Maansadan waxa uu hal abuurku ka jeediya daabuurka iskuulka waxa uuna uga hadlaya cilmiga iyo faaidooyinka uu u leeyaha bulshada
Waatan maansadii garaad iyo abwaan bilal axmed wali
Golihiina jaarkiyo
Gidigiin akhyaartaay
Inta joogta goobtee
Guuxayga maqashiyo
Gaadhay maansadayde
Salaan guud ahaaneed
Maankayga gaarkiyo
Ka soo guuxday laabtaan
Gidigiin hor dhigayaa
Mida kale garaadkiyo
Nimankii gashaanke a
Giiray aayaheene
Guntigeena xirayoo
Na garwaaqsa cilmigaan
Salaan gaar ahaaneed
Geeloow hor dhigayaa
Mida kale garaadoow
Nimankii gadaan iyo
Goobay maansadaydoo
Garaadoow farxaan iyo
Ragii keenay geedkaan
Salaan gaar ahaaneed
Geeloow hor dhigayaaa
Mida kale garaadoow
Waxa gaar aduun yada
Guuxaaya bira oo
Gantaalaha lugleyrkiyo
Gidigood habaasaha
Lagu gaaray samir oo
Loo goodaadshay madaxee
Hadad giiran cilmigo
Gamaankii aqoontiyo
Mirahaaga guranoo
Wainad gashaanoow
Guntigaaga xiratoo
Samirkaaga gaarka ah
Gowsahaaga xajisee
Mida kale garaadoow
Nimankaa guhaadkiyo
Garaac aan arkayniyo
Qalbigeena gubayee
Galbeed iyo ragiisiyo
Gurigaa baarisiyo
Gobalkaa niyu yook
Inay samada guud iyo
Dayaxba gur guurteen
Ayagaa garaadoow
Caqligeena galiyee
Anagana gadaa iyo
Inan gaarno dayaxaa
Maankooda guud iyo
Inay galab xareeyaan
Waa timo gadaa iyo
Sacabada ka guuxee
Mida kale garaadoow
Gacaloow aduunyadu
Gabal weeye hara oo
Hadba gees u xiimaa
Hadad galabta fiid iyo
Caawaba gadoodaa
Inad guuxa waabari
Maankaaga galisaa
Galaf iyo xumaan iyo
Gudcur naara weeyaan
Guuloow alahayoow
Gargaaraha na uuntoo
Gabigeed aduunyada
Mar un wada gudoonshoo
Irsaaqdiisa gaarshoow
Guuloow alahoow
Gar gaaraha na uuntoow
Gacalaha dalkeeniyo
Mudug goonyaheediyo
Garoowiyo sanaagiyo
Golihii togdheeriyo
Gedo iyo shabeeliyo
Gacankii baraawiyo
Gayigeena soomaal
Nabad lagu gargaariyo
Aloow guule noo dhali
No comments:
Post a Comment