Maansadan bilic waxa uu hal abuurku uga qayb qaatay silsiladii baadidoon silsiladaas oo ay ka qayb qaateen hal abuuro iyo abwaano badan oo tiradoodu tahay 17 hal abuur oo kala jooga meelo kala duwan oo caalamka ah
silsiladaas oo bilaabay hal abuur nageeya oo jooga magalada burco casimda gobolka togdheer kana socotay qol kamda qololka kulmiya hal abuurada ee dhinaca internetka
silsiladaan oo ahayd oo ahayd silsilad sarbeebaa oo gabadha loola jeeday gobonimadada iyo nabada oo ay hal abuuradu afkaartooda kuso ban dhigayeen meesha ay u baqooshay gobonimadu
waatan maansdiii bilic ee silsiladdii baadidoon iyo abwaan bilal axmed wali:
bisin iyo aqoon baa
hadal lagu birqeeyaa
lagu baafaa maansada
marka hore bariidiyo
salaan baariyoo wacan
baxasanoow nageeyoow
iga hoo barteediyo
bilicdeeda suugaan
sowtaan bulaaloow
baxsanoow nageeyow
inan baadi doonkeed
bartankii alleykii
biya dhaamis man galin
sowtaan bir iyo leeb
barxadkiisa caanood
beegiyo khudaar dalag
sahay baadi doonkeed
baxsanowba maan galin
sowtaan bulaalow
bari iyo galbeed iyo
dhanka xiga baraawiyo
booramiyo hargeysiyo
barxadii garoowiyo
mudug baaleheediiyo
barbariyo nugaal iyo
burco sagag alleyliyo
beerihii sabiixiyo
bilicdeeda maan tagin
sowtaan ba iyo wow
waxa baaha sheegaa
maan weyn baraaraha
sowtaan bulaaloow
hidihii barteeniyo
bilicdii qorxoonayd
baliyada arooriyo
baadiyaba maan tagin
sowtaan bil khayreey
baxsanow nageeyow
hadiyoooy bishaaroooy
qaylo baaba maan oran
sowtaan baraaraha
bilantii qorxoonayd
suaal baaha maan oran
maxaad baaqa foofiyo
bilicdeeda suugaan
baxsankii nageeyiyo
uga baaqday waayaha?
waxay tiri bulaaloow
baxsanoow hal yeeyow
waxan baaqa foofiyo
barbarkii nageeyiyo
dhulka bari sanaagiyo
badhan iyo hargeysiyo
baladweyne iyo luuq
uga baaqday waayaha
biro weeye xaajoo
baaqeeda sheegayn
wabilaahi towfiiiq
Dhamaad.
2015
No comments:
Post a Comment