Thursday, November 2, 2017

gabaygii: soo dhawoow

gabaygaan wuxuu hal abuurku ka tiriyay madashii lagu soo dhawaynayay koobkii iskuulada puntland loo dhigay ee ay qaadeen galdogob school waana tix soo dhawayn iyo hambalyo isugu jirta:

dhanka mudug sanaag dhabarkii iyo dhoodidiyo soolka
hoyga dhaqanka qardhiyo sool iyo in dhinac taala
badda dhereren inta teedsan iyo dhuubanoow bariga
garoowiyo koobkii dhexyiil dhahar in loo gaaro
mar haduu dhinacayga yaal madaxu ii dheere
inaan gabay dhawaaqiyo inaan maanso dhidibeeyo
oo aan dha iyo wowgeed tirshoon dhab u luuqeeyo
oo aan dhambaal aan u diro wiilashii dhaliyay
oo aan soo dhaweeyaahi waa waajib ii dhigane

soo dhawoow dartaabaan ku helay sharaf dhamaanteede
soo dhawoow dhulkaad nuurisoo dhaayahaa tahay
soo dhawoow aday dhalin yaradu dhaanto kuu tumine
soo dhawoow mashxaradaa dhici waa dhaqaaq faraxe
soo dhawoow xafladaan adaa gaar laguu dhigaye
soo dhawoow dhaqaalaa ku baxay dhalashadaadiiye
lugahaaga dhaadheer madaxa dheemanta la saaray
dhagahaaga goortaan qabtaan dhaygagaa faraxe
markii aan ku dheehdaba qalbiga dhab u damashaadye
soo dhawoow adaa dhiiga iyo kiciyay dhuuxiiye
soo dhawoow adaan dha iyo gabay kaa dharjinayaaye
hayska dhigin martiye soo dhawoow waa dhulkii muduge

reer galdogob dhamaantooda baad dhaayahood tahay
sida dhibicda roobkaa tihiyo dhado mahiigaane
waxaa tahay bil noo dhalatay iyo guul dhadhaab adage
dharcad gabara waayeel dhaqana iyo wiilal dhinac taagan
macalimiin cilmiga noo dhigiyo maamul lagu dhaato
shicib iyo askari dhuuban iyo madax kaloo dhooban
intaa iyo in dheer baa haddeer soo dhawoow ku lehe
dhabaday caleemaha ka ruxi dhawr kunoo curade
suugaan waxay ku dhiseen laga dhamaanayne
dhagihii maqlaa baan mar kale dheeg kalaan dayine
haweenkii laf dhabartaa ahaa dheesha kuu tuma e
waatay dhakhsaba ku cursheen dhawr buraanbura e
waxba yaan ku dheeraan tixdaan soo dhawaynta ahe
dhiiri galiye baa noo tihiyo taalo noo dhisane
waligaa ha dhicin oo eebahay haku dhaqaaleeyo

dhamaad.

No comments:

Post a Comment

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar