Maansadaan waxa ay la hadlaysaa dhalinyarada soomaaliyeed qaas ahaan kuwa xiran dalalka shisheeye waxayna uga waramaysaa in qabiil ay u doodi jireen, qoloqolo ay sheegan jireen ee qaranku waa wax tari karo oo ay ku faanaan kana fogaadaan hayb haybta , iyo nin jeclaysiga waatan maansadii
Akhris haboon:
1.Ninka quusta joogee
2.Dhul qalaad ku xiranee
3.Qaaxadu ay haysoow
4.Waadigaan qarwaayoo
5.Qalaloo bal dhuubtaye
6.Qabiilkaagi guud iyo
7.Jifadaada qaaska ah
8.Wax hakuu qabteenoo
10.Bal hakuu galeen qaran
11.Halkuu kaaga qumanaa
12.Qabqablaha cidaadana
13.Bal u qayliyoo dhugo
14.Inuu quuri karo garab
15.Qori uu ku tari karo
16.Qiiradaadii hore iyo
17.Qayladaadii dheerayd
18.Waxaad qowm u cayn jidhay
19.Qaarna aad duri jidhay
20.Waxaad sheegi jidhay quwad
21.Inuu dunida qarin karo
22.Qalab iyo hub waawayn
23.Saanad uu ku yahay qani
24.Kugu shubay quraafaad
25.Qabku maanta waa guul
26.Bal hakaa furtee u qor
27.qaylo dhaanta gaarsii
28.Uu sheeg qaxarka maanta ah
29.Qol inaad ku xiran tahay
30.Inay qoortu jaban tahay
31.Oo lagula dhacay qaar
32.Qabsinadu la barareen
33.Qubteen foolashii kore
34.Quudkaagu yahay dheef
35.Sanka aad ka qabatoo
36.Qudho yey ku dhaafine
37.Qasab aad ku ruugtaa
38.Qurquradu ciqaab tahay
39.Haddaad biyo u qayliso
40.U sheeg qaanta kugu taal
41.Bal inuu wax qaban karo
42.Odayaasha qoladiyo
43.Meeye qaaidiintii
44.Markii uu qilaaf jiro
45.Dhexdoodana is qoomaan
46.Isku qoora waynaa
47.qooqu waa haboon yahay
48.maanta qiil ayaa jira
49.Bal hakaa furteen qabo
50.Ilma adeer qaraaba ah
51.Dhalin yaradii qoyskiyo
52.Meeye qalabya wayntii
53.Kugu raaci jiray qalad
54.Kula qaadan jiray salab
55.Markii qaan sokeeyaad
56.Taagnayd qiyaaskay
57.Iyagana qa'laydiyo
58.U qor maansadaad tiri
59.Inuu xaal qaraaryahay
60.Qaadan waa arini yahay
61.Qaylo dhaanta gaarsii
62.Quruxdaadu waa xarig
63.Hoygaagu waa qiic
64.Maradaadu waa qayd
65.Qoraxdaadu waa toosh
66.Qawlkaagu waa ba'ay
67.Qaabkaagu waa silic
68.Qufacaagu waa wehel
69.Qandhadaadu waa ciil
70.Qorshahaagu waa lumay
71.Qalbigaagu waa jabay
72.Qosol kaama soo go o
73.Lagaa qari aduunkii
74.Qoomamee ninkaanoow
75.U qushuuc bal waayaha
76.Qoorta hoos u raarici
77.Qoraalkaaga laalaab
78.Hadalkaaga qaabee
79.Waxaad qaran ku waydaan
80.Qabiilkaagu kuu tarin
81.Qadarkana u samir kow
82.Haddaad maanta qalan tahay
83.Adigaa qarshada gaday
84.Qanjirada lagaa suray
85.Waase moogtahee qiro
86.Qaxu waa musiibee
87.Qol haddaan ku xiran tahay
88.Oodan qaadi karin addin
89.Waxba qoomamaan jirin
90.Haw qiiro badinine
91.Quraan saar naftaadoo
92.Akhri kuma qadayside
93.Adaa qoys ka doorbiday
94.Quwadii ku furan layd
95.Isku riday qamuunyada
96.Aad qaniintay bushimaha
97.Iska dhigay qofaan jirin
98.Qabqablaha u yeedh yeedh
99.Waxba kuuma qaban karo
100.Qolo qolo warkeed daa
101.Qareen kuuma noqon karo
102.Guushu maanta waa qaran
103.Adigaase quus gashay
104.Ma aad lihid qanaacaad
105.Abaalkaagu waa qaar
106.Qabarkaagu waa been
107.Qoontaadu waa haah
108.Waa qaniimo saad tahay
109.Adigaa is dhigay qashin
110.Qayrkaana kugu dhaaf
111.Halkaagaa quxuubnow
112.Inta qaranku soo noqon
113.Danbigaad gashana qiro
114.Marna qaafilyahow hayb
115.Haw qowlal waynaan
116.Haw qar qarin nin iyo reer
117.Hana tirin qasiidiyo
118.Uumiyaha wax kala quba
119.Haw qarin walaalkaa
120.Middi qoorta lagu jari
121.Iska dhawr qiyaanada
122.Iskalana qab waynoow
123.Inaad tahay jifuun qudha
124.Qaaradaha aduunyada
125.Qawlkii ilaah iyo
126.Qul acuudu gaarsii
127.Muslinkaa is qalayoo
128.La dhex dhigay qur gooyada
129.Qilaafkooda maaree
130.Qorshaheeda raacdee
131.Nabad saad u qumi layd
131.Qabaw laguma helo libin
132.Qar bay saaran tahay dheer
133.Hana quusan waligaa
134.Qasadkaagu meel dhaw
135.Yuusan kaa qotomin hooy
136.Qarqarsiga ka baabi'i
137.Waanada ha qaadicin
138.Kana dhigo qardhaas xiran
139.Qoro maansadaan iri
140.Murti weeye qaaliya
141.Gali qalabka diiwaan
142.Qiimee midaan iri
143.Quluubtana ku miisaan
144.Qarso oo walaal dhawr
145.Yaan lagaa qashine xafid
Curiye: bilaal axmed wali
Dhamaad.
No comments:
Post a Comment