Maanso cusub : mahuraan
Waa maanso kahadlay meelo badan sida xuska Alle iyo inaan aduunka lagu waarayn xisaabina danbayso,
Xaalada dalkeenu marayo, tahriibka, dhaqanka iyo Arimo kale ayay taabanaysaa
Waxaana ay leedahay
1.Muxkam waa ilaahay
2.Waysaga Kan maamula
3.Maqaadiirta waxa dhaca
4.Wuxuu maqalku duubiyo
5.Waxaan mooganee dedan
5.Kan maareeya weeyaan
6.Midigtiisu wayntahay
7.Ku bilaabay mahadiis
8.Abti maansadaydaan
9.Aan maanka ka cabiray
10.Maraan xalay mirtii dhexe
11.Taariikh isoo maray
12.Mahadhooyin milicsaday
13.Afarta sidii mayay
14.Mahiigaan nugaal helay
15.Muruq galiyay beelihii
16.Maxastii abaarnayd
17.Maanshaa Allaa roob
18.Maansheeye taama dheh
19.Afarkale aan maalee
20.Godol maankii heesoow
21.Murtidana ha kala dhimin
22.Soo Maax maansaadaadii
24.Miisaanka toosnayd
25.Miidhaamo dhaga beel
26.Haduu Malag dhawaaqtamo
27.Si kastood masuul iyo
28.Madaxwayne caaniyo
29.Tahay mudane qaaliya
30.Midagtaada waxa yaal
31.Mawd Geeri iyo iil
32.Maalin dhaw haday tahay
33.Ama muddo gaasheed
34.Mar un baad marxuum noqon
35.Gurigaagu mool noqon
36.Marti aakhiraad noqon
37.Waana lagama maarmaan
38.Midaas khaaliq baa yiri
39.Maaweelo how filin
40.Inkastoo mushiikhdiyo
41.Ama macalimiintiyo
42.Kuwa magaca waynee
43.Xaga mawle ee sare
44.Looga hayo muxiibada
45.Moogoow ku badanyahay
46.Hadana Kama marnaadoo
47.Makhluuquu u simanyahay
48.Mawd baa nawada sugi
49.Maalkiyo ninkaagii
50.Maalaayiinta haystee
51.Ugu moodka waynaa
52.Magaalada dhamaanteed
53.Muftaaxyada ku furanjiray
54.Maqalada dhalaalka leh
55.Waxaad maanta joogtaa
56.In manajaha laguu gasho
57.Iyo madaxii taagnaa
58.Maro kaakiyoo qura
59.Oo hoygii muuqiyo
60.Muuqaalka dheeraa
61.Mid kale intuu dago
62.Laguu jeexo mitiraad
63.Meel ciriiriyoo kulul
64.Yaa yiri is moodsii
65.Inaad tahay Martabad sare
66.Kabo mooge Kaa wayn
67.Yaa ku Yiri munaafaco
68.Meerisaadan gaarayn
69.Malee yaa ku yiri sheeg
70.Ku mashquul maxow tiri
71.Inaad tahay makhquul iyo
72.Sow Ma ogid masaakiin
73.Mugdiyaal is Daba yaal
74.Adigoo murjuqa uur
75.Inuu maalig ku xafiday
76.Maskax baadan haynine
77.Durba miyaad hilmaam tiri
78.Adigoo Malaha wayn
79.Muruqlaad is aragtaye
80.Hadaad maandhow aad garan
81.Taariikh waxaad madhay
82.Markii aad cadhuuftiyo
83.Ahayd malabka qaabkii
84.Ilaa hada marxaladaan
85.Hadaad maababkii hore
86.Marjacaagii aaad garan
87.Ood miyir San leedahay
88.Kibir lama miraafteen
89.Axaadiista mawlaha
90.Iyo muxumed qawlkii
91.Muran lama gasheenoo
92.Kuuma tumeen ibliis maqal
93.Iyo muusig naareed
94.Madluum Laguma taabteen
95.Magaalada aad dagantahay
96.Ma ahaadeen mooryaan
97.Kan ku maamulaayiyo
98.Madaxdaada qaaska ah
99.Iska Daa mushaabaho
100.Waa mubaax Ninkii cuna
101.Xaaraan Ma mirateen
102.Marwadii xishoodkiyo
103.Muunadaba lahaydee
104.No ahayd musbaax guri
105.Masraxyada habeenkii
106.Mirta dhexe Ma socoteen
107.Kubabkiyo Ma muujeen
108.Halkay taal macaanidu
109.Musiibadu Ma badateen
110.Maqaalkaagii taariikh
111.Iyo meertadii hore
112.Mirirbaad ilowadaye
113.Hadaad moogohow garan
114.Wax danbeeya mahadhiyo
115.Imtixaano Miro adag
116.Waxaad gali lahayd madal
117.Lagu Mariyo faataxo
118.Maadada quraanka ah
119.Markuu waagu daalaco
120.Ilaa madow saqdii dhexe
121.Masjidkaad ku jirilayd
122.Midigtaada garabkana
123.Musxafkaad ku sidi layd
124.Marahaad akhriyi layd
125.Maalin iyo ilaa galin
126.Iska daa meheradiyo
127.Inaad suuqa murantee
128.Mirirkii ku dhaafana
129.Wuxuu noqon Laa muhim
130.Afartaa Ma iyo wow
131.Murtidaan samayn jiray
132.Dheh masafadaydii
133.Maskax hadalku gali karo
134.Maqal waanadu anfici
135.Haday meesha joogaan
136.Dheh maanso qaaliya
137.Iyo hadalo Meel mara
138.Kasoo gudub Midaa iri
139.Soomaali waa mood
140.Hadba kii majaaciyo
141.Ay duruufi mawtisay
142.Intuu magac qabiil iyo
143.Iskumacoy ayaan nahay
144.Maxastiyo uu ku duufsado
145.Kumaanaan marqaaniya
146.Waa munaafiq daaline
147.Uu ku helo malaayiin
148.Waa mashruuc u furan carab
149.Siduu maansanyahan yiri
150.Kuwa madaxda noo ahi
151.Midabkuu waataa uun
152.Waa maraykan dhalashadi
153.Ama waa maqaar saar
154.Shisheeyaha u mutabaca
155.Inta uu masuul yahay
156.Qabqablaha majnuunka ah
157.Inta ay maxkamadaha
158.Kuwa maal dad soo dhacay
159.Muslin dhiigagiis qaba
160.Maafiyadu xukumayaan
161.Inta oday macawis wayn
162.Maamuski dilay isin
163.Colaadaha mirkacayaan
164.Musanowga ay kicin
165.Inta magacu hayb yahay
166.Qabiilkuna martabad yahay
167.Dooduna anaa muruq
168.Iyo maabka Kaa wayn
169.Ay tahay mukhaalafo
170.Xaalkeenu waa murug
171.Waxay dhuunta marisaa
172.Wax yaanyuurtu malabsato
173.Malaygay u jeceshay
174.Hadana waa mushaakile
175.Waxa korkeed La mariyaa
176.Biyahaa u maaroo
177.Mugucay u necebtahay
178.Wax matalaya soomaal
179.Ficilkaa maraanka ah
180.Waxay maalin iyo layl
181.Gabayiyo u mariyaan
182.Maansooyin farabadan
183.Ay u tahay muctaadoo
184.Goobtaa Mar iyo labo
185.Gobonimada mudanka leh
186.Hadana meesha Laga helo
187.Gees bay ka maraysaa
188.Inay maasho Ma ogola
189.Maandeeq hasheedaas
190.Mugdibayna gudaysaa
191.Guri maaso cagaleey
192.Lug maroodi bay gali
193.Afartaa MA iyo wow
194.Murtidaan Samayn jiray
195.Dheh masafadaydii
196.Maskax hadalku gali karo
197.Maqal waanadu anfici
198.Haday meesha joogaan
199.Dheh maanso qaaliya
200.Iyo hadalo meel mara
201.Adigoon madaraariis
202.Aaan u galin malcaabado
203.Dadku Kala madiixane
204.Waxaad maandhow barataa
205.Marka xaaladaha guud
206.Lagu jiro musiibada
207.Kala mudan midkii shalay
208.Markii aad madoobayd
209.Maalka kugu harqinayoo
210.Kuugu deeqay maaweel
211.Iyo kii kusii miray
212.Midii kuu hadhana qalay
213.Kala mudan midkii shalay
214.Markaad Milicda taagnayd
215.Iyo miyi abaar badan
216.Madashuu dagnaa iyo
217.Mudul kugu xareeyoo
218.Kaa mayray dhamacdii
219.Iyo kaan ku maratiyin
220.Kala mudan markaad xalay
221.Meel dhaxana joogtee
222.Ku maansheeyay qabow daran
223.Maruuryada gariirka ah
224.La'a aad maqiiqnayd
225.Ninkii marada kugu yiri
226.Hoo mudanahow hoo
227.Iyo kii matoorkiyo
328:moolka ceelka kugu riday
229.Garabkaa markuu shalay
230.Muudoow banaanaa
231.Kala mudan midkii gaas
232.Milatariya kuu diray
233.Midigtaada taagnaa
234.Iyo kaan ku Tabin mirir
235.Kala mudan midkii shalay
236.Markuu holocu dhacay
237.Ama ay mahlaakadu
238.Ahayd maare niyada jaba
239.Maanka kuu dajinayoo
240.samir maandhow kugu yiri
241.Iyo kii ku marakacay
242.Inay kugu mudnayd taas
243.Kuu miisay digashada
244.Soomaalaay qalbiga miir
245.Miyirkana wanaag tusi
246.Mar unbaad maroorkiyo
247:ka aad bixi maquunada
248.Ninkii miino Kula raba
249.Iyo kii mahiigaan
250.Kula raba mayay da'a
251.Iyo meel nabdoon qurux
252.Taariikhdu way marin
253.Diiwaanka mahuraan
254.Iyo maansadaa qori
255.Muqdishaay nin kugu digay
256.Muuqaaga Ma ogola
257.Nina maanso kuu tiri
258.Murugiyo xanuunba leh
259.Meeqaamna kula doon
260.Kala maanka labadaa
261.Taariikhdu way marin
262.Diiwaanka mahuraan
263.Iyo maansadaa qori
261.Afartaa Ma iyo wow
262.Murtidaan samayn jiray
263.Dheh masafadaydii
264.Maskax hadalku gali karo
265.Maqal waanadu anfici
266.Haday meesha joogaan
267.Dheh maanso qaaliya
268.Iyo hadalo Meel mara
269.Waa dunida maraykaan
270.yurub maamulaysoo
271.Mid yar iyo kabiirkii
272.Maanka Laga gumaystoo
273.Muslimiintu tahay liid
274.Soomaali muunadii
275.Sharafteedu marantahay
276.Dhalinyarada mudug iyo
278.Marka iyo hargaysee
279.Bada mawjadaha wayn
280.Ee mici abeesluha
281.Minankiisa ay tahay
282.Isku mahalakaynee
283.NAfta miino galinoow
284.Waa mushkilad tahriibkuye
285.Intaad maalig baridaan
286.Ood maciinsataan alle
287.Dhulkiinaa shaqiyo mood
288.Miisaanka culus wata
289.Cidi kugu ay maagayn
290.Sharcigaaga meeyiyo
291.Lagu dhahayn mudane keen
292.Dalka midkaad kusoo gashay
293.Macdantiyo nimcada taal
294.Dhulkiinaa ilaah maal
295.iyo dhigay mashiinada
296.Muruqsada waxaa yaal
297.Iyaguba shalay madow
298.Mugdi ay gudaayeen
299.Cayr iyo maryooleey
300.Madi bay ahaayeen
301.Inagaaba miim iyo
302.Qawlka mawle dhiganoo
303.Cilmi mudane haynaye
304.Muluq bay ahaayeen
305.Jaahilnimo u tahay magac
306.Ninka yurub u moodoow
307.Inay tahay martabad sare
308.Waligeed ahayd madal
309.Mataanaha nimcadu tiil
310.Maankaagu been sheeg
311.Malahaagu waa qalad
312.Milicbay ku furayeen
313.Maxastiyo caruuraha
314.Daacuuno mariyiyo
315.Malaxbaaba layn jidhay
316.Iyo malaariyoo qura
317.Ma lahayn madaariis
318.Dugsi maado Lagu dhigo
319.Iyagaaba magac iyo
320.Qabiil isku maglayn jiray
321.Waayadaa makhluuqii
322.Joogay maabka dunidaan
323.Moogey ahaayeen
324.Iyo mooyahoo kale
325.Dhalinyaradu waa muruq
326.Waxa ay Heleen madar
327.Faraj Meel dhow uga yimid
328.Maslaxad bay ku gaareen
329.Iyo horumar maansha ah
330.Da'yartooda miida ah
331.Intaad minan nin Kula mida
332.Mahiigaanka ka aad gali
333.Iyo Malaha fooraha
334.Adoo buush maryiyo loox
335.Maareysta baa wacan
336.Haba miis xumaadee
337.Maahmaahda suugaan
338.Taariikhda magaca leh
339.Waxa aan usoo maray
340.Dalkiina macaanka leh
341.Inaad mahadsataanoo
342.mirihiisa gurataan
343.Murtidiyo hidihii guray
344.Dhaqankeena magac ba ay
345.Misaankii naga lumay
346.Mashaaric samaysaan
347.Madal lagu hormariya ah
348.Ninka madaxa xiirtee
349.Sida muuqa gaalada
350.Dhinacyada marooriyay
351.Malaasiyay dhafoorada
352.Ama Kuwa is mahadshee
353.Mashrafkay lahayd gabar
354.Iyo dilay muxjaabkii
355.Ee wareega meelaha
356Dadka wada marqaansane
357.Miinadu jidkay taal
358.Marinkeed raad guray
359.Murti weeye dhaxal gala
360.Waa ay mugwayntahay
361.Gaarsiiya mahuraan
362.U Mariya tixdaan iri
363.Mediiyaha u wada gasha
364.Meelahay ka hadashiyo
365.Maqashiiya xarafyada
366.Maaha Ma awaal iyo
367.waxaan maad u tiriyee
368.Mareegaha u wada dhiga
369.Bal inay midkood gasho
Curiye:bilaal axmed wali
Dhamaad.
No comments:
Post a Comment