooy
112.Muunadii garoowaay
113.Masraxii cadaadaay
114.Muqdishiyo bosaasaay
115.Madashii tacliintiyo
116.Muuq dheertii boorama
117.Magaaliyo ilaa gobol
118.Shacabyahow I maqaleey
119.Idiinkoo is maasuqin
120.Idinkoo Mar iyo sadex
121.Mawlaa wax bixiyee
122.Ducadiyo Maraha hayn
123.Maalkiin hura kow
124.Marna dhiiga Shuba labo
125.Musiibadu na caamtaye
126.Kuway gaar u marisee
127.Ka idlaysay mirihii
128.Intaad maankow dajisaan
129.Makhluuqaba dhamaantiis
130.Inuu malaku mawd dili
131.Cidina uusan moogaan
132.Maskaxdooda ugu tara
133.Muqdishaay ha niyad jabin
134.Mashaqiyo dhibaatada
135.Mar un baad ka bixi dhawr
136.Samiroo ha murugoon
137.Waa nabad macaan badan
138.Waa horumar Meel sare
139.Xalay baa mir kugu da'ay
140.Mooryaan MA jiro tuug
141.Gardariyo munaafaqo
142.Waa muwaadin shacabkii
143.Boqolkii mid mooyaan
144.Madax daacadaa jidha
145.Daba dhilifki waa maya
146.Miig baa LA tagay wayn
147.Lughayiyo Ilaa mudug
148.Iyo meeshay Jilib taal
149.Shacabkii maqnaabaa
150.Meherado San kaa fudhay
151.Maalig idankii Siday tahay
152.Anaa kuu marqaatiya
153.In mataano kuu dhalan
154.Nabad miday dhahaan iyo
155.Nolol magacii miduu yahay
DHamaad.
No comments:
Post a Comment