Geeraarkii (dhulka noogu qabooji)
Aloow aadmi dhamaantii
Waxay quud ka dhigtaan iyo
Waxa dhuuni la qaato
Adiguu dhanka kaagiyo
Dhinacaaga ag yaaloo
Kaa dhamaanina hayne
Abaar baa na dhamaysoo
Dhimashay dadkii maanta
Ay ku dhawba yihiin
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Midka jooga dharkiinlay
Mid wuqooyi dhex taagan
Barigaaa mid dhawaaqi
Dhankastoonu ag naalno
Dhibaataa nagu haysoo
Waxaan dheel u samayniyo
Waa waxan ku dhaqaaqnoo
Dunuub weeye dhankeena ah
Eeboow noo danbi dhaafoo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Xoolahaan dhaqanayniyo
Dhawaaquu diri diinku
Dhurwaagaa cabanaaya
Daanyeer dhiigu yaraaday
Haraadnow dhimanaaya
Doofaar dhuubtay abaar
Gacmuhuu dhiganaayo
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji
Dhagaxuuntiyo ciidiyo
Dhirta roobka u baahan
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhabta duulka ku jiifiyo
Intii sii ah dhalaanoon
Dhabarkooda la saarin
Qalin dheer iyo buug
Qaladkay ku dhacaana
Dhabtii looba qoranaynin
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Saq dhexaadka habeenkii
Kolkii aad halkaan dhaw
Usoo dhaadhici hoos ood
Yaa dhawaaq i faraaya
Danbigiisa u dhaafi
Dhawrsadaayo ajiiba
Kolkii aad na dhahayso
Ilaahoow dhulka dooji
Kuwa kuugu dhawaaqi
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Dhawrsanoow nabigeena
Dhaxalkiisiyo diinta
Kuwa dhiigiyo maalka
U huraaya mar dhuuxa
Dheehda oo na baraaya
Dheeg kitaabka u saartay
Shuyuukhdeena dhamaantood
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji
Adoonkaaga dhibtaysanoo
Dhacay oo baqtinaaya
Ay abaartu dhamaysay
Sacab kuu dhiganaayo
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji
No comments:
Post a Comment