Tuesday, February 19, 2019

Maansadii: qisadii nabi muuse iyo khadar

Maansadaan ka sakow qisada ay ka waramayso ee dhex martay nabi muuse iyo khadar waxa ay guubaabo iyo dhiirigalin u tahay aqoonta iyo waxa laga baran karo qisadaa rabigeen qura aanka kariimka noogu sheegay ee samirku kow ka yahay


Waxayna tiri:



Aliflayda maansada
Nin waliba amuuraha
Hadba yaal agtiisoo
Ku ishaarayaa gabay

Wuxuu uurku dooniyo
Wuxuu uurku diidiyo
Waxaa ooganee yaal
Hadba eegistoodiyo
Ama odoroskoodiyo
Wax ka gadaal ka iman kara
Ifafaaladeed baar

Alle wayne waa kali
Ma uu jiro abuuriyo
Mid lamida astaamaha

Ma uu  jiro itaalkiyo
Awoodiisa ruux lihi

Arladaan ku noolahay
Buuraha adkeeyiyo
Ilayskeeda qoraxdiyo
Dayaxaa iftiin ka leh
Cirka oogadaa sare
La asaasay tiir li
Adoomaha sariyo hoos
Insi iyo jiniyo malag
In qarsoon iyo in muuqata
Aduunyada dhamaanteed
Rabigii ahdaaftiyo
Asalkeeda dhigaybaa
Amaan iyo baryaba mudan

Ogaysiiska taariikh
Abtirsiiyadiin hore
Ka ab iyo wixii dhacay
Ka awow wixii jiray
Anbiyaal intuu diray
Inta uu umado iyo
Rogay qawm uluufa ah
Ka af taagay khayrkii
Kibiray oo is biday xoog
Boqortooyo ubuc wayn
Maal iyo aduunya leh
Ciidan iyo ataag ba leh
Awood sheegtay baaxada
Inta aano loo rogay
Inta aafo loo diray
Onkod iyo dabaylo leh
***

Siday sheegtay aayadi
Ayaan hore rasuul jiray
Baa waa iftiinkee
Aqoon raadis kicitimay

***
Isagiyo adoonkii
Safar dheer abaabule
Jiscin iyo aruusade
Alaabtay lahaayeen
Doon saarte agabkii
Afka saare meelay
U lahayn aqoon badan
Axdigii kaluunkii
Halkii uu anbado iyo
Ka ag doon halkuu lumo
Balankii iloowooboo
Ibliis baa hilmaamiyay
Mar danbay ogaadeen
Anba qaade raadkii
Dib u raace aagii
Abwaankiyo garaadkii
Arke caalimkii uu
Cilmi siiyay eebuhu
Inuu baro aqoontiyo
Codsay ereyaduu karo

***

Wuxuu yiri aftahankii
U adkaysan mayside
Awood maw helaysaa

***
Haah yiri ishaarada

***
Wuxuu yiri aftahankii
Afka xiro rasuuloow
Aamus hayna waydiin
Waxaad aragto oon falo
Ilaa aan jawaabaha
Kaaga soo akhri goor
Axadigeenu waa samir

***
Ololeeye safar kale
Doon iyo alwaax kore
Wax is kaleh masaakiin
U shaqeeya ubadkiyo
Ilmahooda oo qura
Waxa kaloo anfaaciya
Ma hystaan alaaba ah

Bilo iyo ayaan dheer
Waxay aqaladoodiyo
U seegaan islaamaha
Inyarooy ka helayaan

***
Muxuu falay aftahankii
Aalad weeye doontuye
Qorigiyo alwaaxday
Ku asaasanayd buu
Iyadoo aan la ogaan
Af yar uu dalooliyay

***
Amakaag rasuulkii
Wuxuu yiri aqoonyahan
Ma dadkii axsaankiyo
Noo galay abaalkaad
Aaskooda qodaysaa
Amarkaagu waa maxay

***
Wuxuu yiri aftahankii
Awal sow kumaan oran
U adkaysan mayside
Samir maw awoodaa

***

Wuxuu yiri adoon iyo
Aadanaan u ahay taas
Waan hilmaamay aayare
Hay qaban ilowshaha

***
Afar qaade socodkii
Soo gale albaabkeed
Aroor meel magaala ah
Il darnaanta gaajada
Oonkiyo haraadkay
Qabeen waa islaanimo
Dad uu uur samaadoo
Asqo tira ma ay helin
Iyagooy amuuruhu
Arinkoodu culus yahay
Waxa ay arkeen guri
Darbigii adkayn jiray
Udubkiisu liicoo
Usha ciidu suran tahay

***
Muxuu falay aftahankii
Orod meeshii soo aad
Afka qabay gidaarkii
Baga buu istaajiyay
Dhinacyada ka awd awd

***
Amakaag rasuulkii
Wuxuu ajuuriyo
Lacag li' ma oodeen
Mana toosiyeen udub

***

Wuxuu yiri aftahankii
Awal soo kumaan oran 
U adkaysan mayside
Samir maw awoodaa

***
Wuxuu yiri aqoonyahan
Haddii aan abbaar iyo
Ku waydiiyo eray kale
Arday kaa haraan noqon

***

Ololeeye safar kale
Waxay ayy cidla iyo
Hadba ooda jiraan
Waxa ay imaadeen
Arlo iyo magaal kale
Saad iyo ka iibsade
Oon waxay helaayeen
Iyagoonan wali bixi
Anfariirku waa tane
Waa arin cajiibee
Muxuu falay aftahankii
Ciyaal wada ordaayuu
Inan kamida gawracay
Amley surrey bilaawa ah
Araxdiyo curtaba jaray

***

Ashaqaraar hadana yaab
Mar kaleeto amakaag
Waa maxay af kala qaad
Waxaad goysay oofaha
Danbi iyo nafaan iin
Wuxuu yiri inyara galin

***

Wuxuu yiri aftahankii
Afeef kuuma harin kale
Indhahiyo dhagaha furo
Haddeer  baan abbaaraha
U adkaysan waydaye
Afka kaaga qaadiye

***

Ahbal boqor ku sheegoo
Axmaqnimada koob helay
Agoon iyo miskiin qorin
Argaxixiya maatida
Safarkana  isbaariyo
Askar iyo hor dhiga xoog
Hadba kii ilwaad wacan
Gaadiidka urursada
Waxaan jira amaan galin
Oday iyo caruuraha

Dadkii noo ixsaan falay
Eed kamaan galaynine
Afka waxow dalooliyay
Doontiyo alwaaxdood
Inuu eeginee naco
Ibtilada ka nabad gasho

***

Oday khayrka jeceloo
Ubad badan ka tagayoo
Aaba ah ayaa jiray
Oodafada gidaarkuu
Dahab aasay ciida ah
Waa dhaxal ilmaha iyo
Islaantiisu leedahay
Marka ay awood iyo
Yeeshaan itaalbay
Intifaacsan doonaan
Arinkaa daraadii
Si aan looga sii arag
Bowga awday tuugada
Ood dheerna uga dhigay

***

Alla xamulaahi qoys ladan
Aan dayn adkaartiyo
Istiqfaarta galin dhexe
Allaylkii baraaruga
Diintana adeecoo
Aaminoo run sheeg badan
Waxa jira akhlaaq wacan
Inankii aan gawracay
Iyagaa dhalee garo

Arbush weeye caasi
Ma ajiiboo hadalada
Intaa wuu akeekimi
Edeb iyo qadarin maleh
Shaydaan adeegsada
Si uu aqalka nuurkiyo
Uga damin ilayskoo
Iimaanka dooriyin
Baa adhaxda loo jaray

In la siiyo awlaad
Cawil ehelul khayruu
Balan qaaday eebuhu
Waa idam ilaahay

***
Arartaydu gabo gabo
Waxay tahay ahdaaftiyo
Qisadiyo ujeedadu
Akhri oo hadana baro
In aqoontu samir tahay
Samirkuna aqoon yahay


Dhamaad.
Curiye:bilaal axmed wali

Maanso cusub: dhanqalan(south afrika)


Maansadaan waxay soo baxday kadib dhac iyo boob loo gaystay ganacsato soomaaliyeed iyo biri magaydo aan wax lba dhimin oo ku nool dalka south afrika gaar ahaan deegaan suweeti  waxay tixdaan si  qoto dheer ula hadlaysaa dhalinyarada iyo maatida soomaaliyeed ee dhibku gaaray dhanka kale waxay xasuusinaysaa south afrika abaalkii aan u galnay labadaasi arimood oo is biirsaday ayay ka waramaysaa tixdaan

South iyo dhulkaas
Suweetiyo dhankaas
Dhaqaalaha ku ba ay
Waxaa dhiig ququlay
Dhalinyaro la dilay

Dhagaxuun wadada
Roob looga dhigay
Dhaawac loo jir dilay
Dhawaaq kow dirteen
Dharka boolis qabayx
Kii dhawri laa
U u dhiibay cadow
Dhalaan iyo nin wayn
Dhamaan loogu dagay
Iyagoon wax dhimin
Naf dhaafshay qaar
Dhacna loogu daray

Dhuuxooda iyo
Maalkay dhaqdeen
Xalaal laga dhigtoo
Loo boobay dhagar
Oon la dhaafinine
Dhaar loogu maray
Dhiilo aanan harin
Oo dhuumashiyo
Dhismo dedan ku jira
Wa dharaar muruga
Wa dhibaato qaran
Waa dhabar jab iyo
Dhaawac aad u wayn

Dhigaal baan ka qori
Dhambaal waa tacsida
Dhawaaq aan ka diray
Dhana waxan ka iri
Dhiig miiratada


Dhambaal waa tacsida
Waa dhaymo aan
Boogaha ku dhayi
Waanoo dhanqalan
Waa dharbaaxo kulul
Dhawaaqii ka yimid
Suweetiyo dhankaas
Dhaayaha arkaa
Dhaygagay indhaha
Dhagihii maqlaa
Dhakafaaray yaab
Waxa dhacay caguhu
Dhaqaaqay gabeen
Dhulku wada gariir

Maatida dhagxumo
Dhalanteed la biday
Dhintayee la dilay
Walaalaha dhabaha
Mindi dhuunta iyo
Laga saaray dhebi
U dhiidhiye qalbiga
Dhabanada ilmada
Dhaaftee xushaa
U ban dhigay dareen
Dhabtay uga xunyiin

Midna waa dhaliil
Aan ku dhaadayoo
U ah dhiiri galin
Maahmaah dhahdaa
Tiri dhalinyarooy
Dhul shisheeye waa
Dhax dareen ku joog

Idinkuna dhurwaa
Idin dhuuqayiyo
Wax idiinba dheer
Bahal aan dhargayn

Dalkii hooyo dhawr
Dhankeed kaga tagteen
Dhaqaalaha ku bixi
Meel lagaaga dhicic
Dhugmadiyo caqliga 
Ma wax dhaadhacaa


Mise dhidirkii galay
Dharaar xoolo wiil
Daba joogo dhinac
Dabadeed dhinbilo
La dhansiiyay daran
Baad dhalasho iyo
Tihiin dhaqan wadaag

Hadaad dhoof rabtaan
Dhulku kala nabdoon
Dhan kaleeto maad
U dhaqaaq tagtaan
Dhuux miiratada 
Maxaa idin dhex dhigay
Idin biday dhakool
Iyo dhaawac daran
Anagana dhawaaq
Iyo dhiiladiis

Afartaas dhidbaye
Dhana waxaan ka iri
Dhiig miiratada
Shacabkeena dhigay
Dhaxantiyo cidlada

Taariikhda dhawr
Dib u raac dhigaal
Dharaar hore markii
Dhalyo yurub ka yimi
Dhoobadaada dagay
Dheemantiisa badan
Ciidaada dhacay
Marna dhabarka iyo
Kaa raray dhugmada

Dhedigaaga iyo
Dhalankaaga dilay
Dhakhtarkaaga xiray
Halyeeygaaga dheer
Jeel u dhaadhacshoo
Dhawr boqol xukumay

Gumaystihii dhawaan
Kugu dhaansan jiray
Dhoomaha biyaha
Dhan ku liidi jiray
Aduunyadu dhamaan
Kugu dhawratoo
Dhulkaagii hantiyay
Ninka kaa dhacshee
Dhaqaaliyo rag nool
Dhoof kuugu diray
Hubka dhumucda wayn
Kuugu dhiibay hiil

Dharaartaad xornimo
Heshay dhagax ku daqar
Waa abaal ka dhace
Dhibtaad gaysateen
Ha ahaato dhaxal
Aad dheefsataan
Ha lahaado dherer
Idin bida dhantaal.


Dhamaad.
Curiye:bilaal axmed wali

Friday, February 8, 2019

Gabaygii:Ruugmaraar

"Waxaan dhegta ku hayay mobile aan markaas ka sugayay warka fiidnimo balse waxaa si kadisa usoo galey barnaamij aan u riyaaqay se aanan filaynin ,waa majaajilo ka sakow maaweelo iyo qosol ahayd mid dhacda iyo xaqiiqo ku qotantay, waa oday iyo wiil dhalinyara ah oo isku raada isku wadana ku saylaamaya, wuxuu gacanta kor ugu hayaa waa odaygee rikoor uu markaas dhagaysanayay wiilkuna dheegiisa ayuu taxaabaya si aan degdeg iyo degsiimo ku jirin wuxuuna marba mar dhegta u raaricinayaa si sharqan li'iyana u dhagaysanayaa barnaamij xiiso iyo xamaasad gooniya lahaa markaa  si riwaayadana loo soo tabinayay lagana matalayay is barbardhiga dhalinyarada iyo waayeelka midka dalka aan u roonaan oo la kala darane daano badan,

 markay uu ay ka baxday majaajiladii maldahaada iyo macnaha guntanayd ayaan isla judhiisa holaday inaa curiyo tixdaas aan ugu wanqalay (Ruugmaraar) oo ka sakow qisadaa ay ku farshaxamaysantahay ee wiilka iyo odayga dhex martay huwan duluc gubaabin iyo walaalayna

Waxayna tiri" :

Ruugmaraar socodiyo wiil yar baa waa rafiiqtamaye
Rug maqaayad lagu shaaho bay dhex iska raaceene
Radiyowgii wararkaa dalkiyo galay bad raad raace

Dalkii nabad lagu raysan jiray yaa u rogay ciida
Yaa dowladnimada reer iyo ka dhigay qoliyo raas 
Yaa kala danbayntii radiyay oo sharciga raafay
Rabshadiyo ninkee bow sababa qixiyo raad goynta
Yaa raqiis ka dhigay dhiig muslime rubada wiil  gooyay
Haween iyo kolay tahay ragaba yaanan kala reebin
Yaan maxasta reentiyo ciyaal biday rafaad xoog leh
Rajadii bulshada iyo ninkii jabiyay ruugooda
Yaa rahan u dhigay qaranka iyo rayskii gobolkeena
Suaalaha is daba raacayiyo doodu waa rarane
 Radiyowgu wuxuu tabinayay wada riyaaqeene

Barbaarkaa radiyay hadal yaroo buuqa raaridaye
Wuxuu yiri raggii hore dalkay naga radeebeene
Naga rare naqiyo roob di iyo meel ramaas badane
Raq walaal dushiisay fureen reerkii beelaha e
Rash dhacaya maantiyo baqaha roor galinaaya
Kow  nimankii riday bow sababa shalay rajiimkiiye
Iyagoo run iyo balan dhiganin bay soo rarsheen gulufe
Kama tagin rikoor qura hantidii wada rasaysnayde
Xafiisyada risaaladu dhextiil ruufiyaan mariye
Raasumaalkii yaalay gurteen ruux kastoo galaye

Ruugcadaagii baa yiri jawaab aad u raro wayne
Wuxuu ra yigu kaama xuma waa rujaal hadale
Dalku rabadinkuu yiil haddaan anigu raad gooyay
Oon qarankii raaxada lahaa galin rasaaseeyay
Adiguba rashkii waad wadaa kama roonaane
Riximkiyo midkii kuuu xigaad buur ka ridaysaaye
Ribo iyo mar laaluush xun baad rodol u siibtaaye
Rugtii aan ku aan ku lumay baad hadana wali dhex roortaaye

Aduunyada dayaxa loo rogmaye racaba meel joogo
Oo tiknoolajiyad raadariyo yaal ramuud hagaya
Qabyaalada rakiban waa waxaad nagaga reebteene
Raqay beer asaagiin intaa rubuc yar tuugtaane
Roolkiinii mee dhalin yaroow waa racfaan furane

Ragaadkii cidhbaha idin ka muday soo rid qorigiisa
Ra yi mida intaad qaadataan olole raadceeyA
Dib usoo rafaca xaal aduun laysma raaciyo e
Haddii kale rajada aad tihiin raali ku ahaada
Raashin dhacay intaad tuugsataan reer galbeed bariya
Riixdeeda xira qaranimaan gaar wax loo rarane
Rinji calan u mari qol qolaad raas hub wayn tahaye
La raqlee magaalada war xumo beeni raad ma lehe
U rabaayadaysnoow fikrado aadan wali ruugin
Ninkastana wuxuu rabo adiga haku raacdayto

Afartaa ra iyo wowga dood risaal ah dheh
Murti roggan gabay aan rakibay run iyo maah maah dheh
Hadduu ramagu cabo goor kalaa lagu rakaadshaaye
Sadex kalana talada aan ratibay oo rogaal celisa

Si kastooy u raagtoo waxbadan lagu rafaad qaado
Riyadii lagu sugo waa danbay dhab u rumawdaaye
Wixii raaxo loo helo dhakhsaday raaci fooraha e
Rukun aan xal loo helin ma jiro rayska duunyada
Shay kastaba rabiga qaadir ah daawo roon galiye
Riig ninkii ku dhaca xarig yaraa loogu raaricine
Markaasuu rafkiyo kaga baxaa raran gubyoodkiiye
Ri kastaba shilinkii ay gashaa raali loo qaline
Ruqadaan danteed garan cidlay ku rawaxaysaaye
Ruuxaan tacab khasaarine ma helo guusha raad ka lehe
Sanadiyo indheer bay rintaa lana rigaaxdaaye
Intaad roondo dirataan saqdhexe toosh la daba roora
Raxanreebka iyo geedihiyo roobka qabawgiisa
Samir kaga ruqaansada jidkiyo raranka hoos yaala
Rabbi tuuga ducadiyo saliga qaar iskaga reeba
Markaad rayska gaadhaan ilaah raacsha mahadiisa

 

Thursday, February 7, 2019

Maansadii: waxay ku bartaa aqoon

Maansadaan waxay ka hadlaysaa sidaad magaceeda ka dareemaysid faaiidada iyo qiimaha uu leeyahay ruuxa aqoonta leh waxay si humaag iyo hubsiima leh kuugu tifatiraysaa barashadeeda iyo baraaraha laga dhaxlo


Ka bogosho wacan:

Waxay ku bartaa aqoon
•Inuu koonkaan ilaah
•Isagu uu leeyahoo
•Abuuray waxa ku nool

•Waxay ku bartaa aqoon
•Inay jirto jirto aakhiriyo
•Xisaab iyo iil la gali

•Waxay ku bartaa aqoon
•Inay jidho aayad tiri 
•Tacliinta ninkii aflaxay
•Ma sina alif kaan kasayn

•Waxay ku bartaa aqoon
•Inay umaduhu dhamaan
•Kasoo farcameen ab hore
•Yihiin ilma aadan qura

•Waxay ku bartaa aqoon
•Akhlaaqda wanaagsanoo
•U tahay udubkeedii dhexe
•Asluubtuna wow bilado

•Waxay ku bartaa aqoon
•Inuu aadmigu dhamaan
•Af iyo addin kay ku tahay 
•Amaan uu kaa helaa

•Waxay ku bartaa aqoon
•Indheer garad baa gartee
•Abaalka inaad gudaa

•Waxay ku bartaa aqoon
•Ha aarsane oogu badal
•Midkii aafada ku biday
•Wanaag iyo uur samaan

•Waxay ku bartaa aqoon
•Inaad ixtiraamka iyo
•Taqaan olaha qadarin

•Waxay ku bartaa aqoon
•Ilaahay baa na faray
•Ixsaanka inaad taqaan

•Waxay ku bartaa aqoon
•Xijaab ku dad oogadoo
•Waxaa tahay gabar asturan

•Waxay ku bartaa aqoon
•Ka fakar aayaha danboo
•Lahaw aragtida u dheer

•Waxay ku bartee aqoon
•Ayaantii soo gashaba
•Maaree wixii soo if baxa
•Wixii ku adag ka gudub

•Waxay ku bartaa aqoon
•Aflaaxiyo guul daraba
•Inuu imtixaanku yahay

•Waxay ku bartaa aqoon
•Ogow waayeelka iyo
•Agoonta iyo hooyadood

•Waxay ku bartaa aqoon
•Haday ku asiibto balo
`Amuu amar kalaba dhaco
•Aduun weeye u samir

•Waxay ku bartaa aqoon
•Hadaad tahay aabe dhalay
•La soco ubadkaaga hooy

•Waxay ku bartaa aqoon
•Aftahanimo loo dhalaye
•Wixii erey iyo xikmada

•Waxay ku bartaa aqoon
•Amaan iyo maamul sami
•Ka dheer abtirsiimanimo

•Waxay ku bartaa aqoon
•Indhuhu inay kuu furmaan
•Ogaatid waxaad ogayn

•Waxay ku bartaa aqoon
•Adoo koray aalad sare
•Inaad aadaa dayaxa
•Ayaamana aad jirtaa


•Waxay ku bartaa aqoon
Amaanada la dhunshee
•Ha burin axdigaad gashaa

Waxay ku bartaa aqoon
Inuu ehelkaagu yahay
Islaam kaad wada tihiin


•Midkii leh aqoon qabiil 
•Ab iyo reer u dood 
•Ujeedkiisaa ka wayn

•Ma karo aflagaadiyo
•Wixii af xuma ah marnaba
•Ka dheer hadalkiisu iin

•Haday tahay aaran iyo
•Abaar tii soo gashaba
•Wuxuu akhriyaa xamdiga
•Wuxuu mahdiyaa ilaah
•Adkaartuna wow buruuj
•Awood iyo baawar sare


Daruurtaa ayaan la yiri
Maxaad horta u onkodaa
Waxay tiri aadanuhu
Inay aqalada galaan
Astaantaydana gartaan
Baaqayguna waa ogaal
Aqoontuna waa sidaa
Aduunyadu waa tacliin
Amiir madax wayne iyo
Ifkana boqor bay u tahay
Nabad oday bay u tahay
Ugaas iyo guurti dhaqan
Wixii kala gaara eed
Adoomaha bay naqdaa
Ma eexato waa qareen
Abwaan nolashay u tahay
Wixii anbaday heshaa
Waxay leedahay abuur
Abuur farsamoo wax tara


ayaan baan dayaxa iri
Dhexdaada dhir baan arkaa
Ka baxay oogada kor ka ah
Wuxuu yiri waa aqoon
Ul dheer iyo maaha geed
Dadaalase waa ogaan
tacliintuna waa indhaha
Arkaaya wixii qarsoon
Iftiin bay kaaga shidi
Ilays jahliga kaaga dila
Waxay kuu tahay askari
Naftaada ilaaliyoo
Marnaba kaa rabin adeeg
Hubkiisuna waa ataag
Ataag qalin uu xukumo
Amley iyo maaha qori
Waxayba fudhaa irdaha
Albaabada guushu taal
Abaarta col bay la tahay
Nimcada ehel bay la tahay
Gaajada oon bay u tahay
Haraadka il bay u tahay
Cilmiga isir bay la tahay
Jahliga ood bay u tahay
Islaamka xigtay la tahay
Garaadkana wow arsaaq
Ka timid eebaha xagii
Ilaahoow mahad naqaa


Waxaan iri ubax ayaan 
Maxay shimbiriuhu afdheer
Afdheer kuuga mudaan
Amay kuugu soo ururi
Markay tahay aarankoo
Arligu roobku uu da o
Wuxuu yiri waa udgoon
Udgoonkay urshaan
Quruxduna waa astaan
Waxaan iri oomanaha
Maxay kaaga sii ordaan
Wuxuu yiri waa asaqada
Qalaylkiyo omoska jira
Aqoontuna waa sidaa
Hadaad leedahay amaan
Waxaa mudataa amaan
Indheer garad baana tahay
Islaan iyo daa nin wayn
Ilmaa yar yar baa ku dhihi
Ustaadoow kuugu wici
Aduunkana waa qadarin
Waxaad ka anfaacsataa
Hadii kale waa aftaag
Ishad ka heshad bulshada
Dhexdoodana waa ardaal
Aqoon laawaad ka tahay

Marbaa aarkuba shabeel
Itaal yar ka cayrsadaa
Lax iyo ari uu dishoo
Tahay xeeladu awood
Marbaad ku xidhaa arbaha
Maroodiga uurka wayn
Alwaax iyo geed la jaray
Aqoontuna waa furaha
Ilbaxnimo wow hogaan
Udgoonoow nabi maxamed
Intaad loo dirin arlada
Iqraa lagu yiri quraan
Daliilkuna waa iyada 
Nolosha udubay u tahay
Istaajiya oo hayee
inqaas iyo qalin u gado

Adoo heli kara aqoon
Ha cunun axankii jahliga
Caqliga isticmaar ka dhawr
Isbaarada diid faqriga
Naftana ka ilaali mool
Ha galin iilkii mugdiga
Gumaysiga diid irmaan
Aqoontuna maaha qura
Iskuul iyo jaamacade
Ka baro waayaha ogaal
Isteeylkuna waa cilmiga




















Suugaanta Hal-abuur Bilaal Axmed Wali


Asc dhamaan asxaabta bogga hal-abuur bilaal axmed wali meel kast aad joogtaan kala soco pagekan suugaantaydii  hore iyo mida cusub kana daalaco sheekooyin, iyo maansooyin kala gadisan sida:

1.Suugaan ku saabsan aafada tahriibka iyo waxa la dhaxlo

Tusaale:

............
...........
26.Kumanyaal da'yara baa ku baxay duurkii loo
kacaye
27.Gaajiyo haraad daashadaa dilay socdaalkiiye
28.barna doox waraabihii mudada jiifay daarada e
29.Dad intee ku go'ay lama yaqaan doonyahaa
dhacaye
30.Iyagoo dabaal garanayay dan u qarqoomeene
31.Qaar baa libaax dalaq u yiri daamankii galaye
32.Dibadaha kuwii gaaray baan helin daryeelkiiye
33.Darbiyada intay jiifsadeen lagu dabayleeye
34.Dhaxan iyo qabaw baa ku dilay duumana u
dheere
35.Qaar baa xeryaha lagu debraa dayacu
haystaaye
36.Dibay uga shalaayaan wixii keenayoo diraye
37.Wax tahriibku daaniyo rafaad uu dadka u
gaystay
38.Xaraf kuma dulmari karo haddaan sii dareeriyo e
39.Wax dardaarankii aan ku xiray ama kusoo
duubay
40.Dalkiinaa intaad aamintaan joogo dagalkiina
41.Oo ducaysta iimaanku waa daawo qaaliya e

>Gabaygii:dal shisheeye
____________________________________________
.............
............
............
62.Quruxdaadu waa xarig
63.Hoygaagu waa qiic
64.Maradaadu waa qayd
65.Qoraxdaadu waa toosh
66.Qawlkaagu waa ba'ay
67.Qaabkaagu waa silic
68.Qufacaagu waa wehel
69.Qandhadaadu waa ciil
70.Qorshahaagu waa lumay
71.Qalbigaagu waa jabay
72.Qosol kaama soo go o
73.Lagaa qari aduunkii

74.Qoomamee ninkaanoow
75.U qushuuc bal waayaha
76.Qoorta hoos u raarici
77.Qoraalkaaga laalaab
78.Hadalkaaga qaabee
79.Waxaad qaran ku waydaan
80.Qabiilkaagu kuu tarin
81.Qadarkana u samir kow
82.Haddaad maanta qalan tahay
83.Adigaa qarshada gaday
84.Qanjirada lagaa suray
85.Waase moogtahee qiro

86.Qaxu waa musiibee
87.Qol haddaan ku xiran tahay
88.Oodan qaadi karin addin
89.Waxba qoomamaan jirin
90.Haw qiiro badinine
91.Quraan saar naftaadoo
92.Akhri kuma qadayside
93.Adaa qoys ka doorbiday
94.Quwadii ku furan layd
95.Isku riday qamuunyada
96.Aad qaniintay bushimaha
97.Iska dhigay qofaan jirin

98.Qabqablaha u yeedh yeedh
99.Waxba kuuma qaban karo
100.Qolo qolo warkeed daa
101.Qareen kuuma noqon karo
102.Guushu maanta waa qaran
103.Adigaase quus gashay
104.Ma aad lihid qanaacaad
105.Abaalkaagu waa qaar
106.Qabarkaagu waa been
107.Qoontaadu waa haah
108.Waa qaniimo saad tahay
109.Adigaa is dhigay qashin
110.Qayrkaana kugu dhaaf
111.Halkaagaa quxuubnow
112.Inta qaranku soo noqon
113.Danbigaad gashana qiro
..........
..........
...........

>maansadii: qaylo dhaan

-------------------------------------------------------------
............
............
..............
269.Waa dunida maraykaan
270.yurub maamulaysoo
271.Mid yar iyo kabiirkii
272.Maanka Laga gumaystoo
273.Muslimiintu tahay liid
274.Soomaali muunadii
275.Sharafteedu marantahay

276.Dhalinyarada mudug iyo
278.Marka iyo hargaysee
279.Bada mawjadaha wayn
280.Ee mici abeesluhu
281.Minankiisa ay tahay
282.Isku mahalakaynee
283.NAfta miino galinoow
284.Waa mushkilad tahriibkuye
285.Intaad maalig baridaan
286.Ood maciinsataan alle
287.Dhulkiinaa shaqiyo mood
288.Miisaanka culus wata
289.Cidi kugu ay maagayn
290.Sharcigaaga meeyiyo
291.Lagu dhahayn mudane keen
292.Dalka midkaad kusoo gashay
293.Macdantiyo nimcada taal
294.Dhulkiinaa ilaah maal
295.iyo dhigay mashiinada
296.Muruqsada waxaa yaal

297.Iyaguba shalay madow
298.Mugdi ay gudaayeen
299.Cayr iyo maryooleey
300.Madi bay ahaayeen
301.Inagaaba miim iyo
302.Qawlka mawle dhiganoo
303.Cilmi mudane haynaye
304.Muluq bay ahaayeen
305.Jaahilnimo u tahay magac

306.Ninka yurub u moodoow
307.Inay tahay martabad sare
308.Waligeed ahayd madal
309.Mataanaha nimcadu tiil
310.Maankaagu been sheeg
311.Malahaagu waa qalad
312.Milicbay ku furayeen
313.Maxastiyo caruuraha
314.Daacuuno mariyiyo
315.Malaxbaaba layn jidhay
316.Iyo malaariyoo qura
317.Ma lahayn madaariis
318.Dugsi maado Lagu dhigo
319.Iyagaaba magac iyo
320.Qabiil isku maglayn jiray
321.Waayadaa makhluuqii
322.Joogay maabka dunidaan
323.Moogey ahaayeen
324.Iyo mooyahoo kale
............
.............
.............
maansadii: mahuraan
_______________________________________________

2.suugaan ka hadlaysa qabyaalada iyo qolo qolaynta

Tusaale:
................
................
19.qarankeena kolkaan
duminayee qoriga aan doonay
20.qolo qolo kolki loo saftee
qaxarku waynaaday
21.qab qabluhu kolku wada
baxee qowm waliba doortay
22.qaladkii dhacaayaba kolkaan
qarash ku taageernay
23.aduunyada kolkaan
qayshanee yurubta qaar gaaray
24.quluubteenu kolkay wada
didee kala qaloonaynay
25.anagoo qaraabiyo walaal ehel
ku qaabaysan
26.nin waliba kolku qaybsadee
dagalku qiiqaayay
27.qorshaheenu kolkuu baa'ba
een qasad la'aan liicnay
28.wixi qiray wixi soo qoriyo
qalad wixi baahshay
29.wixi qubay wixi qiil heliyo
qori wixi keenay
30.soomaalida qurbaha joogta
ee qaaradaha yaacsan
31.dalalkooda wixi qixiyayee
qaxarka beeraayay
32.alaylehe qilaaf weeya iyo qolo
qolayn jaane
33.qabyaalada ninki doonayoow
qurun xun weeyaane

34.qasriyada aduunyada jiree
duul waliba qaatay
35.qoraxday kol aaddaan raggaa
qalabyadaw suubshay
36.dowladnimo raggaa quutayee
qaran ku faanaaya
37.qori suugle qaraxloow luglayr
qiiqle iyo aake
38.qamadiga raggaa shiita ee
badarka no qaybsha
39.qalin bay ku gaareen halkaa
buug lasoo qoray e
40.ayagoon qolaynayn dadkay
wada qancaayaane
41.qabyaalada ninki doonayoow
qurun xun weeyaane
...............
...............
................
Gabaygii: qabyaalada ninkii doonayoow

________________________________________
.......................
.......................
........................
Maxaan doqon mooga siray
Maxaa diray uurku naax
Damiirku xabaal ka galay
Wuxuu dijuun yaqaan
Maxaan nacay dawladnimo
Maxaan isku duubnidii
Ka dhigay daw aan shaqayn
Waxaan dumiyoon hirgalin
Tacliinta maxaan ka digay
Maxaan dugsiyaal fasaxay
Intaad kala daalay fuukh
Maxaan qabadsiiyay digo
Dab iyo lagu shiday rasaas
Hoteeliyo dabaqyo dheer

Maxaan laylkii dib jiray
Intaad  dhigay dood qaraar
Maxaan qaranimada duray
Maxaan kacay daakirada
Si aanu dareen u dhalan
Si aanu dantay u bi'in
Si aan daganaan u dhicin
Si aan daqaradu u ladan
Si aan loo helin dawada
Si aan loo daadihayn
Duqdii nabadeen harqiyay
Dir soocu si aanu bixin
Maxaan dalandool u maray

Bal daawo saxarahaa
Wixii dumar lagu kufsaday
Wixii da yar lagu jir dilay
Wixii dhalinyardu la dabay
Dugaagu wuxuu ku cunay
Kuwaa loo diir naxayn
Waxaa dalanbaabiyeen
Wixii danyar iyo maskiin
Maciishada diiq ku hela
La yiri diinaarka keen
Hadii kale waa daldalin
Midkaan dabarnee dhasheen
Bal daawo baroor dhici
Maxaa dariskaaga helay
Maxaa tiraanyo daran
Ku daabacay oogadaa
Anaa danbigaa iska leh
Anaa iri dooni raac
Anaa iri sii dabaal
Anaa iri dibada qabo
Anaa biday daanadaa
Anaa taladaa dacwiyay
Daluun iyo iil u qoday
Dantayduna maaha nolol
Waxaan u dabaal dagaa
Markuu dhaco umulo doox
Markuu dhaco kala dilaan
Markay dirir taagan tahay
Dagaal iyo dhiiladiis
Waxaan u tumaa durbaan
Colaadaha daba dheer
Dadkaan kala cayriyaa
Xigaalkaan kala dilaa
Waxaan u sitaa dirays
Inaa gubo daacadnimo

Sidii dunbuqaa dhacaa
Sidii daadkaan socdaa
Sidii duurjoogta baan
Ku leeyahay labada daan
Ilkaha dhiig aan darsaday
Marbaan duulaa hawada
Daruuraha saaranahay
Dinaaheeyaa samada
Waxaan nahay diir wadaag
Baalyada laga dikriyo
Dadkana cudur baan ku ahay
Dabiib aan looga helin
Waxaan u sitaa mar daab
Barwaaqada dooga baxa
Dantayduna waa abaar
Inay duunyadu ba aan

Ma go o dabinkaan dhigaa
Ma damo ololkaan shidaa
Ma gabo danabkaa ridaa
Halkay tahay diiradiis
Ma baxo daacuunkayagu
Ma doonayo maamul sami
Ma qaabilo kala danbayn
Waxaan ahay kala diraha
Ku jira duul aan fahmayn
Sirtiisuna daaran tahay
Inuu darbi kala dhex dhigo
.................
.................

maansadii: qabyaalad dooday
______________________________________________
....................
....................
Aduunyada dayaxa loo rogmaye racaba meel joogo
Oo tiknoolajiyad raadariyo yaal ramuud hagaya
Qabyaalada rakiban waa waxaad nagaga reebteene
Raqay beer asaagiin intaa rubuc yar tuugtaane
Roolkiinii mee dhalin yaroow waa racfaan furane

Ragaadkii cidhbaha idin ka muday soo rid qorigiisa
Ra'yi mida intaad qaadataan olole raadceeyA
Dib usoo rafaca xaal aduun laysma raaciyo e
Haddii kale rajada aad tihiin raali ku ahaada
Raashin dhacay intaad tuugsataan reer galbeed bariya
Riixdeeda xira qaranimaan gaar wax loo rarane
Rinji calan u mari qol qolaad raas hub wayn tahaye
La raqlee magaalada war xumo beeni raad ma lehe
U rabaayadaysnoow fikrado aadan wali ruugin
Ninkastana wuxuu rabo adiga haku raacdayto
....................
....................
Gabaygii: Ruugmaraar
__________________________________________
...................
...................
isku duubni baa lagu helaa nabad la dayraaye
Waa waxaa danteeniyo midnimo lagu
daryeelaaye
Waa waxaan dagaal iyo colaad dabina qoolayne
Dowladaha shisheeyaha dhamaan dagalka
meeshooda 
Waa waxaas dirkaas meera iyo
dayaxa gaarsiiyey
Isku duuma soomaaliyeey duq iyo waayeelba
U dag daga culuumtiyo dhamaan khayr la daba joogo

Gabaygii: isku duubni
_________________________________________
............
.............
ma gil gilo galaafkiyo warmaha jeer lasoo gana e
guluf iyo colaadana ma diro galase yeelkiise
garta nabada guul iyo waxdheef laysla gacan qaado
garashiyo wanaag baan waqay gaar is leeyahaye
gudcurkiyo madawgaan lahaa geesta uga bayre
gacalada heshiiyaan lahaa goor alliyo wiige
gubashada ka dhowr baan lahaa waano garansiiye
gafka iyo xumaantaan lahaa gudub u tuuryey e
gabanada caruurtaan lahaa guudka ku xanbaar e
guxush iyo ayeeyiyo wixii gaari iyo wiil ah
gobonimada qaataan lahaa diida gaalada e
gayigiina dhawrtaan lahaa waa gudboonyahaye
dhaqamada ka guuraan lahaa xoog kusoo galay e
gunimada ka soocdaan lahaa gaara meel sara e
gaajiyo haraad baan lahaa gooya wa cudure
galaydiyo haruurkaan lahaa gabi ha beerteene

garoowiyo hargaysaan lahaa godob ha daayeene
gaalkacyiyo cadaadaan lahaa guluf ha baajeene
gobolada shabeelaan lahaa nabad ha gaareene
gaarisiyo togdheer baan lahaa gacal ha qaateene
goobaha jabuutaan lahaa garab ha raaceene
galbeedkiyo wuqooyaan lahaa goob isugu keene
gurigii sanaag baan lahaa gole ha oodeene
caasimada ka gaar baan lahaa way gudboontahaye
goday iyo baraawaan lahaa geed isugu heede
gogoshii kismaayaan lahaa gadaf ha daayeene
............................
............................
............................
Gabaygii: guul wade

____________________________________________

Intaad yurub tagtaan cayr gacmaha kama yaboohdeene
Kamana aad sugteen yowmul quud gaal yuhuudiya e
Aduunyadu kuma ay yasteen waa yalaalugo e
Yur dhahaay qabyaaladu waxay ku tartaa yara e

Nabi yuusuf waxaa ceel dhexdii yoolka loo galiyay
Ooy uga yimaadeen kuwuu diirku ugu yaalay
Xiqdi iyo qabyaalad yaroo laabta yuruura e
Yidiidiilo lagu gaaro iyo maleh yagleelkiiye
Waa yaxaas cagaha kaa cunoo kuu yaxoobsada e
Dudumo yulug intaad noqon lahayn wadajirkii yeela
Waxba haw yalxoonina dadkay yu asho beertaaye
Waxba haw yabqina reer hebele yaambadaha qaata
Yur dhahaay qabyaaladi waxay kuu tartaa yara e
......................
.......................
Gabaygii: yur dhahaay qabyaaladi
_____________________________________________

3. Suugaan ku saabsan siyaasiga iyo siyaasada


Tusaale:

1.Qaranimada waxa diidanee gaal u daba dhoona
2.Oo aan dawladnimiyo rabin wadar jir loo doodo
3.Isku duubnina ka hor jeestay ee doolar Ku qaraabta
4.Dad is jecelna kala ootay iyo diir kuwo wadaaga
5.oo daba laabka isugu dhiibay iyo dab iyo aakayga
6.Waa dastuurka Kuwa qaadaciyo dawlad goboleede
7.Waa niman duliya oo amxaar daba ka riixaaye
8.Waa niman durbaanka u wada ducuf maraykaane
9.Imaraatku kuwuu soo diriyo waa dabayl carabe
10.Waa duufaan sucuudigu wadoo lala dayoobaaye
11.Dawarsiga waxay ugu jiraan waa daciifnimo e
12.Dakadaha waxay uga gateen diricya wayn maal leh
13.Ooy daynta ugu iibsadeen waa damiir xumo e
14.Waa daab AF leh iyo baag Ku dili oo xanuun darane
15.Waa niman dantoodiyo yaqaan tooda daakhiliye
16.Oo aanan dayin midii guud deeq allaa badane
17.Waa niman damiin ka ah qalbiga darajadiisiiye
18.Waa niman dalkiyo ciida iyo diinta caasiyaye
19.Oo shacabka dawladnimada raba dookh qabiil gashaye
...................
...................
Gabaygii: dowlad goboleed
_____________________________________________

15.lix iyo toban jir qaan gaara iyo oday lixdiin dhaafay
16.oo siyaasad ku lagdamahayoo loolmayaa yimide
17.shisheeyaha ninkii lacag ka hela laamigana iibshay
18.laaluush nin qaatiyo wadani luula baa simane
19.qaranimada ninkii lumin hayee laad ku kicinaaya
20.iyo kii lingixinaayay bay doqon lamaanayne
21.leegada ninkii kamid ahaa luuliyana keenay
22.oo libinta noo curiyayee qaranka liishaamay
23.iyo labac haddeer gadanayaa saaran laash qura e
24.oo lag iyo dhiig wada ah iyo ul iyo laantiiye
25.maandeeq ninkii lugaha jaray laafyahana gooyay
26.iyo kii u loogaa haddeer laylo qura saaran
27.ninkii calanka wayn soo lagdaye lumiyay muuqiisa
28.iyo kii intuu baantay ligay laaskana ka qaaday
29.oo gabay u luuqaynayay labo simaayaane
30.lugooyada ninkii qaranka biday laadar iyo tuug xun
31.iyo kii lilaahiya haddeer waa lagdamayaane
32.inshalaahu luquntaa la jari maata laaya ha e
33.mar dhow baa lixaad xoog leh iyo laacib noo kiciye
34.lughayiyo ilaa mudug mar dhow laanbad baa qabane
35.liidnimo ninkii doonayaa waa libdhahayaaye
36.loox iyo waxbarashaa badali liifadii qoriye
37.xeebta liido baa nabad mar dhow lagu ladaayaaye
38.qaraxiyo lugooyadu mar dhow bay laashinoow harine
39.liiq liiqu waa baxahayaa leexashada taale
40.lugaheeda bay mar labaad ladan ku laafyoone
41.waa labiyo dhawr jeer intay guushu low dhigane
42.lubiga hays jabin awgayoow ciirta waa lulan
...................
...................
Gabaygii : ciirtu way lulan
_______________________________________

Libaaxoow siyaasadu ka wayn say haddeer tahaye
Soomaalida mideedana malaha sal iyo meel roone
Iyagaa ka dilay sawriciyo say ahaan jiraye
Suufi baa u kacay aan aqoon sadaradeediiye
Saleenkeedii ma hayaan haday socon lahaayeene
Wixi aan sinjiyo qolo ahayn uma sacbeeyaane
Sirteediina garan waaye iyo seeskii loo dhigaye
Habeen iyo dharaar suuqyaday sahal u taalaaye
Wuxuu sawaxankeedii qabsaday tan iyo suudaane
Hadba taajku kuu saaran yahay loo silsildeeye
Sax iyo qalad kii uu falaba muranku saameeye
Madaxduna ma suubana waxay sed u maleeyeene
Iyagaysi suran oo khilaaf sare dhex yaalaaye
Sunta cadawgu ugu daray biyaha saaqday maalmaha e
Seeftuu gumaysigu la rabay saaka way heshaye
Saxiix kama ahayn booqashaday nagu saleemeene
.....................
.....................
gabaygii: libaaxoow siyaasiyadu maaha
___________________________________________
..........................
...........................
Dafo haada kuma jidho
Dalqo waa ka wayn tahay
Xaga duulistana dheer
Daruurahay la mirataa
Bahalada midkay disho
Duudkana ka qarawayn
Dabinada ka dhagar badan
Dakharada ka nabar culus
Siyaasiguna waa danab
Kala daran sidoodaas
Dabka aarjaan iyo
Shidayaan damu jadiid
Ama dowladuba wado
Sii kala daryaan ba an
Waxse doodu joogtaa
Iyadoona lays durin
Ama lays diimoon
Danbi laysku caayine
Danta lagu hashiisyahay
Keebaa dalka u roon
Musuqmaasuq dabarjari
Sicir barar daashadey
Danyartiyo agoomaha
Ka dabaali maatida
Dawacada shisheeyuhu
Noo soo diraayiyo
Dabadhilifka jeel dhigi?
...............................
...............................

Maansadii:daadxoor
______________________________________________
..........................
.........................
Maahmaahdu garasho leh
Waxaan uga gol leeyahay
Kororsada garaadnimo
Ka shaqeeya yuu gurin
Talada u gogol dhiga
Xaadh xaadh gun iyo baar
Hubi labada goorood
Caqligaa gargaarsada
Galin hawgu fududaan
Galti yaad ku noqonine

Haka dhiga halyeey goba
Gunta aan xishoonayn
Haku raacin gobol gobol
Hana noqon garoobtii
Ninba maalin guursaday
U garaac durbaanada
Fikirkaaga gobanimo
Geesigii wax kula qaba
.........................
........................
.........................
Maansadii: gaf miyaad ku leedahay.
______________________________________________

Hashii booli lagu soo didsaday duhurka jilaalka
War inay xalaal dihato cidi daryeelayne
Laaluush nin lagu doortay oo doolar laga qaatay
Oo lacag intii laga daldalay lagana sii diirtay
Waluu dawladnimo noo dhisayn lagu dakeeyaaye
Wixii dayn ka baxay buu kursiga soo dalacayaaye
Gadaal iyo dibuu lacagihii boorso daabulane
Dal iyo wuxuu iibsan karo waw daganti yaal yaale
Maxaa laysku daalinahayaa daacad baan imane
............................
............................
gabay: laaluush nin lagu doortay
____________________________________________
...............
...............
Doorashada nimaan gayin muxuu doonay madaxwayne
Koox uu diyaarsaday muxuu durbaan qaata
Dariiqyada muxuu heeso shiday gaari laga daarey
Suuqyada dadwayanaha muxuu sawiro soo daadshey
Laamiyada muxuu boor dul suray daacad lagu sheegtay
Tanaa daran tanaa daran tanaa qaban daryeelkeeda
Tanaa dayacan haddii aan kursiga helise daaweeyay
Balan qaad daruuraha ka badan yaa daldalay ciida
Muxuu mushrax dibadaha ka yimid yiri hadalo sii daayay
Xaflad aad dadab wayn muxuu dumar kasoo buuxshay
Sawirkiisa duul qaba maxaa laysku soo duubay
Dirays iyo istaaf badan mar suud maxaa wax doonaayay
Deegaanada maxaa lagu kala hormaray durugsanee sii fog
Waligiisba degmo uusan tagin damac yuu geysay
....................................
...................................

Gabaygii: doorashada nimaan gayin
_____________________________________________
..................
.......................
139.Soomaali waa mood
140.Hadba kii majaaciyo
141.Ay duruufi mawtisay
142.Intuu magac qabiil iyo
143.Iskumacoy ayaan nahay
144.Maxastiyo uu ku duufsado
145.Kumaanaan marqaaniya
146.Waa munaafiq daaline
147.Uu ku helo malaayiin
148.Waa mashruuc u furan carab
149.Siduu maansanyahan yiri
150.Kuwa madaxda noo ahi
151.Midabkuu waataa uun
152.Waa maraykan dhalashadi
153.Ama waa maqaar saar
154.Shisheeyaha u mutabaca
155.Inta uu masuul yahay
156.Qabqablaha majnuunka ah
157.Inta ay maxkamadaha
158.Kuwa maal dad soo dhacay
159.Muslin dhiigagiis qaba
160.Maafiyadu xukumayaan
161.Inta oday macawis wayn
162.Maamuski dilay isin
163.Colaadaha mirkacayaan
164.Musanowga ay kicin
165.Inta magacu hayb yahay
166.Qabiilkuna martabad yahay
167.Dooduna anaa muruq
168.Iyo maabka Kaa wayn
169.Ay tahay mukhaalafo
170.Xaalkeenu waa murug
..............................
..............................

maansadiii: mahuraan
____________________________________________

4.suugaan ku saabsan aqoonta iyo waxbarashada

tusaale:


.............................
..............................
ayaan baan dayaxa iri
Dhexdaada dhir baan arkaa
Ka baxay oogada kor ka ah
Wuxuu yiri waa aqoon
Ul dheer iyo maaha geed
Dadaalase waa ogaan
tacliintuna waa indhaha
Arkaaya wixii qarsoon
Iftiin bay kaaga shidi
Ilays jahliga kaaga dila
Waxay kuu tahay askari
Naftaada ilaaliyoo
Marnaba kaa rabin adeeg
Hubkiisuna waa ataag
Ataag qalin uu xukumo
Amley iyo maaha qori
Waxayba fudhaa irdaha
Albaabada guushu taal
Abaarta col bay la tahay
Nimcada ehel bay la tahay
Gaajada oon bay u tahay
Haraadka il bay u tahay
Cilmiga isir bay la tahay
Jahliga ood bay u tahay
Islaamka xigtay la tahay
Garaadkana wow arsaaq
Ka timid eebaha xagii
Ilaahoow mahad naqaa


Waxaan iri ubax ayaan 
Maxay shimbiriuhu afdheer
Afdheer kuuga mudaan
Amay kuugu soo ururi
Markay tahay aarankoo
Arligu roobku uu da o
Wuxuu yiri waa udgoon
Udgoonkay urshaan
Quruxduna waa astaan
Waxaan iri oomanaha
Maxay kaaga sii ordaan
Wuxuu yiri waa asaqada
Qalaylkiyo omoska jira
Aqoontuna waa sidaa
Hadaad leedahay amaan
Waxaa mudataa amaan
Indheer garad baana tahay
Islaan iyo daa nin wayn
Ilmaa yar yar baa ku dhihi
Ustaadoow kuugu wici
Aduunkana waa qadarin
Waxaad ka anfaacsataa
Hadii kale waa aftaag
Ishad ka heshad bulshada
Dhexdoodana waa ardaal
Aqoon laawaad ka tahay

Marbaa aarkuba shabeel
Itaal yar ka cayrsadaa
Lax iyo ari uu dishoo
Tahay xeeladu awood
Marbaad ku xidhaa arbaha
Maroodiga uurka wayn
Alwaax iyo geed la jaray
Aqoontuna waa furaha
Ilbaxnimo wow hogaan
Udgoonoow nabi maxamed
Intaad loo dirin arlada
Iqraa lagu yiri quraan
Daliilkuna waa iyada 
Nolosha udubay u tahay
Istaajiya oo hayee
Inqaas iyo qalin u gado
.....................................
...................................

Maansadii: waxay ku bartaa aqoon
___________________________________________
...............................
...............................
Ogaysiiska taariikh
Abtirsiiyadiin hore
Ka ab iyo wixii dhacay
Ka awow wixii jiray
Anbiyaal intuu diray
Inta uu umado iyo
Rogay qawm uluufa ah
Ka af taagay khayrkii
Kibiray oo is biday xoog
Boqortooyo ubuc wayn
Maal iyo aduunya leh
Ciidan iyo ataag ba leh
Awood sheegtay baaxada
Inta aano loo rogay
Inta aafo loo diray
Onkod iyo dabaylo leh

Siday sheegtay aayadi
Ayaan hore rasuul jiray
Baa waa iftiinkee
Aqoon raadis kicitimay

Isagiyo adoonkii
Safar dheer abaabule
Jiscin iyo aruusade
Alaabtay lahaayeen
Doon saarte agabkii
Afka saare meelay
U lahayn aqoon badan
Axdigii kaluunkii
Halkii uu anbado iyo
Ka ag doon halkuu lumo
Balankii iloowooboo
Ibliis baa hilmaamiyay
Mar danbay oogaadeen
Anba qaade raadkii
Dib u raace aagii
Abwaankiyo garaadkii
Arke caalimkii uu
Cilmi siiyay eebuhu
Inuu baro aqoontiyo
Codsay ereyaduu karo

Wuxuu yiri aftahankii
U adkaysan mayside
Awood maw helaysaa

Haah yiri ishaarada

Wuxuu yiri aftahankii
Afka xiro rasuuloow
Aamus hayna waydiin
Waxaad aragto oon falo
Ilaa aan jawaabaha
Kaaga soo akhri goor
Axadigeenu waa samir

Ololeeye safar kale
Doon iyo alwaax kore
Wax is kaleh masaakiin
U shaqeeya ubadkiyo
Ilmahooda oo qura
Waxa kaloo anfaaciya
Ma hystaan alaaba ah

Bilo iyo ayaan dheer
Waxay aqaladoodiyo
U seegaan islaamaha
Inyarooy ka helayaan

Muxuu falay aftahankii
Aalad weeye doontuye
Qorigiyo alwaaxday
Ku asaasanayd buu
Iyadoo aan la ogaan
Af yar uu dalooliyay

Amkaag rasuulkii
Wuxuu yiri aqoonyahan
Ma dadkii axsaankiyo
Noo galay abaalkaad
Aaskooda qodaysaa
Amarkaagu waa maxay

Wuxuu yiri aftahankii
Awal sow kumaan oran
U adkaysan mayside
Samir maw awoodaa
.................................
.................................

Maansadii: in aqoontu tahay samir
_________________________________________


5.Suugaan ku saabsan cishqiga iyo caashaqa
Tusaale:
.................
.................
122.Waxa taa bayaan ku ah
123.Qisadaane kaga bogo
124.Waa Ruux buruuj wacan
125.Waa halyeey Mar baariya
126.Runta baafiyoo jecel
127.Beenta waa uu necebyahay
128.Waa boqor akhlaaq ladan
129.Ma dabeecad buufsana
130.Waa farxaan bulshaawiya
131.Kama bixin qadkii xalay
132.Waxay is barteen gabar
133.Balad kale ku nooloo
134.Ay xiriir bineeyeen
135.Geeraaro badan iyo
136.Balan Wada wadaageen
137.La sheekaysay buuq yari
138.Jacayl laysku boga qaad
139.Hasaawe Lagu bari
140.Saq bandhkii Markay tahay
141.Dadku badiba seexdeen
142.Laysku bixi fariimaha
143.Beribeer dhamaad MA leh

144.Barbarkayga goormaad
145.Ku imaanin baabuur
146.isbahaysanaynaa
147.Hadaan baalal helikaro
148.Hadaan buubi karayoo
149.Meeshaan u baahdaba
150.IL biriqsi tagi karo
151.Walee kaaama baaqdeen
152.Ereyada qalbiga bila
153.Oo dareenka badin kara
154.La wadaag BIL iyo labo

155.Mudo badan gadaasheed

156.Yarkii xirayay boorsada
157.Uu bax safar halkuu rabay
158.Bartay joogtay qaalidu
159.Barkuu soo dhawaadaba
160.Dareenkaa kusii badan
161Baqdin caashaqbaa gali
162.Wadnaha bamlayn orod
163.Dhaxan buu Bastii noqon
164.Waa maqane baddan joog
165.Niyadiisu way bixi
166.Wuxuu soo bashleeyaba
167.Imay baladkii uu rabay
168.La bood boodyay farax jeer
169.Ma biniininaayee
170.Wacyay bilantii facebook
171.Waa bishaaro bay tiri
172.boowe waan kulmaynaa
173.Mar dhow boqorka idankii
174.BIL khayr buu mcn yiri
175.Waa boontii noo dana

176.Kulan laysla Wada balan
178.Hal saac iyo badh fiidkii
179.Hoyga beerta caashaqa

180.Ma hilaac baxaayuu
181.Bartankiisa saarnaa
182.Biriq Miyuu dhex koray
183.Yarku boodda dheeraa
184.Goormuu bartaba yimid
185.Ba e caashaq baa yiri
186.Isagoo baraad yari
187.Marba gees bidhaansani
188.Taleefoonkii soo bixi
189.Wacyay baariduu rabay
190.Tiri bidixda soo eeg

191.Mise waa bil iyo nuur
192.Waa gabar bureeqa ah
193.Waa Gabar bidhaan wacan
194.Quruxlay buruujloo
195.Loo bogayo weeyaan
196.Balaar Malaha foolxumo
197.Iyo buurni Lagu duro
198.Caato badana Ma ay laha
199.Socodkeedu waa beeg
200.Gaabni Malaha laga baqo
201.Balac dheerna MA ay laha
202.Waa normal loo bogo
203.Bushmaheedu waa madow
204.Waxay baari leedahay
205.ILko dabarku buufiyay
206.Meel banaana Lagu arag
207.Dhabankeedu waa bayd
208.Bar tush baana kaga taal
.................
...................
...................
Maansadii:calaf baalal leh
_______________________________________


Urugada i haysooy
Uurkutaalo hay badin

Indhahayga da ayoow
Joojiya ilmada badan
Waxba hayga oohina

Adimada gariiroow
La adkaysta xawsada

Afka juuqda gabayoow
Hay aamusiinine
Aafada kasoo hadal
Itaalkayga muruqoow
Awoodaada soo celi
Ka kac ayda bahalka leh
Ka bax aqalka murugada

Anigayga maqanoow
Taariikhda soo eeg
Akhri horay wixii dhacay
Batalaale orod qabo

Niyadaydan oloshaay
Nin eebe kaa dhigay
Xasuusaha ilow badan
Kuu reebay aahada


Jacaylkii adkaayee
Ishu qaadaye maqal
Haddii aan aduunkiyo
Ifka aanan ku helin
Kuma waayo aakhiro
Albaabada fardowsaan
Iridooda kugu sugo

Abyan waa jaclaadee
Geeridii afduubtaay
Maadan aabayeelayn

Kuwa aasayoow suga
Arxan li idu waa maxay
Inyar aan u sheegee

Ubaxaan sugaayaay
Argagaxa i haystiyo
Ma saasaa ayaamuhu

Ma ay jidho astaamaha
Quruxdiyo isteelka leh
Akhlaaqduna u tahay labis
Inan kula wadaagtoon
Ku dhaafsado agtaadee
Ka kac anigii weeyee
Ma i aqoonsanaysaa
...................
 ...................
.....................
Maansadii:agoon caashaq
_______________________________________________

Hadba yare dhaqaaqiyo
Yoolka socod ah toos ah
Yeedhmada codkaagee
Loo yeelay danankiyo
Xabeebtaada yabaqda leh
Suniyaha is daba yaac
Kaga yaal kor dhaayajaha

Yididiiladaadiyo
Yax yaxiyo xishoodkee
Aan noqon is yeel yeel
Dhir yabaayasheey ladan
Quruxdaada yaabnaye
Ma firkii yacquub iyo
Nabi yuusuf baa tahay


Yako yako qardhiyo bari
Yoocada garoowiyo
Xag yibaayil iyo sool
Yaambada shabeelada
Yaqiinsaday togdheer
Yamayskiyo hablaha mudug
Sida yaac ilays subax
Yarta shida inaa tahay
Yaasiinka iyo bara
Yaahuu wixii dhiba
Yur kaa niri balaayada
..............
..............
Maanso:firkii yacquub
______________________________________

Sida laba is waafaqa
Wacaneey aduunyada
Wehel haddaan qoys
Noqon layn is waayine
Wadajira ayaamaha

Calafkiyo wadkiibaa
Ina kala wadaayoo
Amar ina wayn baa
Jaray wadajirkeenee
Wajigaaga noqoy kii
Walaac iyo dhib aan arag


Maxaa waayo qaaliya
Aan wada wadaagnoo
Waabariga goortii
Dadku weeso qaataan
Oon lasii soo wicin
Waxa aad ku baridiyo
Kuu wacaal ogaadoon
Ku waraystay goor hore
Marna fiid waraaqaha
Weeraha jacaylka leh
Oon lagu wareerayn
Wadar kuugu soo diray
Noqon waydayeey ax
Hadduu waaritaanlaa
Calafkiyo wadkiibaa
Ina kala wadaayoo
Amar inaga wayn baa
Jaray wada jirkeenii
Wajigaagu noqoy kii
Nuuroon walaac arag
.............
..............
...............
Maanso: calaf iyo wed
_______________________________________
6.Suugaan ku saabsan dhacdada iyo dhacdooyinka

Tusaale:

................
.................
25.Bal eeg mawdka yaal tiri
26.Madaxiyo lugaha guban
27.Laamiga maxaa maran
28.Miinada dadkaa heshay
29.Moolkana ku riday dheer
30.Magacaa ba'a moogooy
31.Muslimiinta goortaad
32.Malaayiin ka Dabar jari
33.Maad Kuwa maraykaan
34.Burma Kuwa margiga jaray
35.Iyo maxasta suuriya
36.Madfacaa ku Laba rido
37.Curyaan mooto saarani
38.Muxuu galabsadoo dhimay
39.Caruurtiisa lagu muday
40.Madal qura lawada dhigay
41.Magna aan LA siinayn
42.Maxaa hooyo muruxsani
43.Maariin dhalaalkii
44.Inta uu madaw galay
45.Maqaarkiina ka cararay
46.Hadal aan mid iyo laba
47.Mid mid aan ku beegayn
48.Laga duubay muuqaal
49.Iyadoo musiibada
50.Gaadhay Moog Waxay tiri
51.Gabadhaydii maariya
52.Madaxaa bir kaga dhacay
53.Mayd bayna taalaa
54.Maxaa maamo waynoo
55.Totobaatan Mira dheer
56.Ubadkeedii miinada
57.Iyo qarax Lagu miray
58.Iyadoon Ka murugoon
59.Muslimoow Kac soomaal
60.Meeye wiilasheenii
61.Masas miyaa boqnaha jaray
62.Miidhiyaha lasoo gashay
63.Maxaa will halyeeyoo
64.Magac kuleh bulshada dhami
66.Markii uu aroos galay
67.Mehersaday farxiyo luul
68.Isagoon macaansanin
69.Maalintuna dhamaan wali
70.Mawsar uu LA xiimoo
71.Madfac uu wadnaha jaray
72.Afar labo mataanood
73.Ma huraan walaala ah
74.Mirir Wada calool Galay
75.Maxay miino qaadoo
76.Mid kaliyi ka uu haray
78.Maddi yahay hadeertaan
79.Miyirkiisu maqanyahay
80.Muruq haatan noo kacay
81.Mirro haatan noo baxay
82.Ilays noo misbaaxiyo
83.Dhalinyaro macruufa ah
84.Maxaa maanta na tagay
85.Lagu miisay dhoobada
86.Dad is Jecel maxaa shalay
87.Kala lumay magaalada
88.Garabkoodu maranyahay
89.Midigtoodu go'antahay
90.Midabkood badalanyahay
91.La maansooday waayaha
...
...
...

Maansadii : murugo(qaraxii soobe)
_________________________________

1)madaxwayne ayagoon lahayn maamul iyo dawlo
2)ayagoo mushaarada ku nool ama majaacaadka
3)madawgoo ku saaqiyo darxumomahadho saamaysay
4)midab sooca dhulkoo laga manhiyey madalka ciidooda
5)madfaciyo gumaystuhu kolkuu muran ku beeraayey
6)maydkooda ayagoon dhaqayn murugtu saaqawday
7)masagada shisheeyaha dalbada ama maraykaanka
8)marwo iyo ninkeedi kolkii lays ku wada miiqmay
9)maxadkiyo aqoonay bartaan mahadho loo diiday
10)masraciyo dhulkooday fashaan laga mamnuucaayey
11)maalin iyo dharaarteed kolkii madaxu waynaaday
12)muddo badan kolkii lagu hurdee laga macaashaayey
13)midigtooda ayagoon lahayn cid u maciinaysa
14)qaramada midoobiyo intii magaca laatiina
15)ayagoon midkoodaba helayn meel cid la ah jiifa
16)waataan muftaaxiyo u furay mararna laaluushe
17)muruqooda waataan ag dhigay maalka lagu faano
18)mooskoon u keeniyo khudaar laga macaashaayo
19)marwo iyo haween iyo intii magaca soomaala
20)abaalkooda waataan marshoon maxasta qiimaynay
21)madfaciyo rasaas miigan iyo miino qalalowda
22)malyuumaadka waataan u diray ciidaniyo moode
23)halgankooda waataan u maray mowsar iyo qiiqe
24)calankooda waataan mudnoon mahadna geeraarnay
.............
.............
Gabaygii:koonfur afrika
__________________________
sokeeyaha midkii kuu ahaa saaxib iyo waalid
ee soomaali kula sheegtay bay maanta sidataaye
siman iyo abaar xooganoo saaqday baa timide
sararuhu intay soo baxeen suulashii caguhu
gaajay lawada suuxayaan siigo meel baxane
sahal bay ku wada mawdayaaan sabiyo waayeele
adigunah inaad soonto iyo sii wax kuu furane
sadexdii waqtiba inaad cuntaa waa sawaabnimo e
waa sifo qalaad iyo waxaan suubanayn dhaqane
sawd qura intaad yeelataan saacida miskiinka
sacabadana taagtiyo gacmaha saatirna u laab
...............
...............
Gabayadii: abaartii siman
____________________________________________


aloow aadmi dhamaantii
Waxay quud ka dhigtaan iyo
Waxa dhuuni la qaato
Adiguu dhanka kaagiyo
Dhinacaaga ag yaaloo
Kaa dhamaaninahyn
Abaar baa na dhamaysoo
Dhimashay dadkii maanta
Ay ku dhawba yihiine
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Midka jooga dharkiinlay
Mid wuqooyi dhex taagan
Barigaaa mid dhawaaqi
Dhankastoonu ag naalno
Dhibaataa nagu haysoo
Waxaan dheel u samayniyo
Waa waxan ku dhaqaaqnoo
Dunuub weeye dhankeena ah
Eeboow noo danbi dhaafoo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Xoolahaan dhaqanayniyo
Dhawaaquu diri diinku
Dhurwaagaa cabanaaya
Daanyeer dhiigu yaraaday
Haraadnow dhimanaaya
Doofaar dhuubtay abaar
Gacmuhuu dhiganaayo
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji
Dhagaxuuntiyo ciidiyo
Dhirta roobka u baahan
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhabta duulka ku jiifiyo
Intii sii ah dhalaanoon
Dhabarkooda la saarin
Qalin dheer iyo buug
Qaladkay ku dhacaana
Dhabtii looba qoraynin
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
................
................
.................
Geeraarkii:roob doon(abaartii sima)
_______________________________
.........
.........
........
19.balaayadu kolkii ay dhacdee meelkastaba baahday
20.bidix iyo kolkay midig tagtee qaraxu beegaayey
21.abti ruux bireeyiyo kolkay xaajo fara beeshay
22.biri ma gaydada kolkii laba diliyo hooyo barakaysan
23.odayaasha beeshana la jaray beerka laga laaday
24)bari iyo kolkay koonfur sare bayd kastaba gaadhay
25.guryaheenu kolkay baa'ba een hoygu barafoobay
26.inkastooy balaayiin jiraan dalalka buux
dhaafay
27.bulshadana kol caawinahayoo badarka
siinaayey
28.burji bay lahaayeen reer
# sancaad baahay duunyada e
29.bilyan bay kol quudsheen ninyahow so banaan baxaye
30.dhaaxay na biirsheen waxbadan baawar iyo xooge
31.waatay bariiskiyo qumbaha baastadiyo mooska
32.boqolaal qaxootiya ninyahow soo bayaaniyaye
33.guryahooda waatay baxsheen bil iyo
dheeraade
34.bilyan tiro ah waatay hayeen baariyoow shalay e
35.imankana bartiibay tagtoo xaalku kala bayrye
36.baaruud qarxaysaa ninyahow soo bayaan timide
37.bumbadiyo rasaas bay hayaan buuxa meelaha e
38.barakac shisheeyiyo dabbaa aad u beegsadaye
39.badahay kusoo qaxahayaan baladkan soomaale
40.boqolaal dadkeeniyo raggbaa so bidhaamsamaye
41.boosaasiyo woqooyay mar qura wada balaadheene
42.puntlandbay kusoo xiranayaan haatan buuxsamiye
43.bulshadayda soomaaliyeey waan babanayaaye
44.xabad baahday beebaha qarxiyo ba'ayda
yeeraysa
45.soomalida bumbadu gaadhayee meelkastaba baahsan
46.yementaa bartii lagu arkaba badiba gaajaysan
47.muslimiinta soo barakacdiyo muu'min wada baahan
48.bini aadankaba wixii sheegtayee baladu khaas yeeshay
49.idinkoo burdaha kaashanahayiyo bariyo
yaasiinka
50.u ban baxa inaad caawidaan waa wax
baashiriye

Gabaygii : BAAQ(soo barakicii iyo burburkii yemen)
_____________________________________________


7.suugaan kaftan iyo kaftanwadaaga

>Qorax shidan dhidadkoo shax yiri shaatigana qooyay
Caan boore laysoo shuboo lay sharqaminaayo
Anigoo sharaab hela hayiyo shaani iyo maango
Maxaa shaah ku fali way la yaab waxaad u sheegtaaye?
______________          ______________________
    Jawaabtii:

Maahmaah shariif hore yiroo shaac baxdaa jidha e
Dumar sheekoo weeyaan bulshooy raguna waa shaahe
Adigoo shidiyo madax wareer shaamareer badan leh
Shifo iyo marbuu kuu noqdaa shaafi daawa ahe
Shafka iyo wuxuu kuu dajaa laabta shaaximane
Ka ab iyo ab shaxan baan ahyn duul shubtoo caba e
War maxaad ku fali shaani shay ka yimid gaalo

Markii koob sharqami ruux yaqaan ku shalow siiyo
Oo shaki kama qabtide hoo yiraa shacabka oo buuxa
Shactiraysayaa iyo ninyahow sheeko badisaaba
Shaqadaad hilmaamtaa dhibtiyo shalayto daalkiiye



Marti sharaf leh haddii ay fadhido shawr la wada qaatay
Oo shayb cirooliyo suldaan shaacirkuna joogo
Sharaab kuma habana iyo waxaan la isku sheegayne
Shirka waxa qurxiya iyo dadow kulanka waa shaahe

Kaftanwadaag: shaah iyo sharaab
______________________________________________

Inkastoo timuhu madaxi sare duulay badankoodu
Waa aakhiro samaan dee runtii iilka loo qodaye
Salxanyaha waxay moodayaan ruux bidaar gashaye
Inaad koofi soo xirato bay kugu qasbaayaane
Waa kugu kalifyaaan habluhu xirashadeediiye
Hadeerbaase dawo loo helay nagu yiraahdeene
Waalagugu beeraa sidii geedahoo kala e
Dabayl qaadayaa iyo iyagu wadar u duulaanba
War hadaysan kaa biibin waad ku socotaaye
Xaragaad waxaad ugu martaa suuqa xoolaha
Laamigaad istaagtaa sidaad laadar wayn tahaye
Midii luuqa soo mari jirtee marada gaabnayd leh
Ee maamuluhu soo furayna waad la murantaaye

Afartaa sidii gaari qaad hoonka ma u yeershay
Caanoolay sideedii miyaa caagad xuna qaatay
Ma u heesay sidii faladagaan oohina ma raacshay
Midkii daynt shalay igu lahaa sow makala dhuuman
Afarkalana hay sheegin waan ku jarayaaye
...............
...............
Jacburkii:hablihii magaalada
____________________________________

8.Suugaan wacdi iyo waano ah

xasuusi xasuusi


xasuusi naftaada
xanuunkiyo mawdka
xabaashiyo iilka
xisaabta qiyaame

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee xalaytoole
xaafada kula joogtay
maantana xagga hoose
xabaalan oo duugan

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intii xaaji mayday
shuyuush xawda beelay
xaafidna aan la dhaafin
xawaaraha geeri

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
intee lacag xoog leh
intee xoolo haystay
xirmooyin lahaa dhul
maraakiib xamuula
u gooshaysay xeebta
maruun ka xirnaadeey

xasuusi xasuusi
xasuusi naftaada
wasiiro xaq dhawra
xafiis madax wayne
intee xilibaano
intee xilal haysay
xiligu ku dhamaaday
dhoobada lagu xaaqay
...........
...........
...........
Maanso: xasuusi xasuusi
___________________________________

1.Kalxamada kolkay ruuxdu tagi, waa kadeed ba'ane.
2.Kaar baad dareentaa xanuun, lagu karbaashaaye.
3.Dhidid baa kashiyo laabta iyo, qoyn kuleetiga e.
4.Kulayl iyo waxaad qabatintaa, kaankaroow xumade.
5.Maqalkiyo waxaad kari aqoon, hadalkii koobnaaye.
6.Kor kor bay indhuhu aadayaan, Waana kacayaane.
7.Kun u tufa yaasiinku waa, kaamil daawa ahe.
8.Ehelkiyo sidaasay Ku dhihi, kii ag joogaba e.
9.Wax kalooy sameeyaan ma jiro, kuuna tarayaane.
10.Markay ruuxdu kaa soo baxdood, geerinow kadiso.
11.Hablihiyo intii kaa ag dhow, waa kufahayaane.
12.Si kastood kaabiyo u tahay, wiil kabtiis calashey.
13.Ama aad kornayl iyo u tahay, kaafi madax wayne.
14.Ama aad kabiir iyo u tahay,shiikh LA karameeyo.
15.Waa kuu baroortaan in yara, kumana daystaane.
16.Kafan iyo waxay kugu xiraan, kaaki Mara wayne.
17.iilkay intay kuu qodaan, kugu kaxeeyaane.
18.Kayntiyo godkay kaaga tagi, waana kaligaaye
19.Hooyadii kusoo korisay way, kaaga tagaysaaye.
20.Kalgacaylka aabihii Ku baray,kaynta kugu dhaafye.
21.Kool koolida walaalkii badnaa, kaaga uu cararye.
22.Kaafiyeey walaashaana way, kaaga tagaysaaye.
23.Reer hebelna kii kula ahaa,koobna tari waaye.
24.Kitaabkaaga aad haysatiyo,nabiga kaa raacday.
25.Rabigaagu waa kuma markuu, malag Ku waydiiyo.
26.Kaafir iyo mid unbaad Islam, kowwa(1) noqotaaye.
.........
.........
.........
Gabay: kalxamaha haday ruuxdu tagi
____________________________________
Aduunyadan waxaad hawlaheed la hardamaysaaba
Mar unbaa halbowlaha jirka iyo uurku hurayaaye
Harjad baad ka qaadaa xanuun una hinraagtaaye 
Xumad laabta hurinaysa iyo hayjad baa xigiye
Qabrigaad hilmaantaa xasuus ula hawootaaye
Waxaa aad hubsato geeri waa ugu horaysaaye

Nafta hiririqlaynaysa waa lama huraantiiye
Markay kaa huleeshay indhuhu u habaabaane
Hareeraha kuwii kaa fadhiyay iyo haweenkoodu
Ashahaadaday kugu habaan kuna hadaaqaane
Haday hiil ku tari ruux kalay heli lahaayeene

Hoga iilka kii kuu xigaa kuu habaas galine
Hoosbay kuugu aasaan dhulkiyo meesha huurka lehe
Habeen iyo asbuuc gudihi bay kugu hilmaamaane
Hantidaadlahayd iyo maalku waa hoy rag leeyahaye
Halna kuuma taro doolarkaad haysan jidhay waaye
Hor alliyo waxaad dhigatay baad dib u helaysaaye
Waxaa kuu haroo kaliya waa heedhe camalkaaye

Hayaay iyo tollaay maalintaa heer kumay tadho e
Huraale waakii kufriyay hadaladii khayre
Waa camal haboon oo eebahay nooga dhigay hiile
Salaadaha hanuunka leh midkii kala halaysiiyay
Oo heegan galin waxa la yiri hoog allaa badaye
Halaq baa ku cuna iilka iyo hoosta dhoobada e
Hadhowtana wuxuu galahayaa holacii naareede
.......
......
.....
_____________________________________
Intaas iyo inkalaba  La socod wanaagsan mahadsanid 

#share #share #share
Dhamaad.





maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar