Sunday, August 20, 2017

Gabay: ammar dhacay silsiladii awaal tiris

Silsiladaan awaal tiris waxaa ka qayb qaatay hal abuur badan oo kala jooga daafaha caalamka waxaan bilaabay nin LA yiraahdo farxaan bawkax waxaanay Ku saabsanayd dumarkii hore iyo kuwa haatan kuwa wanaagsan waxaana uu uga qayb qaatay hal abuurku gabaygaan asagoo LA saftay dhaqankii hore iyo dumarkii hore gabaygaan dheer ayuu kaga qayb qaatay
Akhris wacan;

gabay(ammar dhacay)

Dadku waa awow iyo walaal ehel wadaagtaahe
gabaygana abb baan uga dhaxlaa odayo waawayne
isirkeedba maansadu ninyahow waa abwaanimo e
alif qura midki aan aqoon muran la aafaysan
istixyood xishoodkana ka tagay waa akhlaaq xuma e

afartaas asluubtaan aqiin ololahaygii dheh
onkod yeeray iftiin soo bixiyo aalad gooniya dheh
awalkeedba maansada jirtiyo ila xirkaygii dheh
abwaankii murtida tiirin jiray ereyadiisiii dheh
afka lumay dhaqankoo ambaday aafad iyo hoog dheh
ashqaraar yaabkiyo xishood la anfariirtaa dheh
awaal tiris ragii soo curshee midaba meel aaday
mid ambaday midkii soo ag yiri iyo midkaan aadin
idilkood amuurtoon hagiyo aragtidaydii dheh
afar kalana ujeedkaan lahaa soo awaariyay dheh

oori dumar midi loo baxshee lagu ishaaraayay
anshaxiyo asluubtiyo lahayd idil hanaanoo dhan
afka hadalka ilays soo bixiyo idil wanaageeda
akhlaaqdooy hadaysiyo middii edebta dhawraysay
arkaantiyo shahaadana taqiin ama islaamkoo dhan
axaadiista khayrkiyo wanaag u ishtihaadaysay
ardaayada midaan lagu ogayn aagga dibadeeda
ixtiraam xijaabkana taqiin u ololaynaysay
ubadkooy kol haysiyo caruur aad u garanaysay
asal hadala murti soo iftiyo gabayo oodaysan
idilkeedba maansada middii u istiqaamaysay
axmar faras ah awrtiyo war geel aqal hagaagaysan
arbaciin halaad laga baxshee lagu aroosaayay
aduunyada dhamaanteed ilaa aasiyiyo Kenya
orobada shishaysiyo ilaa yurub albaabkeeda
afrikadan hurdaysiyo ilaa taniyo iiraanba
idilkood haweenkaba middii laga amaanaayay
ilwaad qurux midi loo baxshee lagu aflaaxaayay
amar tagay afkoo soo xirmiyo aafad lala yaabo
aakhiro sabaankaan dhiciyo ololkan qiiqaaya
nimanyahow amuuraa jiroo agga maraysaane

Hablihii eedaabtiyo lahaa dhaqanka loo aayo
hablahaan in badan soo taxee arar ku faaleeyay
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
inkastoo arkaantaba hayaan ama axaadiista
alaylehe il duuf baa jiroo la an fariirtaaye
idilkood haween kuba haddeer waa alow sahal e
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadiyo muuqa?

albaqriyo watiin iyo sidii aayad lagu sheegay
arkaantiyo shareecadu siday nagu amaanayso
aqalkay ku dhaamaan habluhu suuq la aamino e
iblayskay ku daadina hayaan aafad iyo ciile
insigii xumaaday waqood urug ku beeraane
hablihiii edaabtiyo lahaa dhaqanka loo aayo
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
nimanyahow amuuraa jiroo agga maraysaane
alayl dhexe salaadaha kolkuu uunku wada jiifo
aswaaqday wareegaan waqood daba ordaayaane
ixtiraam wanaag iyo wuxuu axadku noo sheegay
akhlaaqday ka bayreen haddeer malaha iimaane
adeer iyo ayeeyiyo wixii aabo lagu faano
idilkood walaaliyo nacaan hooyo aamina e
indhihiyo maxaa lays ku tiri egmadiyo muuqa?

alihii na uuntiyo siduu axadku noo sheegay
anshaxay ku dhaamaan habluhu edeb xumaataaye
asalkii xijaabkay waqood ku aflaxaayaane
aragtida wanaagay ninyahow ku asilaayaane
axkaamtii ilaah iyo sharciga aayadiyo diinta
ixtijaab samaantay waqood ku ilbaxaayaane
hablihii eedaabtiyo lahaa dhaqanka loo aayo
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
nimanyahow amuuraa jiroo agga maraysaane
ila aragta goonada kolkay ku istireexayso
oogada jirkeediyo dhamaan idil hanaankeeda
afka midaba eebada dhexdiyo ama ilxaadkeeda
anshaxay xumaysiyo waxay edebta sii dayso
arkaantii islaamkiyo sunaha wada ogsoonaanin
abwaanada gaboobiyo wixii odayahoo jooga
aayaha danbeetay ninyahow soo ilaysamiye
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadiyo muuqa?

internet siduu noogu yimid aalad talinaysa
inkastoo axsaan laga heloo malaha aayo
inkastoo arkaantiyo sharciga lagaba eegaayo
inkastoo ilayskoo bixiyo yahay iftiin khaasa
hadana waa iblays iyo ninyahow aalad baadiya e
aqalkuu ka saaraa hablaha ubadka laayaaye
iligyada xishoodkuu mar qura wada abaarshaaye
oogta hore kolkii ay kacdoo agabyo qaadayso
ama ay alayl dhexe hurdada uunku wada jiifo
internet siday uga kacdaa waa alow sahal e
aqalkay ka guurtaa mar qura wada amaahdaaye
ubadkay ku beertaa afxumo lagu asqoobaaye
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
amarkii ilaahbay mar qura wada ilxaadaane
abwaanada gaboobiyo wixii odayahoo jooga
aayaha danbeetay ninyahow soo ilaysamiye
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadidiyo muuqa?

aduunyada amuurbaa jirtoo la anfariirtaaye
oogtii timaadaba waxbaad aragti maagtaaye
waaggii iftiimaba ninyahow waa af kala qaadde
odayadii horeeetiyo sidii aayad lagu sheegay
ubaxbay ahaayeen habluhu aalad gooniya e
aroosyow kolkii aad tahoo inann danaynayso
axmar faras ah aqalkood dhigtiyo ayro lagu faano
dhaqan lagu aloosmaa jiroo ciddi iloobayne
iminkana amuurbaa timoo la ashqaraartaaye
axkaamtaba waxaan laga helayn aayadaha diinta
nimanyahow il duuf baa yimoo la anfariirtaaye
inann boobka odayada la siray ayda lala meeray
ayadoon adeer iyo walaal ciddi ogsoonaanin
ogol bay tiraahdaa kolkaas malaha eedaabe
oori dhaqan kolkii ay tahoo ubad ku faanayso
ama ay ayaamaha la furay la il xumaanayso
urugada xanuunkay kolkaas wada ishaartaaye
inkastoo asluubtii hadhoo qaar u ololeeyo
abwaanada gaboobiyo wixii odayahoo jooga
aayaha danbeetay ninyahow soo ilaysamiye
indhihiyo maxaa lays ku tiri eegmadiyo muuqa?

waxba yaanan gabaygoo ordiyo sii oraah dirine
ujeedkayga maansada haddeer waan afjarayaaye
u istaaga asluubtoo fidiyo edebta oo baahda
u istaaga akhlaaqdoo hagtiyo idil wanaagoo dhan
u istaaga arkaantiyo xadiis meel kastaba oota
u istaaga ilayskoo bixiyo ama iftiimoo dhan
allaa wayn amuurbaa jirtee wada ogsoonaada

No comments:

Post a Comment

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar