Kiinyaanka soo galay dalkoow waydun kibirteene
Hadaydaan kismaayiyo ka bixin kaamka balad xaawo
Kaymaha hadaydaan banayn kaamil xeradayda
Ooydaan kalaamkayga maqal waydun kaafiyiye
Nayroobi kabahaan la mari oon ku kaadiniye
Karayaal manbaasaan ku tagi saan ku keenaba e
Kumanaan masiixaan ku layn maalin kaamila e
karbaash baan la dhici reer tolkiin kiristan weeyaane
Kimistaad ku dhuuqdaan xeryaha waad ku kibidheene
Kaalmaha bariiskaad heshaan waan kiraysaniye
Kaar iyo xanuun bay dun qabin kuman guyaaloode
Adinko kulayl daran qabaad kabashlin doontaane
Kaneeciyo yaxaas bay din dilin kooxo ciidana e
Kontan sano waxaan dooni baad kaalay leedahaye
Nimankii amxaarada karshee boor ka kicinaayay
Kurka sare libaaxii jaraad kayn usoo galiye
Haddii aan kalaamkayga xiro amase aan koobo
Ama aan kitaab baaqa iyo kool yar uba sheego
Kufaar taa dalkaygii ba shee koomahay galiyay
Kiinyaanka soo galahayoow yaa kudhaha kaadso
Monday, August 21, 2017
Gabay:kiinyaanka soo galay dalkoow
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
maanso
Alaahu akbar
Alaahu akbar
-
Maansadaan waxay ka hadlaysaa sidaad magaceeda ka dareemaysid faaiidada iyo qiimaha uu leeyahay ruuxa aqoonta leh waxay si humaag iyo hubsii...
-
Silsilada:qaranimo Gabaygii:qabyaalad aminta:8/6/2015 curiye:bilaal axmed wali 1.nageeyoow qa'di gabay baryahan qaad ismalahayne 2...
-
1.xikmad weeye maansadu 2.waa xoolo qaaliya 3.waa xoox macaan badan 4.waa xil iyo maamuus 5.nimuu xaakim siyoo 6.xaajiyaana tirin kara ...
No comments:
Post a Comment