Nimanyahaw gantaal baan ahiyo geesi dirir wayne
gumuc iyo garnayl baan ahiyo gaade xoog badane
good iyo abees baan ahiyo aar gariira lehe
abwaan murtida soo gaabinoo gacala sheegaaya
gabayada nin soo curin hayoo gudub u tuuraaya
hal abuur gudboon baan ahiyo maahir gada wayne
garta odayga loo dhiibinoo geedka laga sheegin
garaad badane khayr baan ahoo guusha loo tabo e
ma gil gilo galaafkiyo warmaha jeer lasoo gana e
guluf iyo colaadana ma diro galase yeelkiise
garta nabada guul iyo waxdheef laysla gacan qaado
garashiyo wanaag baan waqay gaar is leeyahaye
gudcurkiyo madawgaan lahaa geesta uga bayre
gacalada heshiiyaan lahaa goor alliyo wiige
gubashada ka dhowr baan lahaa waano garansiiye
gafka iyo xumaantaan lahaa gudub u tuuryey e
gabanada caruurtaan lahaa guudka ku xanbaar e
guxush iyo ayeeyiyo wixii gaari iyo wiil ah
gobonimada qaataan lahaa diida gaalada e
gayigiina dhawrtaan lahaa waa gudboonyahaye
dhaqamada ka guuraan lahaa xoog kusoo galay e
gunimada ka soocdaan lahaa gaara meel sara e
gaajiyo haraad baan lahaa gooya wa cudure
galaydiyo haruurkaan lahaa gabi ha beerteene
garoowiyo hargaysaan lahaa godob ha daayeene
gaalkacyiyo cadaadaan lahaa guluf ha baajeene
gobolada shabeelaan lahaa nabad ha gaareene
gaarisiyo togdheer baan lahaa gacal ha qaateene
goobaha jabuutaan lahaa garab ha raaceene
galbeedkiyo wuqooyaan lahaa goob isugu keene
gurigii sanaag baan lahaa gole ha oodeene
caasimada ka gaar baan lahaa way gudboontahaye
goday iyo baraawaan lahaa geed isugu heede
gogoshii kismaayaan lahaa gadaf ha daayeene
guud ahaan islaamkaaan lahaa how gudoonsado e
geeliyo gamaankaan lahaa guluf ku heensay e
gaxashkiyo kaluunkaan lahaa gabi ilaalay e
gaalada ka saar baan lahaaa guran wixii nool e
gumucyada ku lay baan lahaa goor aliyo wiige
gocoshada xanuun baan lahaa haatan garansiiye
geerida u beeg baan lahaa gayiga wow doore
gaaridiyo haweenkaan lahaa goob isugu keene
gasiinkiyo xareedaan lahaa how gudboon dhigo e
garashiyo tacliin baan lahaa gaara meel sara e
garnaylada sameeyaan lahaa wax ha gumaadeene
afrikaanka guurshaan lahaa loo gabood falaye
gardarada shisheeyaan lahaa guluf ku tuuyay e
gacmihiyo lixaadkaan lahaa garab ha yeesheene
barwaaqada u guurbaan lahaa way gudboontahaye
afartaas gariirkaan aqiin gogol dhigaygii dheh
gobonimada meeshaan la rabo soo gudoon iri dheh
garashada hankaygiyo waxaaan gaar u tabayaa dheh
gole nabada gartoo loo xir xiray lagu gorfeeyaa dheh
gacalada is wada dooxayoo midiba gees aaday
gobolada hashiiskooda iyo geedkii nabadeed dheh
guluf iyo colaad iyo waxaan guuto boqolaala
gayigayga inaan daafacdiyo geeri tabideed dheh
gaxashkiyo kaluunkoon la baxo gurasho khayraad dheh
gumuc iyo rasaas iyo intii qoriyo gaagaaban
gantaalaha samayntooda iyo guluf laxaadkii dheh
gobo" nabada gaar iyo waxdheef duunyo garab joogta
gogoshii barwaaqoon dagiyo hami gadaashiis dheh
afar kalana wixii aan gartiyo garasho waayeel dheh
soomaalidu gabood kama baxaan haybta gada wayne
gardariyo xumaan bay waqood gaar la hurudaaye
gawrac iyo dagaalkay intaas gole ka sheegaane
gafafkay ku buunbuuniyaan gabayo qaarkiise
odayaal gabooboo ciradu gaanka wada saaqday
gafuur buurayaal baa ninyahow soo gadaal kacay e
siyaasiyiin gudoontaa arlada guluf ka heensayn e
gaalada cadaatay waqood garab la joogaane
gayigay ku daadinahayaan godobo waawayne
gobolada dhulkeenay waqood dacal ka goostaaane
geesta bari nugaal iyo ilaa gaarisiyo Kenya
gogoshii hargaysiyo togdheer garabka reer fiiqle
gumaystuhu intuu naga dagiyo gacan jabuuteedka
gocoshada xanuun bay rabaan kala gudoonaaye
guluf iyo colaad bay rabaan gaysh lasoo diro e
gabanada ku laynay rabaan gumucyo waawayne
gad gadoon khilaaf bay rabaan geedka loo tagoe
guushiyo barwaaqay rabaan gudub u tuuryayn e
gadaal noqosho xiim bay rabaan gaarin meel sara e
garashiyo tacliin bay rabaan inaan ka guurnaaye
gabdhihiyo sareedoy rabaan gaal u dhiibano e
dhaqankoon ka guurnay rabaan gun iyo baarkiise
gabbi soo cidloon bay rabaan inay na geeyaane
afartaas gariiirkaan aqiin gogol dhigaygii dheh
gabay hawle gamuutiyo qamaan garashadoodi dheh
godadkii ismaaciil miriyo raage gadihiis dheh
sayidkii murtida goobi jiray guluf yadiisii dheh
cali dhuux gantaalaha warmaha gaar usoo riday dheh
geeridu ragay dabar jartoo haatan garanaayo
geeraarshayaashii horiyo gole abwaaneed dheh
afar kalana wixii aan gartiyo duco gudoonkeed dheh
alahayoow galiilyiyo xumaan gabi na saamaysay
alahayoow gumaad iyo xasuuq guul dariyo hoogba
alahayoow giriifkaan qabniyo gaajo nagu raagtay
talo guracan guurtida dawakhan kala gudoomawga
gardarada hagaagtiyo aloow guusha laga yaacay
garabyada is wada dooxayee gabiba meel ootay
alahayoow guruubyada qarxiyo goonidiyo tookha
gobolada dhulkeeniyo raboow gayiga soomaali
gumuciyo rasaas iyo waxaa guuto lagu daadshay
alahayoow gunuuskiyo khilaaf guuxa iyo reenka
gurya hayska xaajada tagtiyo gacal is waydaaran
alahayooow guhaadkiyo colaad meel kastaba gaaray
gamba tuurka dumarkoo gablama gocosho oygooda
alahayoow garaadkoo dhimiyo gubashadan baahday
alahayoow gantaalahan dhiciyo qorigan guuxaaya
gayi nabada gugoo soo da"iyo guusha lagu faano
odayada gaboobiyo intii guud cadiyo maahir
gaaridii haweenkiyo hablaha wiilal garab jooga
ayagoo guntiinada xirtoo gabi barwaaqoobay
alahayoow inay garab helaan gacalkan eedoobay
galadaada eeboow nimcada guusha wada raaci
Curiye; abwaan bilaal axmed wali
DHamaad.
No comments:
Post a Comment