Friday, February 23, 2018

Gabay cusub: dal shisheeye

Tixdaan waxaa ay ka waramaysaa dhibaatada tahriibka iyo aafadiisa waxay uga digaysaa dhalinta ficilkaa naf halaagnimada ah

Akhris wcn:

1.Dal shisheeye intaad qaban lahayd ama danaynaysid
2.Oo aad dil iyo laad iyo diiq xun mudanaysid
3.Degmadaada baa kuu wacnayd inow dadaashaaye
4.Da'yar baa u tahay ciida iyo dahab sidiisiiye
5.Mana aha inaad dawarsataa gaalka duufka lehe
6.Daliil baan u haystaa inaad darajo dhaantaaye
7.Waxaa tahay islaam daacadoo lagu dacaystaaye
8.Diintaadii inaad caasidaa kuuma aha daw e'
9.Waana daba maraysaa sharciguu daainkay dhigaye
10.Adoo deeq ilaah haysta baad isi dulaysaaye

11.Waxaa tahay daciif aan aqoon doorka uu yahaye
12.Daah baa indhaha kaaga xiran duubanoo adage
13.Daba dhilif ku gadanaaya baa kuu durbaan tumaye
14.Waxaa tahay dantii moog ibliis duufsadoo dhacaye
15.Hadba meesha kuu daran ayaad lacag ka doontaaye
16.Wuxuu doolarkii kaa dhex galay daartii aakhiro e
17.Diinaar intaad goobaysaad gashay daluuntiiye
18.Dareen li du waa taa ku baday daqaro waawayne
19.Waana kuu damiir xumo halkaad duhurkan joogtaaye

20.Dumarkaa kufsiga lagula kacay waa duriyaday e
21.Diilaal baa halkaa geeyayoo dayn yar dhaafsadaye
22.Iyaguna danbiga kama marnoo ma ayna diidayne
23.Dulmigiyo dhibaatada xun iyo diifta kor u saaran
24.Markaan daawadaaba qalbigu uu damqanayaaye
25.Wax idaacaduhu daynayaan diirku way gubane

26.Kumanyaal da'yara baa ku baxay duurkii loo kacaye
27.Gaajiyo haraad daashadaa dilay socdaalkiiye
28.barna doox waraabihii mudada jiifay daarada e

29.Dad intee ku go'ay lama yaqaan doonyahaa dhacaye
30.Iyagoo dabaal garanayay dan u qarqoomeene
31.Qaar baa libaax dalaq u yiri daamankii galaye

32.Dibadaha kuwii gaaray baan helin daryeelkiiye
33.Darbiyada intay jiifsadeen lagu dabayleeye
34.Dhaxan iyo qabaw baa ku dilay duumana u dheere
35.Qaar baa xeryaha lagu debraa dayacu haystaaye
36.Dibay uga shalaayaan wixii keenayoo diraye

37.Wax tahriibku daaniyo rafaad uu dadka u gaystay
38.Xaraf kuma dulmari karo haddaan sii dareeriyo e
39.Wax dardaarankii aan ku xiray ama kusoo duubay
40.Dalkiinaa intaad aamintaan joogo dagalkiina
41.Oo ducaysta iimaanku waa daawo qaaliya e

Dhamaaad.

No comments:

Post a Comment

maanso

Alaahu akbar

 Alaahu akbar